Tag: wasiirka
Wasiirka
arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay
xukuumaddu ay soo dhoweyneyso doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed,
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shalay xilkan loo doortay, isagoo doorashada ku
tilmaamay mirihii kasoo baxay shir muddo dheer soo socday.
Wasiirka warfaafinta xukuumadda Somalia, Mustaf Sheekh Cali Duhulow oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ka warbixiyay howlaha u qabsoomay dowladda federaalka Soomaaliya iyo wax-qabadkeeda todobaadkii hore. Isagoo ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin weerarkii iyo qaraxii lagu qaaday dhismaha baarlamaanka, arrimaha beeraha, sharciga isgaarsiinta, xaquuqda aadanaha, magacaabistii guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegista dastuurka iyo horumarka barnaamijka xasilinta dalka.
Wasiirka gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane
C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi oo ku sugan isaga iyo wafdi uu hogaaminayo
deegaanka No.50 ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxa uu sheegay in
maleeshiyaadkii ku dagaalamay deegaanadaasi ay hishiis kala dhex dhigeen
haddana meel wanaagsan ay u mareyso arrimihii gobolkaasi ay u tageen.
Waxaa
Magaalada Beijing ee Caasimadda wadanka China ka soconaya maalintii
seddexaad shirka labaad ee iskaashiga wadamada carabta iyo China (China-Arab States Cooperation Forum "CASCF")
, kaasoo ay ka qeybgalayaan 60 xubnood oo kala matalaya wadamada
carabta, iyadoo dowladda Soomaaliya ay u fadhiyaan kulanka Wakiilo ka
socda Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga .
Ra’isalwazaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo
iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ay
hogaamineyso ayaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha caalamiga ah
Aadan C/lle Cismaan ee magaaladda Muqdisho iyadoo ku sii jeedda
magaaladda Brussells ee xarunta dalka Biljamka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax
Shirdoon “Saacid” ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha
Dibadda ee dalka Itoobiya Dr. Tedros Adhanom, waxaana labada mas’uul ay
ka wada hadleen arrimaha horumarinta xariirka dawladdaha Soomaaliya iyo
Itoobiya iyo sidii nabad loogu soo dabaali lahaa geeska Afrika.
Wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka xukuumadda
Soomaaliya, C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa maanta hortagay xildhibaannada
baarlamaanka Soomaaliya isagoo uga warbixiyay heshiiskii ay xukuumaddu la
gashay shirkadda FAVOR LLC oo dhawaan lagu wareejiyay maamulka garoonka
diyaaradaha ee Muqdisho.