Tag: xikuumada

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay

Mogadishu, 19 July 2014 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheikh Ali Dhuhulow oo maanta Muqdisho kula hadlayey warbaahinta ayaa siiyey warbixinta horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlayey arrimo ay ka mid yihiin, Qorshaha Maamul Wanaagga Dowladda, Wadatashiga Dib u eegista Dastuurka, Qalab beero oo la gaarsiiyey beeraleyda Afgoye, Guddi farsamo oo loo sameeyey dhismaha Maamul Goboleedka Kofur Galbeed, Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhinaya Mareykanka oo waraaqihii aqoonsiga laga guddoomay, Dowladda oo 500,000 oo dollar ku bilowday gar-gaarka bani’aadanimo, Sagootin loo sameeyey Safiirka Turkiga, Heshiis Wasaaradda Maaliyadda iyo Sanduuqa Kuwait iyo baaqa bisha barakeysan ee Ramadan.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS