Tag: uk

Xisbiga talada haya ee Britain oo lumiyay aqbaliyada uu ku lahaa Baarlamaanka

 Ra’iisul Wasaaraha Britain Theresa May ayaa la kulmeysa cadaadis xooggan, kaddib markii uu xisbigeeda uu lumiyay aqlabiyadii uu ku lahaa kuraaasta Baarlamaanka.

Safiirka UK ee Somalia oo bilaabay in kulamo uu la yeelanayo Madaxda maamul goboleedyada

 Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya Danjire David Concar ayaa bilaabay kulamo uu la qaadanayo Madaxda Maamul goboleedyada dalka, kuwaasoo shalay qaarkood soo gaaray magaalada Muqdisho.

Dowlada Ingiriiska oo ku amartay muwaadiniinteeda in aysan u safrin Soomaaliya

Wasaarada Arrimaha Dibada dalka Ingiriiska ayaa ku amartay  muwaadiniinteeda inaysan u safrin dalka Soomaaliya oo ah dal ay dad badan oo haysta dhalashada Ingiriiska ay booqdaan toddobaad walba.

Maxkamad ku taal Britain oo 15 sano ku xukuntay nin Soomaali tooreey ku dhaawacay haweeney

Maxkamad ku taal Britain ayaa 15-sano xarig ah ku xukuntay Wiil Soomaali ah oo toorey ku dhaawacay haweeney British aheyd oo deganeyd magaalada Coventry.

Maraykanka iyo Ingiriiska oo digniin ka soo saaray safaaradaha reer galbeedka ee dalka Shiinaha

Wadamada Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa soo saaray digniin ah suurtagalnimada in la weeraro deegaanada ay ku yaalaan xarumaha reer Galbeedka ee magaalada Beijing dalka Shiinaha maalmaha ciidaha masiixiga.

Booliska Ingiriiska oo baadi goobaya gabdho Soomaali ah oo la waayay

Booliska dalka Ingiriiska ayaa baadi goob ugu jira Sadex gabdhood oo Soomaali ah oo la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen lana aaminsan yahay inay u safreen dalalka Syria iyo Ciraaq si ay ugu biiraan kooxda Daacish.

Taliyaha Milateriga Soomaaliya oo ka mahad celiyay taageerada Britain ee ciidanka xoogga

Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/Gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa kulan kula yeeshay xarunta Safaaradda Britain ee magaalada Muqdisho Safiirka u fadhiya Soomaaliya Danjire Harriett Mathews. Waxaana ay ka wada hadleen taageerada ay Boqortooyada Ingiriisku siiso Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed. Iyadoo ay isku afgarteen in la kordhiyo tirada iyo taakuleynta ay siiyaan Ciidanka Xoogga dalka.

Safaarada Britain ee dalka Iran oo dib loo furay kadib muddo 4 sano ah oo ay xirneyd

Safaarada Britain ee magaalada Tehran caasimada dalka Iran ayaa dib loo furay maanta kadib markii ay xirneyd muddo ku dhow afar sano iyadoo labada dal ay ka heshiiyeen khilaaf hore u soo kala dhex galay.

Ra’iisul Wasaare David Cameron oo ka hadlay guusha Xisbigiisa ka soo hooyay doorashada UK

 Xisbiga Conservative ayaa ku guuleystay aqlabiyada doorashada guud ee ka dhacday dalka UK, taasoo ka dhigtay in Xisbigu uu helo kuraasta ugu badan ee Baarlamaanka UK,  iyadoo tani meesha ka saartay shakigii laga qabay in Ra’iisul Wasaare Cameron aanu dib u soo laaban doonin.  

David Cameron oo qarka u saaran inuu mar kale ku guuleysto doorashada UK

Ra’iisul Wasaaraha talada haya David Cameron ayaa mar kale u muuqda inuu ku guuleysanayo doorashada ka dhacday UK, kadib markii uu xisbigiisu helay 329 kuraas, taasoo ah aqlabiyada ugu badan ee kuraasta baarlamaanka.

Dowladda Ingiriiska oo balan qaad u sameysay Maamulka Koofur Galbeed

Wafdi ka socda Dowladda Ingariiska oo gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Kulamo la qaatay Mas’uuliyiinta Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS