Tag: wasaarada

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad oo xilka kala wareegay Wasiirkii hore

asiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Amb. Yusuf Garaad Omar ayaa maanta si rasmi ah ugala wareegay xilka Wasaaradaasi Wasiirkii hore Dr. Abdusalam Hadliye Omer kadib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda ee caasimadda Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo sheegay inay socdaan wada hadalada maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayaan dhismaha maamulada haray, isagoo ka dhawaajiyay in dhowaan la guda geli doono maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ku qaabilay Xafiiskiisa Siihayaha Safaaradda Uganda ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Uganda,

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka hadlay qaraxii xalay iyo sida Ciidamada Amniga uga hor-tageen

Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ka hadlay qaraxii xalay ka dhacay dhabarka dambe ee Hotel Maka Al-Mukarama, isagoo bogaadiyay sida ciidamada uga hortageen qaraxaas iyo inay fashiliyeen sida qorshuhu ahaa.

Wasiirada Waxbarashada Drs Khadra Bashiir oo la kulantay danjiraha dowlada Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare Drs Khadro Bashiir Cali oo ay wehelinayaa Wasiiru dowlaha Mudane Cabdullahe Bile, Wasiir ku xigeenka Mudane Xaamud Cali Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Tacliinta sare Mudane Ismaaciil Yuusf ayaa waxey maanta ku qaabishay Xafiiskeeda Safiirka Dowlada Chine u fadhiya Dalka Soomaaliya.

Somalia oo Kenya kala hadashay Dhibaatada Soomaalida loogu geeysto Garoonka Wajeer

Wasiirka Wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumada Soomaaliya Saciid Jaamac Qoorsheel ayaa sheegay in Dowladda Kenya uu kala hadlay sidii loo joojin lahaa Dhibaatada lagu hayo Dadka Soomaalida ee Garoonka Diyaaradaha wajeer ka dhoofa Ama ka soo daga, oo la sheegay in Soomaalida lagu dhibaateeyo xiliyada ay Safrayaan.

Dowladda oo sheegtay inay Muqdisho ku Qabtay Xubno ka Tirsan Al-shabaab

Xukumadda Somalia ayaa sheegtay inay wixii ka dambeeyay markii la dhigay ciidammada amniga koontaroolada laga soo galo iyo kuwa laga baxo ee Muqdisho ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigto xubno ka tirsan Al-shabaab.

Wasiirka Amniga Qaranka oo soo saaray Qorshe Amaanka Muqdisho lagu xakameenayo

Wareegto ka soo baxaday Xafiiska Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya Genaraal Khaliif Axmed Erag ayaa waxaa lagu sheegay in Wasaarada Amniga Qaranka ay dajisay qorshe cad oo Amaanka Caasimada Muqdisho lagu Xaqiijinayo.

Gargaar la gaarsiinayo Dadka ku nool Goobaha laga Saaray Al-shabaab

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya  Cali Abtidoon Xalane ayaa sheegay in Deegaanada Al-shabaab laga saaray ay gaarsiin doonaan gar-gaar.

Daawo sawiro:Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga Somalia oo furtay kulan Wada-tashi ah

Wasiirka dhallinyarada iyo isboortiga Somalia, Khaalid Cumar Cali ayaa furay xog uruurin ku saabsan siyaadda dhallinyarada Soomaaliyeed oo ay wasaaraddu soo agaasintay kaasoo lagu qabtay Muqdisho.

Wasiirka Maaliyadda oo sheegay in lasoo daabacayo lacag Shillin Somali ah

Wasiirka maaliyadda Somalia, Xuseen Cabdi Xalane ayaa sheegay inay dhawaan soo sameynayaan lacag cusub oo shillin Soomaali ah, si wax looga qabto burburka ku socda shillinkii Soomaaliga.

Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Faah-Faahin Ka Bixisay Ciidamo Shalay Soo Gaaray Dalka

Wasaaradda Gaashaanidhigga ayaa  faah-faahin ka bixisay ciidamo gaar ah oo ku howlgalaya magaca Qaramada Midoobey, kuwaasoo waajibaadkoodu yahay ilaalinta Xafiisyada Qaramada Midoobay.

Dowladda Somalia oo sheegtay inay qabatay Saraakiil Al-shabaab ka tirsan

Wasaarada Amniga Qaranka ee xukuumadda Somalia ayaa shaacisay in howlgallo ay wadajir ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM uga sameeyeen degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose iyo Muqdisho  ku dhow ay kusoo qabqabteen saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Daawo Sawirada: Wasiirka Arrimaha dibadda Somalia oo la kulmay Shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradiisa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh oo ay wehlinayaan Wasiiru dowlaha Wasaaradda H.E. Buri’ Mohamed Hamza iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa waxa ay maanta markii ugu horeysay ay si wadajir ah ula kulmeen dhammaan shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga .

Dowlada Soomaaliya oo markii ugu horeesay Shaqo siisay Gabdho qaba Cudurka AIDS-ka

Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo xuquuqda aadanaha ayaa markii ugu horeesay waxa ay shaqo siisay Gabdho kamid ah dadka la nool xanuunka AIDS-ka ,kadib kulan balaaran oo maalintii shalay ka dhacay Muqdisho.

Dr. Jamaal Barrow oo maanta ku qaabilay Muqdisho Wakiilka bariga Afrika ee Wakaaladda iskaashiga caalamiga ee dowladda Japan .

Wasiir kuxigeenka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Dr. Jamaal Mohamed Barrow ayaa maanta ku qaabilay Magaalada Muqdisho Hideo Eguchioo ah Wakiilka bariga afrika ee Wakaaladda iskaashiga caalamiga ee dowladda Japan (JICA) , oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan dib u dhiska iyo hurumarinta . 

Daawo sawirada:R/wasaare Saacid oo manta booqday dhaawacyadii laga keenay Hiiraan iyo wasaarada Gashan dhiga

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta booqday dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii shalay Al-Shabaab ku qaadeen saldhiga degmada Beledweyne kuwaasoo isla shalay dawladdu u dirtay diyaarado lagu soo daabulo si ay u helaan daweyn deg deg ah.

Muqdisho: Wasiirka gaashaandhigga oo la kulmay taliyaha ciidanka Talyaaniga

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Faqi oo ay wehliyeen saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay  saraakiil ka socota dalka Talyaaniga oo uu hoggaaminayay taliyaha guud ee ciidamada difaaca Talyaaniga Admiral Luigi Binelli Mantelli.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS