Tag: xildhibaanada

Xildhibaannada cusub ee labada Aqal oo maanta lagu dhaarinayo Muqdisho

Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah lagu wadaa inay ka dhacdo magaalada Muqdisho, iyadoo fadhigii u horeeyay ee Baarlamaanka 10aad uu maanta bilaabanayo.

Baarlamaanka oo maanta la horkeenayo hanaanka doorashada sanadkan 2016

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in la hor-keeno go’aankii doorashooyinka ee ay ku heshiiyeen Madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada, iyadoo la filayo in Xildhibaanada ay dood dheer ka yeeshaan qodobada qaar.

Wasiiradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga oo Baarlamaanka hortagaya

Baarlamaanka Soomaaliya oo Kulan maanta ku yeeshay Xarunta ay ku shiraan Ee Golaha Shacabka ayaa waxaa  Shir Guddoominayay Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Xildhibaan Jeylaani Nuur Iikar.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo loo qeybinayo warqada uu Ra’iisul Wasaaraha ku kala diray Xukuumadiisa

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maanta la filayaa in loo qeybiyo warqad uu xalay u gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka, taasoo uu ku dalbanayo in muddo 14 cisho la siiyo, si uu is bedel ugu soo sameeyo Xukuumadii uu dhowaan soo magacaabay.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ka leex leexanaya hirgelinta arrin ay ku jirto danta dalka iyo dadka

Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka leex leexanaya inuu hirgeliyo isla markaana meel mariyo hal arrin oo ay ku jirto danta dalka iyo dadka, isagoo dhowaan xaliyay khilaaf ba’an oo hareeyay madaxda sare ee Dowladda, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarihii lagu riday codka kalsoonida Baarlamaanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo codka kalsoonida kala laabtay Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa shalay codka kalsoonida kala laabtay Xukuumada uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare C/wali, iyadoo Gudoonka Baarlamaanka uu ku dhawaaqay natiijada.

Wararkii ugu dambeeyay diyaar garowga loogu jira kulanka berri ee codka loogu qaadayo Ra’iisul Wasaaraha

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maalinta berri oo Sabti ah u balansan kulan codka kalsoonida loogu qaadayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed, iyadoo shirar gaar gaar ah iyo diyaar garow xoog leh uu ka socdo Hotelada iyo xarumaha dowladda oo Xildhibaanada ay leeyihiin.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta loo qeybinayo mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul Wasaaraha

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in loo qeybiyo mooshinka ka dhanka ah Xukuumada, iyadoo labada garab ee Xildhibaanada ay xalay oo dhan shirar gaar-gaar ah ku lahaayeen Hotelada iyo xarumha dowladda.

FAAHFAAHIN: Shirkii Xubnihii Mooshinka ka keenay RW Somalia oo ku baaqay inuu Isbedel dhaco (SAWIRRO)

Xildhibaanadii dhawaan mooshinka ka keenay RW Somalia, C/weli Sheekh Axmed oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa shaaciyay in ay lagama maarmaan tahay inuu dhaco is-bedel, iyagoo intaa ku daray in haddii ay heshiin waayaan madaxda dalka mooshinka la hor-geynayo baarlamaanka si loogu codeeyo.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo labo Garab u kala jabay

Shalay  waxaa soo baxay in Xildhibaano gaaraya 140 Mudane ay  gudbiyay Mooshin  ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya C/wali Sheikh Axmed Maxamed,waxaana ay Xildhibaanadaasi  ku warameen in Mooshinkii laga Aqbalay oo la qabtay.

Naadiga Badbaado Qaran oo Cambaareeyay dilkii Xil. Sheekh Aadan Mad-deer

Naadiga Badbaado Qaran ayaa si kulul u cambaareeyay fal-dambiyeedkii ay kooxo ka tirsan Al-shabaab ku dileen xildhibaan, Sheekh Aadan Mad-deer oo ka tirsanaa xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanno ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka Hadlay Sida uu ku dhashay Muranka u dhexeeya Madaxda Somalia

Iyadoo uu weli taagan yahay khilaaf soo dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaarihiisa, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa waxaa ka hadlay halka uu salka ku hayo khilaafkan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS