Tag: xanaf

Ilka-Xanaf “Ma rabo inuu dalku galo qalalaaso siyaasadeed iyo mid Dastuuri ah”

Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda sare Avv. Ceydiid C/llaahi Ilka-Xanaf oo xalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada ayaa meesha ka saaray in dartiis dalka u galo qalalaaso siyaasadeed iyo mid dastuur.

DEG DEG: Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Avv. Ceydiid Ilka-Xanaf oo xillka laga qaaday

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Avv Ceydiid Cabdullaahi Ilka-Xanaf, kadib digreeto uu soo saaray.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka oo sheegay in ay AMISOM diidday inay ilaaliso xarumaha Hay’adaha Garsoorka dalka”

Avv. Caydiid C/llaahi Ilka Xanaf oo ka hadlay amniga garsoorayaasha dalka ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay diideen inay ilaaliyaan xarumaha hay’adaha garsoorka dalka ay xilligaan ku shaqeeyaan, isagoo intaas ku daray in AMISOM ay howsheedii qayb ka mid ah dayacday.

ILKO-XANAF: "Wasiirka Garsoorku masoo Magacaabi karo Guddi Garsoor"

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Avv. Caydiid C/llaahi Ilka-xanaf ayaa shaaca ka qaaday in wasiirka garsoorka dalka aanu xaq u lahayn inuu soo magacaabo guddiga adeegga garsoorka dalka, uusanna sidoo kale awood u lahayn inuu kala diro guddiga adeegga garsoorka ee hadda jira.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS