Tag: wasaraha

Ra’iisul Wasaaraha oo ka baaqday booqasho rasmi ah uu ku tagi lahaa Turkiga

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa baajiyay safar rasmi ah oo uu maalinta berri ku tagi lahaa dalka Turkiga, maalin kaddib qarax dad badan ku dhamaadeen oo ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo bilaabay kulamo uu bulshada ku kasbanayo

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa bilaabay kulamo uu ku kasbanayo bulshada rayidka, iyadoo xafiiskiisa uu dhowaan bilaabayo olole dadka fariimo ugu soo dirayaan, si talooyinka iyo fikradaha ay hayaan ula wadaagaan. 

Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay in Garoonka diyaaradaha uu shaqeyn doono habeen iyo maalin

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shalay gelinkii dambe ku xiran dhabbaha ay ka duulaan diyaaradaha nalalka iftiimiya, kaasoo suura gelinaya in garoonka uu shaqeeyo habeenkii. 

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Salaan ugu tagay Imaamka Beelaha Mudullood

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyeen Qaar ka mid ah wasiirada uu soo magacaabay ayaa shalay kulan Salaan ugu tagay Hoyga uu Muqdisho ka degan yahay Imaamka Beelaha Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf.

Ra’iisal Wasaare Xasan Khayre: [ 48-dii saac ee lasoo dhaafay 110 ruux ayaa abaarta ay ku dishay Goboladda Bay iyo Bakool oo keliya]

 Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya  Xassan Cali Khayre, oo manta markiisii ugu horeysay la kulmay guddiga gurmadka abaaraha, ayaa waxaa uu sheegay in Goboladda Bay iyo Bakool 48-dii saac ee lasoo dhaafay ay baartu ku dishay 110 ruux.

R.W Cumar oo Hambalyo u direy Hoggaan ka Cusub ee Maamulka Hirshabeelle

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa soo dhoweeyey doorashadii ka dhacdey magaalada Jowhar ee lagu doortay Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabeele Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble iyo madaxweyne ku xigeenka Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe).

Ra’iisul Wasaaraha “Waxaa la isla gartay in 2020 dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in si guul uu ku soo dhamaaday shirkii Istanbul ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, isagoo faah faahin ka bixiyay qodobada la isla gartay ee shirka ka soo baxay.

Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay haween ka kala socday qeybaha bulshada rayidka ah

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa xafiiskiisa ku qaabilay haween ka kala socday qeybaha bulshada rayidka sida, Guddiyada, Bulshada Rayidka, ururada iyo qeybaha kale ee muhiimka ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay Weerarkii Liido Sea Food

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo War Qoraal ah soo dhigay Bartiisa uu ku leeyahay twitter-ka  ayaa ka hadlay Weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen Maqaayadda Liido Sea Food,waxaana uu sheegay Ra’iisul Wasaarahu inuu Cambaareenayo Falkaasi lagu laayay dadka Shacabkaa ee aan waxba galabsan.

Ra’iisul Wasaaraha oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa si KMG ah waxaa uu u magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim oo ahaa Guddoomiyihii Jaamacadda SIU.

Ra’iisul Wasaaraha oo rajo ka muujiyay in Ahlusuna qeyb ka noqdaan Maamulka Gobollada Dhexe

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa rajo ka muujiyay in Ahlusuna Wal-jameeca qeyb ka noqdaan Maamulka Gobollada Dhexe, isagoo ka dhawaajiyay in wada hadalada ka socda Dhuusa Mareeb ay meel wanaagsan marayaan.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo maanta hortagaya Golaha Baarlamaanka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa lagu wadaa inuu saaka hortago Golaha Baarlamaanka, si uga jeediyo khudbad ku aadan qorsha howleedka Xukuumadiisa iyo wixii u qabsoomay tan iyo markii uu helay kalsoonida Baarlamaanka.  

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo beeniyay in beelo gaar ah uu kula kulmay Shabeelaha Hoose

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ayaa beeniyay in beelo gaar ah uu kula kulmay Gobolka Shabeelaha Hoose, intii uu ku guda jiray booqashadiisa gobolkaas ee todobaadkii hore.

Ra’izul Wasaaraha Somalia oo ka hadlay Xiisada Baydhabo amarna Siiyay Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ee Baydhabo jooga

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Ra’izul Wasaaraha oo Warbaahinta qaarkood si hoose u heleen ayuu kaga hadlay Xiisada Siyaasadeed ee xiligan ka taagan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Raiisal wasaare Cabdi Shiikh oo kulan qaatay waxgarad somaliyeed.

Raiisal wasaaraha Soomaaliya ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka si kor loogu qaado is dhex galka bulshada dalka Soomaaliyeed.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS