Tag: wasaare

Ra’iisul Wasaaraha Oo U Hambalyeeyey Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas

January 8, 2014—–Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee la doortay ee dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ra'iisul Wasaare C/wali Sheekh oo la kulmay Ergeyga Qaramada Midoobey Nicholas Kay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Ergayga gaarka ah ee Q.M u qaabilsan arimaha Soomaaliya, waxaana ay ka wada hadleen xiriirka adage ee u dhexeeya Q.M iyo Soomaaliya.

Ra'iisal Wasaaraha DFS "Ummaadda Soomaaliyeed iyo Caalamkaba waxaan ugu baaqayaa inay gargaar u fidiyaan shacbiga dabaylaha ‘cyclone’ maasheeyeen”

Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon "Saacid" ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka ku wax yeeloobay dabaylaha roobka wata ee ‘cyclone’ ee ka dhacay xeebaha Puntland. Waxaana uu u tacsiyeeyay qoysaskii ku waayay eheladooda iyo dhamaan intii waxyeeladu ka soo gaartay.

H.E. Fawzia Yusuf oo ka qeybgaleysa Shirka Golaha ammaanka ee looga hadlayo kordhinta ciidanka AMISOM iyo qalabeynta ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.‏

Ra'iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam ayaa maanta ka ambabaxday Caasimadda Muqdisho , iyadoo ku sii jeeda Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York , si ay uga qeyb gasho shir dhamaadka bishan October u furmi doona Xubnaha golaha ammaanka, kaasoo looga arinsan doono kordhinta ciidanka AMISOM iyo taageeridda Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, si ay u helaan taageero maaliyadeed iyo mid milatari oo la mid ah kaalmada loogu yabooho ciidanka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ka howlgala Soomaaliya ( AMISOM).

War Hadda Soo Dhacay: Raysal wasaraha Soomaaliya oo la magacaabay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay raysal wasaraha cusub ee dalka.

Madaxtooyada oo beenisay in raysal wasaare la magacaabay

Madaxtooyada qaranka Soomaaliya, ayaa beenisay wararka sheegaya in raysal wasaare loo magacaabay Maxamed C/laahi Farmaajo, oo hore u soo noqday raysal wasaariha mid ka mid ah xukuumadihii KMG ahaa.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS