Tag: tahriibayaal

Warbixin ku saabsan Doonidii ku degtay Badda Mediterranean ee ay ku dhinteen Dhalinyaro Soomaali ah

Doonida dadkan saarnaayeen oo aheyd cinjir , ayaa qalibmatay markii dooni weyn oo ka soo baxday xeebaha dalka Libya la isku dayay in dadka lagu daabulo , waxaana arrinkaasi uu sababay geerida dad aan ka yareyn 500 ruux oo u badan Soomaali.

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Talyaaniga oo soo bad baadiyay muhaajiriin la socday ilaa 15-doonyood

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa howl gal labadii maalmood ee la soo dhaafay ka sameeyeen Badda Mediterranean-ka waxay ka soo bad baadiyeen ilaa 4,100 oo muhaajiriin ah, kuwaasoo la socday ilaa 14 doonyood.

Boqolaal tahriibayaal ah oo lagu la’ yahay xeebaha dalka Talyaaniga

Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegtay in dad tiradoodu ay ku dhowdahay 300 oo ruux lagu la’ yahay xeebaha dalka Talyaaniga kadib markii ay doon ay saarnaayeen ay degtay.

Dooni Ay La Socdeen Boqolaal Muhaajiriin Ah Oo Ku Degtay Xeebaha Dalka Talyaaniga

Maraakiibta dagaalka dalka Talyaaniga ayaa ku guuleystay iney badbaadiyaan Dooni siday tahriibayaal oo shil ku gashay meel ku dhow xeebaha dalka Talyaaniga,  ayadoo doontaasina ay saarnaayeen dad ku dhow 300 ruux oo ay ku jiraan tahriibayaal Soomaali ah.

Ilaa saddex boqol oo Tahriibayaal Afrikaan ah oo ku dhintay Xeebta Jaziirada Lampedusa

Dowladda Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday maalin baroor diiq qaran oo loo sameynayo mashaqadii ka dhacday Jaziirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga, halkaasoo Doon ay saarnaayeen ilaa 500 muhaajiriin Afrikaan ah ay ku degtay.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS