Tag: usa

Taliska Mareykanka ee Africa oo sheegay in 52 Al-Shabaab ku dileen duqeyn

Taliska Mareykanka ee Africa ayaa war ka soo saaray duqeyntii maanta ka dhacday Gobolka Jubadda Hoose, kaasoo lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kaddib markii ay weerareen Saldhig Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ku lahaayeen Baar Sanguuni. 

Mareykanka oo shuruud ku xiray ka qaadida cunaqabateynta saaran Kuuriyada Waqooyi

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in cunaqabateynta saaran dalka Kuuriyada Waqooyi aan laga qaadi doonin, inta ay ka burburineyso hubka Nukliyeerka ah. 

Dibadbaxyo ka dhan ah Trump oo ka dhacay gudaha iyo dibada dalka Mareykanka

Bannaan baxyo badan ayaa ka dhacay walina ka socda qeybo ka tirsan dalka Mareykanka kuwaasoo looga soo horjeedo siyaasadaha qallafsan ee madaxweynaha shalay Mareykanka loo dhaarshay Mr. Donald Trump.

Safiirka Mareykanka “11-kii kursi ee Guddigu laalay, kuma jirin kuraastii xadgudubka loo adeegsaday”

Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa ka hadlay qaabka ay u socdaan hanaanka doorashada, caqabadaha ka jira iyo aragtida Mareykanka ka qabo doorashooyinka.

Safaaradda Soomaaliya ee Washington oo dib loo furay muddo 25-sano kadib (Sawirro)

Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa dib loo furay muddo 25-sano kadib, iyadoo laga taagay Calankii Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dhalinyaro Soomaali Mareykan ah oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta shirqool dil ah

Dhalinyaro Soomaali Mareykanka ah oo horay isku dayay inay ku biiraan Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira inay maleegayeen shirqoolo dil ah.

Ciidanka Mareykanka oo lagu eedeeyay inay ku Dhaqamaan Midab-kala-sooc

Dil ay ciidamada amniga Mareykanka sannadkii hore u geysteen wiil madow oo lagu magacaabi jiray Michael Brown ayaa ka dhaliyay dalkaas qalalaase.

Mareykanka oo sheegay inuu bartilmaameedsaday Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sheegay in weerarkii cirka ahaa oo Sabtidii la soo dhaafay ay diyaarad kuwa aan duuliyaha laheyn ka fulisay Koofurta Soomaaliya lagu bartilmaameedsaday Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Bukaan qaba cudurka Ebolaha oo lagu arkay dalka Maraykanka

Bukaankii ugu horeeyay ee qaba cudurka dilaaga ah ee Ebolaha ayaa lagu arkay magaalada Dallas,Texas dalka Maraykanka. Mas’uuliyiin ka tirsan isbitaalka Texas Health Presbyterian Hospital ayaa sheegay in qof aan la shaacin magaciisa lagu hayo qeybta karantiilka ee isbitaalka.

DAAWO SAWIRRO: Shirkii dhexmaray Barack Obama & Madaxda dalalka Afrika

Maalin ka hor waxaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka lagu soo gaba-gabeeyay shirkii ugu horreeyay oo ay yeeshaan madaxda Afrika iyo madaxweye Mareykan ah, kaasoo inta badan looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Mareykanka iyo Afrika u dhexeeya.

Dowladaha Mareykanka Iyo Soomaaliya Oo Kala Saxiixday Heshiis Lagu Taageerayo Booliiska

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka ayaa kala saxiixday heshiis lagu taageerayo booliiska Soomaaliya.

Shirka Mareykanka iyo Afrika oo maanta Furmaya

Shirkan ay kukulmayaan madaxda qaarada Africa iyo madaxaweynaha mareykanka brack obama kana dhaca magaalada washighton ayaa waxaa looga hadli doonaa waxyaabo dhowr ah sida maal galinta qaarada Africa iyo amaanka qaarada Africa .

Maraykanka oo ka Hanbalyeeyay Doorashadii Puntland

Afhayeenka wasaarada arimaha dibada Mareynkanka ee Africa u qaabilsan Will Stevens, ayaa war uu soo saaray wuxuu ku sheegay in Dowlada Mareynkanka ay soo dhaweyneyso Doorashadii sida dimuqraadiyada ah ay ku dheehan tahay ee shalay ka dhacay Puntland,kaasi oo lagu doortay hogaamiyaha cusub ee C/wali Maxamed Cali Gaasi.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS