Tag: somalia

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo amray si deg deg ah loo xalliyo cabashada xujeyda Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta la kulmay guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee golaha shacabka. 

Dowlada Federalka oo ka hadashay dagaalka saaka ka dhacay Baar Sanguuni

Dowlada Federalka ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah uga hadashay weerar saaka waaberigii ay ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Alshabaab saldhig ay ciidamada dowlada ku lahaayeen deegaanka Sanguuni oo qiyaastii 50km u jira magaalada Kismaayo. 

Wasaarada Kalluumeysiga oo digniin ka soo saartay Bad Xiranka

Wasaaradda Kaluumeeysiga iyo Kheyraadka Badda ayaa uga digtay Dhammaan kalluumeysatadda Soomaaliyeed in ay badda galaan inta lagu guda jiro bad xiranka  taasi oo ay suurtagal tahay  in kaluumeeysatada ay dhibaatooyinka kala kulmaan gudaha badda. 

Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar oo gaaray heshiis ku kacaya labo boqol oo malyan oo dollar

Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar ayaa ku kala saxiixday goor dhow magaalada Muqdisho heshiis horumarineed oo ku kacaya labo boqol oo malya oo dollar iyadoo saxiixa heshiiskana uu goobjoog ka ahaa ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre. 

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xil ka qaadis ku sameeyay Wasiir ka tirsan Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirka Ow-qaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Dr. Iimaan C/llaahi Cali.

Madaxweyne Farmaajo “Ciidanka Xoogga dalka waa Geesiyaal Sooma-jeestayaal ah”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kormeer ku tagay Dugsiga tababarka ciidamada ee Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo dhiggiisa Itoobiya kala hadlay sii deynta Maxaabiis uu ku jiro Boqorka Bartamaha

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhiggiisa Itoobiya Hailemariam Desalegn kala hadlay sii deynta Maxaabiis Soomaali ah oo ku xiran xabsiyada Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya oo maamuli doonta mashaariicda hormarineed ee midowga Yurub

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maamuli doonta mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub uu siiyo Soomaaliya, kaddib markii wafdi ka socda Midowga Yurub la kulmeen Madaxweynaha iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda.

Wasiirka Maaliyadda oo lacagtii ugu badneyd hal maalin ka aruuriyay canshuuraha Qaadka

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo uu wehliyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa shalay kormeeray ku tagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo Wasaaradda Maaliyadda ku canshuurto Qaadka ka yimaaday dalka Kenya.

Wasiirka Warfaafinta oo shaqo ka fariisin ku sameeyay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa shaqo ka fariisin ku sameeyay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi iyo Agaasimaha Maamulka oo lagu magacaabo Xasal Basal.

Qaramada Midoobay oo sheegtay in 60 kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah dib loo soo celiyay

Hay’adda arrimaha qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee lagu magacaabo UNHCR ayaa ku sheegtay in dalka Soomaaliya ay dib ugu soo celiyeen Qaxooti ku dhow 60 Kun, taasi oo ah tiradii ugu badneyd oo dalka dib ugu laabta.

SAWIRRO: Saraakiisha Ciidanka XDS iyo kuwa AMISOM oo ka Shiray Hawl-gallada Al-shabaab

Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa maanta Muqdisho ku yeeshay kulan xasaasi ah oo looga hadlay dib u billaabida Hawl-gallada ka dhan ah Al-shabaab, kaas oo si wadajir ah looga fulinayo deegaanada Al-shabaab ay kaga sugan tahay Gobollada Soomaaliya.

Turkiga iyo Soomaaliya oo kala saxiixday illaa 10 heshiis

 Dowladdaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa maanta kala saxiixday illaa 10 heshiis kala duwan oo isugu jira ganacsi, maalgashi iyo milateri, iyadoo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan uu cambaareeyay weerarkii maalmo ka hor lagu qaaday Hotel Ambassador.

Wasaaradda Waxbarashada oo maanta qaadeysa Imtixaanaadka mideysan ee shahaadiga

Kumanaan Arday Soomaaliyeed ayaa maanta u fariisanaya Imtixaanaadka mideysan ee shahaadiga, kaasoo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya oo ka digtay in xilliga kala guurka la boobo hantida qaranka

Iyadoo Soomaaliya gashay marxalad kala guur ah, lana filayo in dhamaadka sanadkan uu dalka ka dhaco is bedel, marka la gaaro doorashooyinka ayaa Xukuumadda Soomaaliya waxay ka digtay in la boobo hantida qaranka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka hadlay Gabar Soomaali isku gubtay Jaziirada Nauru

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya la socoto gabar 21 jir Soomaali ah oo isku gubtay xero qaxooti ku taal Jaziirada Nauro oo ku dhow Australia.

