Tag: taliska

Taliska Ciidanka Milateriga oo faah faahin ka bixiyay howl galka ka socda Sh/Dhexe

Taliska Ciidanka milateriga Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay howl galada ka socda deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe, kadib markii shalay Ciidamada ay la wareegeen tuulooyin hoos-taga degmada Ruun-Nirgood.

Jen. Xaamud “Ciidamada Booliska waxay heegan ugu jiraan ka hortaga weerarada ka imaanaya Shabaab

Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay heegan ugu jiraan, sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada ay soo qaadaan Al-Shabaab bisha Ramadaan.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo xildhibaano booqday degmada Cadale

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed General Daahir Aadan Cilmi iyo qaar ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Sh/dhexe ayaa gaaray degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe.

C/risaaq Khaliif “Wal-wal kama qabno Dagaalka Al-shabaab

Abaanduulaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya Gen.C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa sheegay in Al-shabaab aysan Difaacan karin goobaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay kala Wareegaan Al-shabaab islamarkaana dagaalka ay kula jiraan aysan wal wal ka qabin.

Howl gallo dad badan lagu soo qab qabtay oo laga sameeyay Degmada Hodan

Taliska  Maamulka degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay Howl gallo dad badan lagu soo qab qabtay oo ay ka sameeyeen degmadaasi.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka iyo ku Xigeenkiiisii oo Xilalka laga Qaaday

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxmauud ayaa xilalka ka qaaday taliyihii ciidamada xoogga dalka, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) iyo abaanduulihiisii, Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi, isagoo saraakiil cusub u magacaabaya.

Daahir Aadan Indha Qarshe Taliyaha Ciidamada xooga dalka oo ka warbixiyay tirada askarta uga dhimatay howl galka isbaaro qaadista

Taliyaha Ciidamada xooga dalka Jen. Dahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) ayaa ka warbixiyay howl galada ka dhanka ah Isbaarooyinka yaala deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo ciidamo ka tirsanaa dowladda oo laga ruqseeyay shaqada ciidanimo ay wali dhibaato ku hayaa dadka safarka ah.

Taliska Xoogga dalka oo Al Shabaab ku eedeeyey in matooradii Ceel buur miineeyeen

Iyadoo shalay si rasmi ah degmada Ceel buur ee gobolka G/gaduud ugu gacan gashay ciidanka Meliteriga Somaliya iyo ciidanka AMISOM ayaa waxa arintaasi ka hadlay taliska Ciidanka Xooga Dalka Somaliya.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS