Tag: warfaafinta

Wasiirka Warfaafinta oo shaqo ka fariisin ku sameeyay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa shaqo ka fariisin ku sameeyay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi iyo Agaasimaha Maamulka oo lagu magacaabo Xasal Basal.

Maareeye “Sharciga Saxaafada ee uu Baarlamaanka ansixiyay waa kan ugu fiican adduunka”

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa soo dhoweeyay ansixintii Baarlamaanka Soomaaliya ee sharciga Saxaafadda, isagoo tilmaamay in xeerkan uu soo maray marxalado kala duwan.

Wasiirka Warfaafinta oo wax laga xumaado ku tilmaamay tiro Wariyeyaal u xiran Ahlusuna

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in la xiro wariyeyaal gudanaya waajibaadkooda, isagoo baaq u diray Maamulka Culumaa’udiinka Ahlusuna.

Mustaf Dhuxulow oo ka hadlay xil wareejintii Wasaarada Warfaafinta

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa ka hadlay xil wareejintii shalay ee Wasaaradda Warfaafinta, isagoo u mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo ka qeyb galay xafladii xil wareejinta aheyd.

Wasiirka Warfaafinta oo ka Warbixiyay Horumarrada ay Soomaaliya gaartay

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Somalia, Mustaf Sheekh Cali Duhulow oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ka warbixiyay howlaha u qabsoomay dowladda federaalka Soomaaliya iyo wax-qabadkeeda todobaadkii hore. Isagoo ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin weerarkii iyo qaraxii lagu qaaday dhismaha baarlamaanka, arrimaha beeraha, sharciga isgaarsiinta, xaquuqda aadanaha, magacaabistii guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegista dastuurka iyo horumarka barnaamijka xasilinta dalka.

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii Argagaxiso ee maanta {War saxaafadeed}

Muqdisho- 13-02-2014 Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareynaysaa weerarkii Argagaxiso ee maanta ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho kaasoo qasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu kasoo gaaray dad rayid ah oo ku sugnaa goobo ganacsi iyo kuwo wadada isticmaalayay.

Wasiir Ciilmooge Oo Ka Hadlay Waxqabadka Wasaaradda Ee Sanadkii Tegay

Barnaamijka kulanka Todobaadka oo ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka ayaa waxaa todobaadkan marti ku ahaa Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi, isagoo si faahfaahsan uga hadlay waxyaabihii wasaaradda u qabsoomay sanadkii tegay.

“Dhageyso:Wasiirka Warfaafinta “Dib U howlgelinta Somali Airline Qorshaheeda Guul Weyn Ayaan Ka Gaarnay, Diyaaradaha Ugu Horeeyana Dhowaan dalka ayey soo gaarayaan

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi oo maanta dalka dib ugusoo laabtay kadib safar shaqo dalka dibaddiisa uga maqnaa ayaa faah faahin ka bixiyey guullo uu kasoo hooyey shir uu uga qeybgalay dalka Switzerland oo looga hadlayey arrimaha Boostada iyo qorshaha dib loogu howlgelinayo Shirkadda Diyaaradaha Somali Airline kaasi oo mudooyinkanba ay Dowladda Soomaaliya dadaalladeeda waday.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Wasiirka Warfaafinta oo u qabtay Warbaahinta in 10-ka November isku soo diiwaan geliyaan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa u qabtay Warbaahinta kala duwan ee dalka in ugu dambeyn 10-ka November ay isku soo diiwaan geliyaan, isla markaana ay qaataan shatigooda aqoonsi.

Wasiirka Warfaafinta oo baarlamaanka uga warbixiyay heshiis ay Xukuumadu la gashay Shirkadda Maamusha Garoonka.

Wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka xukuumadda Soomaaliya, C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa maanta hortagay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya isagoo uga warbixiyay heshiiskii ay xukuumaddu la gashay shirkadda FAVOR LLC oo dhawaan lagu wareejiyay maamulka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Hay’ada caalamiga ah ee duulimaadyada (ICAO) oo malaayiin lacag ah Soomaaliya dib ugu soo celinaysa

Wasiirka warfaafinta, Boostada iyo gaadiidka Soomaaliya C/laahi Ceelmooge Xirsi oo dhawaantan kasoo qaybgalay shirweynaha 38aad ee wadamada xubnaha ka ah hay’ada caalamiga ah ee duulimaadyada iyo saadaasha hawada ee (ICAO) gaarayana 191 dal ayaa sheegay in Soomaaliya dib loogu soo celinayo lacag malaayiin ah oo hawada Soomaaliya canshuur ahaan looga aruuriyay 22-kii sano ee Soomaaliya ay burbursanayd
Valid XHTML 1.0 Valid CSS