Tag: xamar

Kooxo hubeysan oo Saraakiil ka tirsanaa Nabad-sugidda ku Toogtay Muqdisho

Kooxo hubeysan oo watay gaari yar ayaa saaka ku toogtay degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir sarkaal iyo askari ka tirsanaa ha’yadda nabad-sugidda Qaranka Soomaaliyeed, iyagoo dhaawacay laba askari oo kale.

War Deg Deg Ah Qarax Xoogan oo goordhaw ka dhacay Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir

Waxaa goordhaw Qarax la sheegay in gaarigiisa loogu soo xiray Masuul hore oo katirsanaa Maamulka Degmooyinka Gobolka Banaadir uu ka dhacay Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.

Gudoomiyihii Xamar Jajab oo xilka laga qaaday iyo afar Gudoomiye oo ka soo haray kuwii hore

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay Gudoomiyihii degmada Xamar Jajab oo ahaa Gudoomiyihii ugu da'da yaraa Gudoomiyeyaashii degmooyinka Gobolka Banaadir.

Madafiic qal qal ku beertay shacabka oo Xalay lagu duqeeyay Muqdisho iyo baaritaanno saaka socda

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, laba kalena way ku dhaawacmeen madaafiic xalay ku dhacay xaafado ka tirsan Muqdisho, kuwaasoo aan la ogeyn cidda soo tuurtay iyo goobaha loo dan lahaa.

Mid ka mid ah mutadawiciinta tallaalka cudurka dabaysha oo lagu dilay Muqdisho

Mid ka mid ah haweenka sida mutadawiciinta ah ugaga howlgala magaalada Muqdisho barnaamijyada tallaalka cudurka dabaysha ayaa kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Daawo sawirrada:Wadada xiriirisay Muqdisho iyo Jowhar oo isku badashay mid tahriib oo kale ah

Magaalada Jowhar ayaa wali ku jirta xaalad go'doon ah muddo ku dhow saddex bil, iyadoo bedelkii gaari loo raaci lahaa ay noqotay in doon loo raaco, sida magaalo jaziirad oo kale ah.

Reer Muqdisho oo soo dhaweeyay 22 sano ka dib in maamulka uu hir giliyo adeega samaafarada.

Waxaa magaalada Muqdisho laga hir giliyay muda dheer ka dib leerarka samaafarada ee lagu kala hago gawaariga qeebahooda kala duwan ee isaga kala goosha Muqdisho qeebaheeda kala duwan

DEG DEG: Wariye u shaqeeya Telefishinka Universal iyo Radio Kulmiye oo saaka lagu dhaawacay Muqdisho

Wariye Maxamed Maxamuud Timacade oo ka tirsan Telefishinka Universal Tv  iyo Kulmiye Radio ayaa saaka lagu dhaawacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Wadajir oo uu degenaa wariyuhu, iyadoo loola cararay Isbitaalka Madiina.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS