Tag: xeeb

Madaxweynaha Ximan iyo Xeeb oo ka hadlay qaban qaabada shirka iyo diyaar garowga ka socda Cadaado

Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb C/llaahi Cali Maxamed (Baarleex) ayaa ka warbixiyay halka uu marayo qaban qaabada shirka maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud, kaasoo qorshuhu yahay in dhowaan uu ka furmo magaalada Cadaado.

Ximan iyo Xeeb Oo Baaq Nabadeed U Dirtay Beelaaha Walaala Ah Ee Ku Dagaalamay Shabeelooyinka iyo Hiiraan

Madaxwaynaha dawlad goboleedka  Ximan iyo Xeeb C/laahi Cali Maxamed ayaa shirkiisa Jaraa’id waxa uu kaga hadlay  dagaal beeleedyada maalmihii dambe ku soo laalaabtay gobolada Shabeelooyinka iyo Hiiraan,  waxaana uu ugu baaqay waxgaradka goboladaasi iyo dawlada Soomaaliya inay ka shaqeeyaan xal u raadinta khilaafaadyada jira, waxaana uu nasiib daro ku tilmaamay in xilligan dib loogu noqdo colaado sokeeye.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS