Tag: wasaaraha
Kadib marki ay qaadaceen maamulada Puntland iyo Somaliland go,aanki kasoo baxay shirki madasha wadatashiga qaran ee ahaa in habka lagu soo dhisayo dowlada soo aadan ee Soomaaliya sanadkan 2016 noqon doono nidaamka 4.5, ayaa marki ugu horeeysay waxaa arrintaasi difaacay Ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid.
Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed ayaa dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan shucuubta kale ee muslimiinta ah ee caalamka ugu hanbalyeeyey munaasibadda Islaamiga ah ee Ciidul Axdaa. Isagoo dadka Soomaaliyeed u rajeeyay inay nabad ku ciidaan, kuna gaaraan ciidan ciideeda horumar, nabad, barwaaqo iyo midnimo.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa kulan deg-deg ah isugu yeeray guddiyada Amniga iyo Siyaasadda ee golaha Wasiirrada, waxaana ay ka hadleen xaaladihii u dambeyay ee dalka iyo go’aamadii uu qaatay Ra’iisul Wasaaruhu ee uu ku magacaabay Wasiirka amniga Qaranka iyo taliyayaasha Ciidamadda Booliska iyo Nabad-sugida.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa kulan gaar ah magaaladda Malabo kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo ka qayb galaya shirka Midowga Afrika iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu uga mahadceliyay kaalinta muuqata ee Qaramada Midoobay ay ka ciyaarayso dawlad dhisidda Soomaaliya, nabadda iyo xasiloonida.
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed oo saaka shir gudoominayey kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen gudiyadda Amniga iyo Siyaasadda ayaa ku baaqay in si deg deg loo joojiyo dagaallada u dhexeeya dadka walaalaha ah ee maalmihii u danbeeyey kasoo cusboonaaday gobolka Shabellaha Hoose.
Muqdisho, April 22, 2014 ----- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka tacsiyeeyey weerar argagaxisonimo oo maanta lagu dilay Xildhibaan Cabdicasiis Isaaq Mursal oo kooxo hubaysan ay toogteen isagoo ka soo baxayey gurigiisa oo ku yaallay xaafadda Madiina ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya
mudane Cabdiweli sheekh Axmed Maxamed ayaa ka tacisyeey dilkii loo geystay
Allaha u naxariistee Xildhibaan Isaaq Maxamed Cali (Riino) oo maanta ku
geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa. Mudane Cabdiweli ayaa uga tacsiyeeyey
qoyskii, eheladii, asxaabtii, xildhibaanada iyo qaranka uu ka tegay
xildhibaanku, isagoo Illaah uga baryey in uu jannadiisa ka waraabiyo.