Tag: wada

Shirka Madasha wada tashiga oo lagu soo bandhigayo qaabka ay noqoneyso doorashada 2016

Shirka madasha wada tashiga ayaa maanta mar kale ka bilaabanaya magaalada Muqdisho, kadib markii shirkii shalay qabsoomi lahaa uu u baaqday kala aragti duwanaan u dhaxeysay Madaxda, iyadoo lagu wado in maanta lagu soo bandhigo nooca ay noqoneyso doorashada sanadka 2016.

Wada hadaladii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland oo maalintii 3aad galay

Wada hadaladii u dhaxeeyay ergooyinkii ka kala socotay dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa galay maalinkii saddexaad, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen is faham iyo isu soo dhowaan muhiim ah.

Wada hadalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland oo maanta ka bilaabanaya dalka Turkiga

Wajigii 3aad ee wada hadalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland ayaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Ankara ee dalka Turkiga, iyadoo wada hadalada maanta labada dhinac u furmayo uu ka adag yahay kuwii horay u dhex maray.

Safiirka Turkiga ee Somalia oo sheegay in ay ku Dadaalayaan sii socoshada Wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Cemalettin Kanu Turan iyo wefti uu hoggaaminayo oo ganacsato ah oo socdaal shaqo  ku yimid Somaliland ayaa sheegay in Turkigu uu ku dadaalayo sidii ay u sii socon lahaayeen wada-hadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland.

Maamulka degmada Wadajir oo noqday degmadii u horeysay ee dhaqaale ugu yaboohda Fatahaadaha

Maamulka degmada Wadajir ayaa noqday degmadii u horeysay ee dhaqaale ugu yabooha dadka dhibaatada ka soo gaartay fatahaadaha iyo colaadaha ka jira Gobolka Shabellaha Dhexe, kadib kulan ka dhacay Xarunta degmada.

Waxaa dib u dhac uu ku yimid wada hadaladii u dhaxeeyay Dowlada dhaxe iyo maamulka Soomaaland ee Istan buul

Waxaa dib u dhac muddo bil ah uu ku yimid wajiga labaad ee wada hadalada u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya ee ay garwadeenka ka aheyd dowladda Turkiga, iyadoo lagu waday in 8-bishan uu qabsoomo.

Maamulka Dagmada wada Jir oo booqday wariye Maxamed Maxamuud Tima cade

Gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa galabta Isbitaalka Madiina ku booqday dhaawaca Wariye Maxamed Maxamuud Tima Cadde oo shalay lagu dhaawacay degmada uu madaxda ka yahay.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS