Somali

Latest Articles

7108 entries

Madaxweynaha Kenya Kenyatta oo difaacay dhismaha darbiga xuduuda Kenya iyo Somaliya

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dhismaha darbiga laga dhisayo xadka Soomaaliya uusan ahayn mid lagu joojinayo dhaqadhaqaaqa dadka balse uu yahay mid lagu sugayo ammaanka. 

Xukuumadda Soomaaliya oo wafdi u direysa dagaalka Beledweyn

Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in wafdi ballaaran u dirto magaalada Beledweyn, si ay uga qeyb qaataan dadaalada lagu xalinayo colaada faraha ka sii baxeysa ee u dhaxeya labo beelood oo wada dega galbeedka magaalada.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta mar kale ka doodaya hanaanka doorashada 2016

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah mar kale ka doodi doona sharciga lagu fulinayo doorashada dadban ee qorshuhu yahay in bisha Agosto ee sanadkan uu ka dhaco dalka.

Mareykanka oo walaac ka muujiyay dib u dhacyada ka jira hanaanka doorashada 2016

Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay dib u dhacyada ka jira hanaanka doorashada 2016 ee Soomaaliya, iyadoo loogu baaqay Baarlamaanka inuu qaato ansixiyo hanaanka doorashada.

Madaxweynaha Faransiiska Hollande oo sheegay in ay burburtay diyaarada EgyptAir

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa xaqiijiyay in diyaarada EgyptAir oo ka duushay magaalada Paris kuna sii jeeday magaalada Qahira ay burburtay.

Madaxweynaha Nigeria Buhari oo la kulmay gabar laga soo badbaadiyay Boko Haram

Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa kula kulmay xafiiskiisa mid ka mid ah gabdhahii ay afduubteen kooxda Boko Haram oo dhowaan ay ciidamada dowlada Nigeria ka soo qabteen meel ku dhow xadka dalka Cameroon.

Madaxweynaha oo Golaha Ammaanka u xaqiijiyay in doorashada Soomaaliya ay dhacayso bisha Agosto

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u xaqiijiyey in doorashooyinka Soomaaliya ay dhici doonaan xilliga loogu talagaley oo ah bisha August ee sannadkan 2016-ka.

Puntland oo ka digtay in wax ka bedel lagu sameeyay heshiiskii hanaanka doorashada 2016

Golaha Wasiirada Maamulka Puntland ayaa ka digay in wax ka bedel lagu sameeyo heshiiskii ku aadanaa hanaanka doorashada ee 2016, iyadoo shirarka ka socda magaalada Muqdisho looga gol leeyahay in lagu saxo qaladaadka ku jira heshiiskaas.

Maxaa ka soo baxay kulamadii looga hadlayay Hanaanka doorasho iyo dhismaha Aqalka sare

Kulamadii shalay illaa xalay ka socday magaalada Muqdisho ee looga hadlayay hanaanka geeddi socodka doorashooyinka ee sanadkan ka dhacaya dalka ayaa waxaa soo baxaya in is faham horu dhac ah laga gaaray qodobadii muranka ka taagnaa.

Xubnaha Golaha Ammaanka oo goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo goor dhow kulamo gaar gaar la yeelan doona Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS