Tag: u

Dhaarinta Xildhibaanada labada Aqal oo lagu wado inuu dib u dhac ku yimaado

Iyadoo maanta ay ku beegan tahay 15-ka bisha December oo ah maalinta loo qorsheeyay in la dhaariyo Xildhibaanada cusub ee labada Aqal ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan in laga yaabo inuu dib u dhac ku yimaado.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xalay casho sharaf u sameeyay ciyaartoydii 11-jirada(Sawiro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa xalay casho sharaf ugu sameeyay aqalka dowladda Hoose Ciyaartoydii 11-jirada ee ka qeyb galay Tartankii Jeem Cup ee lagu qabtay dalka Qadar. 

Faahfaahin ku saabsan qorshaha maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan

Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Federalka Cabdraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa soo bandhigay qorshaha maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan iyadoo socon doonta geedisocodka maamul u sameynta muddo afar bilood ah. Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in tallaabada u horeysa ee maamul u sameynta labada gobol ay tahay kadib marka la saxiixo in maamul loo sameeyo labada gobol in la sameeyo guddi farsamo.

Xulka Ghana oo u soo baxay Finalka Koobka Afrika iyo Rabshado hareeyay ciyaarta (Sawirro)

Xulka Ghana ee lagu naaneyso xidigaha madow ayaa u soo baxay Finalka Koobka Qaramada Afrika, kadib markii ciyaartii Sema Finalka aheyd ay uga adkaadeen dalkii marti gelinayay Koobkan ee Equatorial Guinea 3-0. 

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo xilligan ka qeyb galaya shir ka socda Garoonka diyaaradaha (Sawirro)

Shir looga hadlayo arrimaha New Deal ayaa xilligan ka socda hoolka shirarka ee garoonka diyaaradaha, iyadoo shirkan uu gogol xaar u yahay shirka ka dhici doona dhowaan magaalada Copenhagen ee dalka denmark.

Weriye caan ah oo ka tirsanaa Telefishinka BBC-da oo geeriyoodey

Waxaa magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska ku geeriyoodey weriye caan ahaa oo ka tirsanaa BBC-da qaybta layska arko ee la hadasha caalamka.

Madaxweynaha Soomaaliya Oo U Hambalyeeyey Madaxweynaha Cusub Ee Puntland

Muqdisho, 08 Janaayo 2014 – Madaxweynaha Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa u hambalyeeyey Dr Abdiweli Mohammed Ali Gaas oo ku guuleystay xilka Madaxweynenimo ee Puntland, tasoo ah guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

barlamanka oo cod fara badan ku riday xukuumadii saacid

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kalsoonida kala noqday Ra'iisul Wasaarihii hore ee Saacid, kadib saddex maalmood oo uu Baarlamaanka dood kulul ka lahaa mooshin laga keenay Xukuumada uu hogaamiyo.

Dhageyso:Muqdisho oo $270 kun ugu deeqday dhibbaneyaasha duufaanta iyo daadadka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta sheegay inay gacanta ku hayaan deeq dhan $270,822 oo lacagta Mareykanka ah, taas oo ay iska aruuriyeen shacabka Muqdisho, isla markaana loogu talagalay dadka daadadka iyo duufaanta Soomaaliya ku waxyeeloobay Olole  uu toddobaadkii hore ku dhowaaqay guddoomiyaha gobolka Banaadir, isla markaana ay ka qaybgaleen guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka iyo shacabka magaalada ayaa deeqda lagu aruuriyay, iyadoo la qorshaynayo in la gaarsiiyo dadka ay duufaanta ku dhibaataysay deegaannada Puntland iyo dadka ku waxyeelloobay daadka fatahaadda wabiga Shabeelle ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Cabdikariim Xuseen Guuleed waxaan qaban doonaa shir dib u hishiisiin ah oo ku aadan beelihii dhawan ku dagaalamay Barriga dagmada Jowhar.

Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ku baaqay shir dib u heshiisiin oo loo qabanayo beelihii ku dagaalamay duleedka bari ee magaalada Jowhar.

Reer Muqdisho oo soo dhaweeyay 22 sano ka dib in maamulka uu hir giliyo adeega samaafarada.

Waxaa magaalada Muqdisho laga hir giliyay muda dheer ka dib leerarka samaafarada ee lagu kala hago gawaariga qeebahooda kala duwan ee isaga kala goosha Muqdisho qeebaheeda kala duwan

Waxaa dib u dhac uu ku yimid wada hadaladii u dhaxeeyay Dowlada dhaxe iyo maamulka Soomaaland ee Istan buul

Waxaa dib u dhac muddo bil ah uu ku yimid wajiga labaad ee wada hadalada u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya ee ay garwadeenka ka aheyd dowladda Turkiga, iyadoo lagu waday in 8-bishan uu qabsoomo.

Shirkii dib u hishiisiinta oo manta lagu wado in uu ka furmo Muqdisho

Xili ay manta ku begantahay maalintii loo iclaamiyay in la qabto shirki dib u hishiisiinta ee deeganada Jubooyinka ayaa waxaa magaalada ka soconaayo qaban qaabadii ugu danbaysay ee qabsoomida shirkaasi.

Mareykanka oo muwaadiniintiisa uga digay inay u safraan Kenya

Warbixin kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa muwaadiniinta u dhalatay dalkaasi looga digay in ay u safaraan dalka Kenya oo dhaca Bariga Afrika.

Dib u habeyn lagu sameynaayo safaaradaha Soomaaliya ee dibadda

WAR-SAXAAFADEED ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa u qornaa sidan:-Kulan isbarasho ah oo ay maanta la yeelatay Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda iyo Safiirada Jamhuuriyadda Federaalka u matala qaar ka mid ah wadamada caalamka , goob joogna uu ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdidaahir Cabdiraxmaan Cabdi ayaa ku dhammaaday guul iyo jawi is afagarad leh.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS