Tag: xildhibaan

Xildhibaan Cosoble “Guddoomiye C/weli Muudey waa afduubtay Baarlamaanka wuxuu ka dhigay Dugsi qur’aan….”

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa ku eedeeyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/weli Muudey inuu sameeyay xadgudub ka baxsan xeer hoosaadka Baarlamaanka, isagoo sheegay inuu afduubtay Baarlamaanka. 

Xildhibaan Xuseen Iidow “Magacaabida Guddoomiyaha Maxkamadda Sare saddex qodob ayay ku fadhisaa”

Xildhibaan Xuseen Qaasim Nuur (Xuseen Iidow) ayaa difaacay magacaabidii Madaxweynaha ee Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, isagoo caddeeyay inay ku fadhido saddex qodob oo soo jireen ah. 

Xildhibaan Shaacir “Waxaa ka laabtay Mooshin aan saxiixay 3 maalin ka hor

Iyadoo maalmihii u dambeeyay uu isa soo tarayay hadal heynta ku aadan inuu jiro olole mooshin oo laga wado Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, kaasoo saxiixiisa ka socday magaalada Muqdisho ayaa Xildhibaankii u horeeyay sheegay inuu ka laabtay saxiixa mooshinkaas

Xoosh “Jawaari wuxuu la saftay Madaxweynaha, illaa iyo hadana Baarlamaanka ma furin”

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu gabay howshiisa, isla markaana wax ka maleegay waxa uu ugu yeeray sharci darradii uu Madaxweynaha ku meel mariyay hanaanka doorashada.

Guddigii loo saaray baaritaanka dilkii Xildhibaan Dirir oo baaritaan horu dhac soo bandhigay

Guddigii loo xil saaray baaritaanka dilkii Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir loogu geystay magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay baaritaan horu dhac ah oo ku aadan qaabkii uu u dhacay dilkaas oo ay geysteen Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya.

Xildhibaan Jeesow oo ugu baaqay Gudoonka Baarlamaanka inuu wax ka qabto Xildhibaanada qaska wada

Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka ee mooshinka ka wada Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay ka sugayaan Gudoonka Baarlamaanka inay go’aan ka qaataan Xildhibaanada wali qaska ka wada fadhiyada Baarlamaanka.

XIL. ILYAAS BARRE: Dowladda Kenya ma jareyso xiriirka Somalia

Xildhibaanka baarlamaanka Kenya kasoo gala deegaanka Faafi oo ka tirsan deegaanka Gaarisa, Ilyaas Barre Shiil ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warbixin uu dhawaantan daabacay wargeys kasoo baxo Kenya oo lagu sheegay in guddiga difaaca iyo xiriirka caalamiga ah ee baarlamaanka waddanka Kenya ay ku caddaadinayaan xukumadda Kenya inay xiriirka u jarto dowlada Soomaaliya.

Xildhibaan Warbixin Xasaasi ah ka qoray EBOLA-ha siyaasadeed ee ka taagan Dalka Soomaaliya!!!

Labadii todobaad ee ugu dambeysay qaranka Soomaaliyeed wuxuu la il daran yahay EBOLA siyaasadeed, jaah wareer Dastuuri ah, loollan awoodeed iyo ifafaale is-riix-riix aan dalka iyo dalkiisaba dan u aheyn! Waxa bannaanka yaalla hardan iyo qab, dhanba, dhanka kale ku taamayo inuu ku muquuniyo! Waxaad mooddaa, in laga tagayo, waxa la Isku haayo wax ka weyn, ka mudan, kana nuxur sarreeya, waxa fadhiid ah adeegyadii bulshada, Waxaan muuqan u danqasho kuwa abaaraha iyo colaadaha la dhalbar jaban ee kuweennii ay ka dhur sugayeen Isku mashquulnay halkii aan u gargaaristooda iyo u adeegiddooda aan ku mashquuli laheyn!

XILDHIBAAN C/SAMAD: Isbedelka hay’adaha amniga waa in Madaxweynaha...

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo amniga dowladdii KMG ahayd xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud ayaa sheegay in wax is-bedel ah aanay soo kordhinayn is-casilaadii wasiirkii amniga Qaranka, isagoo xusay inaysan jirin wada-shaqeyn u dhexeysa hay’adaha amniga oo dhan.

Xildhibaan C/samad "Hadii uu Madaxweynaha aqbali waayo dalabkeena go'aan dastuuri ayaa qaadaneynaa"

Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka ee u diray Madaxweynaha baaqa ah inuu is casilo ayaa sheegay in hadii uu aqbali waayo ay qaadan doonaan go'aan rasmi ah.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ka badbaaday isku dil oo lagu qaarijin lahaa

Xildhibaan C/llaahi Axmed Coonka oo ka mid ah xubanaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka badbaaday isku day dil oo lagu qaarijin lahaa kaddib markii miino loogu xiray gaarigiisa.

DEG DEG: Xildhibaan kale oo ka tirsan Baarlamaanka oo maalintii labaad lagu dilay Muqdisho

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saakay lagu dilay Xaafada Dabakaayo-madow ee degmada Dharkeenley, iyadoo dilkan uu noqonayo mudanihii labaad oo 24-saac gudahood lagu dilo Muqdisho.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo ka hadlay Howlgalka Ciidamada AMISOM

Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali ayaa shaki geliyay in heshiisyo la ogyahay ay ciidamada AMISOM kaga howlgalaan Soomaaliya, isagoo sidoo kale ka hadlay ka mid noqoshada ciidamada dalalka safka hore ay ka mid noqdeen howl-galka AMISOM.

Xildhibaan Cabdi Raxmaan Xoosh Jibriil oo shaaciyay in Dalka uu leeyahay Labo Madaxweyne ku xigeen

Xildhibaan Cabdi Raxmaan Xoosh oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul u dhaliilay Siyaasada Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha uu ku eedeeyay in uu fara galin ku sameeyay Xukuumada dhawaan lasoo dhisay.

Guddiga Arrimaha dibadda Baarlamaanka oo walaac ka muujiyay Xaalada Soomaalida Sacuudiga

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaka soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in ay tacadi badan ku jiraan shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Sacuudiga oo mudooyinka danbe ay ka soconayeen qaqabashada dadka ajaaniibta ah ee aan u dhalan wadankaasi

Dhageyso:R/wasaare Saacid, Xildhibaanno Iyo Mas’uuliyiin Kale Oo Ka Qeybgalay Aaski Marxuum Maxamed Warsame Feysal

R/wasaare Saacid, gudoomiye ku xigeenka Labaad  ee Barlamanka Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalay Aaska Allaha u naxariistee  marxuum Maxamed Warsame Feysal oo ahaa godoomiyihii gudiga arriamaha bulshada baralamanka Soomaaliya oo shalay ku geeriyooday Qarax ka dhacay Muqdisho.
Halkaan ka dhageyso
Valid XHTML 1.0 Valid CSS