Qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee mooshinka ka waday Xukuumada ayaa sheegay inay ka laabteen, kadib markii ay u cuntami weysay qaabka wax loo waday ee la doonayay in Xukuumada lagu rido.
Dibadbax lagu tageerayay dowladda Soomaaliya loogana soo horjeeday xildhibanadii mushinka ka keenay xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Barxada Sayidka ee magaalada Muqdisho.
Somalia is preparing to take over the control of its airspace from the International Civil Aviation Organization (ICAO) for the first time in two decades.
Hoobiyeyaal ka badan 10 ayaa xalay ku dhacay xaafado ku dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo aan la sheegin wax khasaare ah oo ay dhaliyeen duqeymahaas.
Nin loo maleynayo in uu ka tirsanaa kooxaha argagaxisada ah iyo xaaskiisa ayaa aroortii saaka lagu dilay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, bambana waa laga helay gurigiisa.
Degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa lagu soo rogay bandow billaabanaya 5:00 gallabnimo kaasoo soconaya illaa aroorta hore ee maalinta xigta, waxaana bandowgan lagu sheegay inuu yahay mid lagu adkeynayo ammaanka degmada.
Sarkaal ka tirsan nabadsugidda Kenya ayaa xalay lagu dilay magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, iyadoo tani ay sare u sii qaadayso ammaan-darrada ka jirta deegaannada ku yaalla Waqooyi-bari dalka Kenya.