Tag: turkiga

Madaxweynaha Turkiga oo booqasho rasmi ah ku tagaya afar dal oo Afrikaan ah

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa booqasho rasmi ah oo qaadan doonta shan cisho ku kala bixin doona afar dal oo Afrikaan ah, sida ay xaqiijisay Madaxtooyada.

Erdogan oo ku tilmaamay in Qudus ay tahay Caasimadda Falastiin

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo khudbad ka jeediyay shirkii aan caadiga aheyn ee maanta isugu yimaadeen Madaxda Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ugu baaqay Hoggaamiyeyaasha dalalka Muslimiinta in Qudus u aqoonsadaan Caasimadda xoogga lagu heysto ee Falastiin.

Turkiga iyo Soomaaliya oo kala saxiixday illaa 10 heshiis

 Dowladdaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa maanta kala saxiixday illaa 10 heshiis kala duwan oo isugu jira ganacsi, maalgashi iyo milateri, iyadoo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan uu cambaareeyay weerarkii maalmo ka hor lagu qaaday Hotel Ambassador.

Daawo Sawirro: Booqashada Madaxweynaha Turkiga markii 3aad uu ku yimid Muqdisho

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa maanta markii 3aad booqasho rasmi ah ku yimid Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo uu xarigga ka jaray dhismaha Safaaradda cusub ee Turkiga ka furtay magaalada Muqdisho, kaasoo ah Safaaradooda ugu weyn ee Caalamka.

Ra’iisal Wasaaraha Turkiga Ahmet Davutoglu oo ku dhowaaqay inuu xilka ka dagayo

 Ra’iisal Wasaaraha Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa ku dhowaaqay in uu xilka ka dagayo kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Turkiga oo ku eedeeyay Ruushka inuu ku soo xadgudubay hawadooda

Dowladda Turkiga ayaa mar kale ku eedeysay Ruushka in Jimcihii la soo dhaafay ku soo xadgudubtay Hawadooda, markii diyaarad dagaal ay soo gashay hawada meel ku dhow Xuduuda Suuriya.

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Turkiga oo sagootin loo sameeyay (Sawirro)

Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Turkiga Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sagootin loo sameeyay, kadib markii dhowaan la bedelay, waxaana Safiirka la guddoonsiiyay hadiyado. 

Danjiraha Turkiga oo ka Hadlay Hanjabaadaha kaga imaanaya Al-shabaab

Wareysigii danijraha Turkiga ee Soomaaliya uu kaga war-bixinayay howlaha ay Somalia ka wadaan ayaa wuxuu maanta kaga hadlayaa hanjabaadaha Al-shabaab uga imaanaya iyo inay jiraan dalal kale oo caqabad ku ah howlaha ay ka hayaan Soomaaliya, waana kan wargeysiga qaybtiisii labaad.

KANI TURAN: “Howlaha aan ku caawinayno Somalia Khatar ayaa loo Arkaa"

Danjiraha Turkiga u jooga Soomaaliya, Kamaaludiin Kani Turan ayaa ka warbixiyay howlaha ay Soomaaliya ka wadaan, isagoo xusay in howlahooda ay yihiin kuwo muuqda, ayna sii wadayaan inta Soomaaliya ay dib uga soo kabanayso colaadihii muddada dheer ka socday.

Soomaaliya oo soo dhaweysay guushii xisbiga talada Turkiga haya ee AKP

 Dowladda Somalia ayaa hambalyo ku aaddan guusha uu xisbiga AKP ka gaaray doorashooyinkii dowladaha hoose ee dalka Turkiga u diray ra’iisul wasaaraha dalkaas, Recep Tayyip Erdoğan, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Turkey oo sii wadaya taageerada Soomaaliya

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkey ayaa sheegtay in ay dowladdoodu sii wadi doonto taageerada ay ka gaysanayso dedaallada xalka loogu raadinayo dhibaatada Soomaaliya.

Daawo SAWIRRO)Safiirka Turkiga oo ka hadlay dhismaha isbitaalka Digfeer

Danjiraha Turkiga u fadhiya Somalia, Kamaaluddiin Kani Turan ayaa sheegay inay dhameystireen dhismaha isbitaalka Digfeer ee Muqdisho, kaddib markii ay sannadkii hore billaabeen dib u dhisaan isbitaalkaas oo burbur xooggan uu ka muuqday.

Wada hadaladii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland oo maalintii 3aad galay

Wada hadaladii u dhaxeeyay ergooyinkii ka kala socotay dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa galay maalinkii saddexaad, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen is faham iyo isu soo dhowaan muhiim ah.

Wafdi Dowladda U Metelaya Wadahadallada Dowladda Federaalka Iyo Maamulka Somaliland Oo Saaka Ka Ambabaxay Muqdisho

Wafdi ka socda dowlada Federaalka Soomaaliya oo ka qeybgalaya  wada hadallada u dhaxeeya Dowlada Federaalka iyo maamulka Somaliland ayaa saaka ka ambabaxy Muqdisho.

Safiirka Turkiga ee Somalia oo sheegay in ay ku Dadaalayaan sii socoshada Wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Cemalettin Kanu Turan iyo wefti uu hoggaaminayo oo ganacsato ah oo socdaal shaqo  ku yimid Somaliland ayaa sheegay in Turkigu uu ku dadaalayo sidii ay u sii socon lahaayeen wada-hadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland.

Hay’adda bisha cas ee Dalka Turkiga oo Sheegtay in lacag Gargaar ah oo ku socotay Soomaaliya lagu haysto dalka Kenya

Hay’adda Bisha Case ee Turkiga ayaa sheegtay maanta oo Khamiis ah in lacag gaaraysa 350,000 oo doollar oo gargaar ahaan ugu socotay Soomaaliya ay haystaan ciidamada Kenay.

Dowladda Turkiga oo beenisay inay ku lug lahayd Weerar Todobaadkan lagu qaaday Guri ku yaalla Xeebta Degmada Baraawe

Dowladda Turkiga ayaa beenisay inay ku lahayd weerarkii horraantii toddobaadkan lagu qaaday guri ku yaalla xeebta degmada Baraawe ee gobolk Shabeellada Hoose, iyadoo sidoo kalena been ku tilmaantay eedeyntii Al-shabaab.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS