Tag: sudan

Madaxweynaha Koofurta Sudan oo ogolaatay inuu saxiixo heshiiska nabadeed

Madaxweynaha Koofurta Sudan Salva Kiir ayaa ogolaaday inuu saxiixo heshiiska nabadeed ee dhigayay in la soo afjaro colaada dalkaas ka jirta.  

Wada hadalada dhinacyada isku haya South Sudan oo maanta dib uga bilaabanaya Addis Ababa

Wada hadaladii u dhaxeeyay dhinacyada isku hayay colaada dalka South Sudan ayaa maanta la filayaa inuu dib uga furmo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, labo maalin kadib markii uu sanad jirsaday dagaaladii ka bilowday dalkaas.

Heshiiskii xabad joojinta Koofurta Sudan oo qarka u saaran inuu bur buro

Dowladda iyo Mucaaradka Koofurta Sudan ayaa midba midka kale waxaa uu ku eedeynayaa inuu jebiyay heshiiskii xabad joojinta ee labada dhinac ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa maalintii jimcihii.

Mareykanka oo ugu baaqay wadamada bariga Afrika in si deg deg ah ciidamo ugu diraan Koofurta Sudan

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday dalalka Bariga Afrika in si deg deg ah ciidamo ku filan ugu diraan dalka Koofurta Sudan, si loo soo afjaro colaadaha ka socda dalkaas oo galay lix bilood.

Magaalada Juba ee Dalka Koofurta Sudan oo mar kale Dagaal ka qarxay

Iska hor imaad ayaa dib ugu bilowday caasimada Juba ee Koofurta Sudan, halkaasoo dhamaadkii sanadkii hore uu ka dhacay isku daygii la doonayay in lagu afgambiyo Madaxweynaha Sudan Salva Kiir, kaasoo horseeday dagaalo ku baaha gobolada.

Dawladaha Somaliya iyo Sudan oo heshiis iskaashi ah kala saxiixday (Daawo Sawirada)

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay socdaal shaqo ku joogaan dalka Iran ayaa heshiis iskaashi kula saxiixday magaalada Tehran dhigiisa Dalka Sudan Dr Al-Faatix Cizadiin Mansoor.

Safiirka Somalia u fadhiya K/Sudan oo sheegay inay jiraan Soomaali ku xayiran gobolada dalkaas

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koofurta Sudan Amb. C/raxmaan Nuur Maxamed (Diinaari) ayaa sheegay inay wali jiraan Muwaadiniin Soomaaliyeed oo wali ku xayiran qaar ka mid ah gobolada dalkaas, iyadoo ay ka socdaan dagaalo u dhaxeeya dhinacyada iska soo horjeeda.

Ciidamada Koofurta Sudan oo dib u qabsaday magaalada hodanka ku ah Saliida ee Bentiu

Ciidamada dowladda ee Koofurta Sudan ayaa dib u qabsaday magaalada hodanka ku ah Saliida ee Bentiu, halkaasoo ka mid aheyd magaalooyinka ay gacanta ku dhigeen kooxaha mucaaradka.

Soomaalida Ku Nool Suudaanta Koonfureed Oo Iska Diiwaan Galinaya Safaardda Dalkaasi Si ay Ugu Soo Laabtaan Dalka

Ka dib markii duulimaadkii ugu horeeyay oo  sida in ka badan 100  ruux oo Soomaali ah ay ka soo dageen magaalada Muqdisho,  kuwaasi oo ka mid ah dadkii rabshaduhu ay ku qabsadeen dalka Suudaanta Koonfureed, islamarkaana Dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay in laga soo bad baadiyo  dadkaasi rabshadaha ka taagan dalkaasi si waxyeelo aanay uga soo gaarin qalalaasahaasi,  ayaa safaardda Soomaaliya waxa ay sheegtay in dad badan oo Soomaali ah  ay iska soo diiwaan galinayaan safaaradda si dalkooda hooyo ay ugu soo noqdaan.

Ganacsatada Soomaaliyeed Ee Dalka K/Sudan Oo Ay Saameeyeen Dagaallada ka Socda Dalkaasi

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka koonfurta Suudaan ayaa waxaa saameyn culus ku yeelatay dagaalada qasaaraha badan dhaliyay ee ka socda deegaanada iyo degmooyinka dalkaasi oo ay isaga horjeedaan kooxaha mucaaradka ah iyo dowladda wadankaasi oo uu hogaamiyo madaxweyne Selve ker.

Ilaa sagaashan ruux Soomaali ah ayaa ku go'doonsan xero Ciidamada Qaramada Midoobey ku leeyihiin magaalada Bor ee Koofurta Sudan, kadib markii la dhacay hantidooda tiil dukaamo ganacsi ay ku lahaayeen dalkaas.

Ilaa sagaashan ruux Soomaali ah ayaa ku go'doonsan xero Ciidamada Qaramada Midoobey ku leeyihiin magaalada Bor ee Koofurta Sudan, kadib markii la dhacay hantidooda tiil dukaamo ganacsi ay ku lahaayeen dalkaas.

Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya oo ka mid ah Wasiiro IGAD ka socda oo booqanaya Koofurta

Sii hayaha xilka Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta u ambabaxay magaalada Jubba ee Caasimada Koofurta Sudan, iyadoo qeyb ka ah Shan Wasiiro Arrimo dibadeed ka socda IGAD oo ku baxay xiisadaha ka taagan Koofurta Sudan.

Falaagada Koofurta Sudan oo la wareegay magaalada Muhiimka ee Bor, kadib dagaalo ka dhacay

Falaagada Koofurta Sudan ee daacada u ah Madaxweyne kuxigeenkii hore Riek Machar ayaa qabsaday magaalada Bor ee Gobolka Saliida hodanka ku ah ee Junglie oo xuduud la leh dalka Itoobiya.

Is rasaaseyn mar kale laga maqlay magaalada Jubba ee Caasimada Koofurta Sudan

Is rasaaseyn ayaa mar kale laga maqlay magaalada Jubba ee Caasimada Koofurta Sudan, maalin kadib markii Madaxweyne Salva Kiir uu sheegay in la fashiliyay isku day lagu afgambin lahaa dowladda curdunka ah.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS