Tag: xukuumada
Ra’isul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sh. Axmed Maxamed ayaa xilka taliyaha booliiska Soomaaliya si KMG ah caawa ugu magacaabay Jen. Cismaan Cumar Weheliye (Gas-Gas), kaddib markii uu galabta si lama filaan ah ugu geeriyooday Muqdisho taliyihii hore ee booliiska Soomaaliya, Jen. Maxamed Sh. Xasan Ismaaciil.
Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shir aan caadi ahayn oo shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed. Shirka ayaa looga hadlay amniga guud ee dalka, iyadoo golaha Wasiiradu xilkii ka qaadeen Agaasimihii Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya Cabdulaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed. Waxaana goluhu ku dhawaaqay in dalka ay ka jiraan abaaro daran, iyagoo guddi wasiiro ah u saaray wax ka qabashada abaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa maanta shir guddoomiyey kulankii caadiga ah ee Golaha Wasiirada, waxaana looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda dalka, iyadoo goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen magacaabista Wasiirka amniga Qaranka iyo Taliyayaasha Ciidamadda Booliska iyo Nabad-sugidda oo dhawaan uu magacaabay Ra’iisul Wasaaruhu.
Muqdisho, April 24, 2014----- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka joogtada ah ee golaha wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo looga hadlay ansixinta guddoomiyaha bangiga dhexe iyo ku-xigeenkiisa. Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay maamul u samaynta gobolada iyo degmooyinka dalka, iyadoo arrintaasi go’aan laga gaaray.
Muqdisho, April 22, 2014----- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka yeeshay samaynta maamul goboleedyada dalka. Golaha ayaa dood dheer ka yeeshay muhiimadda ay leedahay in si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka loo sameeyo maamulada gobolada, gaar ahaan deegaanada laga xoreeyey kooxaha nabad-diidka.
Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Somaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxa uu sheegay inay xukuumada ay raacsan tahay go’aankii uu hore madaxweyaha uga qaatay maamul usameynta la isku khilaafsan yahay ee laga dhisayo Baydhabo,iyadoo Xukuumadu ay qorsheyneyso inta la xoreynayo meelaha Al Shabaab inan maamul aan la sameyn karin.
Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa gudoomiyay shir aan caadi ahayn oo xalay lagu soo gaba-gabeeyay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, kaasoo looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin qorshaha dhanka amniga ee Xukuumadda Soomaaliya iyo ka-hortagga falalka argagixisanimo ee kooxaha nabadda ka soo horjeeda ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta soo gabagabeeyey kulankii labada cisho soconayay ee looga hadlayay qorshaha xukuumada ee sanadka 2014, waxaana kulankan maanta si gaar ah loogu casuumay xubno matalayay beesha caalamka, dalalka deeqbixiyeyaasha, iyo safaaraddo.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta furay kulan howleed labo cisho socon doona kaasoo Golaha Wasiirada ee Xukuumada si gaar ah uga wadatashan doonaan howlaha baaxada leh ee horyaala iyo sidii loogu fulin lahaa muhiimadaha ay kala leeyihiin, gaar ahaana qorshaha sanadka 2014-ka.
Muqdisho,
Khamiis, 28, Nove, 2013-----Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodi caadiga, kaasoo uu shir
gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon
“Saacid”, iyadoo looga dooday qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen
Miisaaniyadda sanada 2014, Gudoomiyaha KMG ah ee Bangiga dhexe, iyo
arrimaha amniga.
Muqdisho,24, Nov.2013…Shir deg deg ah oo ay maanta isugu yimaadeen
Gollaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa looga
dhagaystay warbixino gudiyo wasiiro oo loo kala diray gobolada
shabellooyinka iyo Hiiraan, Miisaaniyada sanadka 2014. Waxaana shir
gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha XF ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax
Shirdoon “Saacid”
Muqdisho, October 27, 2013----Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan aan caadi ahayn ku yeesheen xaruntooda Muqdisho waxaa looga dooday kordhinta Miisaaniyadda sanadaka 2014-ka, heshiis dhowaan dhex maray wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka badda iyo Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Al Bayrak taasoo la wareegi doonta maamulka iyo horumarinta howlaha dakadda weyn ee Muqdisho.
Muqdisho, October 24, 2013-----Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, kaasoo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, iyadoo looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin Miisaaniyadda dawladda ee 2014, dib u howlgelinta Boostadii dalka Soomaaliya iyo weliba hoos u dhaca afduubyadii Burcad-badeeda ee sanadkan.
Muqdisho, October 19, 2013----Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii bahalnimada ahaa ee ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo ay ku geeriyoodeen shacab fara badan oo aan waxba galabsan.
Muqdisho, October 17, 2013-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya yaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, iyadoo kulankan diirada lagu saaray qorshaha adeega Caafimaadka ee Aasaasiga ah, heshiis Millateri oo ay kala saxiixdeen dawladdaha Soomaaliya iyo Talyaaniga iyo warbixin laga dhegeystay Wasiirka Arrimaha Dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.