Ruushka oo diyaar u ah inuu hub ka iibiyo Soomaaliya, marka laga qaado cunaqabateynta

Dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday inay hub ka iibin doonto dowladda Soomaaliya, markii laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran.

Ciidamada Kumaandooska oo xalay howl gal ka fuliyay duleedka Kismaayo

Ciidamada Kumaandooska ayaa xalay howl galo ka fuliyay deegaan lagu magacaabo Janaay Cabdalla oo qiyaastii 60Km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.

Hanti-dhowrka Guud “Shirkadaha Favori iyo Al-Bayrak waa diideen in lala xisaabtamo

Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale Faarax ayaa sheegay in dalka aanay xisaabtiisa xirmi karin, kadib markii uu ku dhaliilay in Hey’addaha lagu wareejiyay ilaha dhaqaale ee dalka ay diideen yihiin in lala xisaabtamo.

Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo gaaray Gaalkacyo

Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone D’urso ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo, si uu uga qeyb qaato dadaalada nabadeed ee lagu xalinayo xiisada dagaal ee wali ka jirta magaalada.

Madaxweynaha oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Netherlands

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Boqortooyada Netherlands wakiilka uga noqon doona Soomaaliya, Amb. Franciscus Albercht Makken.

Midowga Yurub oo ka dalbatay dowladda Federaalka inay joojiso xukunada dilka ah

 Midowga Yurub ayaa sheegtay in aysan marnaba raalli ka aheyn xukunada dilka ee ay fuliso dowladda Federaalka, taasoo lagu tilmaamay inay ka dhigan tahay xagudub xuquuqdaha aadanaha.

Shirka Golaha Wasiirada kulankoodii Todobaadlaha ahaa

Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte, iyadoo kulanka ay goob jog ahaayeen Taliyeyaasha Ciidamadda. Waxana shirka looga hadlay qodobo dhowr ah.

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Turkiga oo sagootin loo sameeyay (Sawirro)

Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Turkiga Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sagootin loo sameeyay, kadib markii dhowaan la bedelay, waxaana Safiirka la guddoonsiiyay hadiyado. 

Wasiiradda Caafimaadka Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku tagtay dalka China (Sawirro)

Wasiiradda Wasaarada Caafimaadka Xaawa Xassan Mohamed oo booqasho rasmi ah ku tagtay todobaadkan dalka China ayaa waxay la kulantay Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Dalka China H.E Li Bin, waxayna labada Wasiir ka wada hadleen sidi dib loogu soo celin lahaa mashaaricdi caafimaadka ee dalka uu ka fulin jiray China gaar ahaan dib u dhis lagu sameeyo Isbitaalka Banaadir oo ka mid ah Isbitaalada horay uu udhisay China, Sidoo kale in dib loo soo celiyo Qubaradii caafimaadka ee wadanka China u soo diri jireen wadanka Somaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya oo lacag ugu deeqay dib u soo celinta Qaxootiga Soomaalida ee Yemen

Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ku go’aamiyeen lacag uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu deeqay dib u soo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen.

Wafuud isugu jira Wasiiro iyo Mas’uuliyiin oo maanta gaaray Dhuusa Mareeb iyo Caabudwaaq

Wafuud ballaaran oo isugu jira Wasiiro, Mas’uuliyiin, siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameedyo ayaa maanta gaaray degmooyinka Dhuusa Mareeb iyo Caabudwaaq, iyadoo socdaalkooda uu la xiriiro arrimaha maamul u sameynta Gobolada Dhexe iyo sidii loo soo afjari lahaa kala aragti duwanaanshaha ka jira habka loo marayo maamul u sameynta.

Xukuumadda oo sheegtay inay la wareegtay dhameystirka shirka dib u heshiisiinta Dhuusa Mareeb

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay la wareegtay dhameystirka shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega Gobolada Dhexe ee ka socda magaalada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud.

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil sar sare u xirtay Weerarkii Hotel SYL ee dhacay bishii Janaayo

Dowladda Soomaaliya ayaa saraakiil sar sare oo ka tirsan laamaha ammaanka dowladda u xir xirtay weerarkii bishii Janaayo lagu qaaday Hotel SYL oo ku dhow agagarka Madaxtooyada, iyadoo xilliga uu weerarkaas dhacayay ay hotelka ku sugnaayeen wafdi Turkish ah.

XASAN SHIIKH: Itoobiya iyo Soomaaliya waxaa u billowday xiriir taariikhi ah

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta kumanaan shacabka Itoobiya ah khudbad ugu jeediyay garoonka ciyaaraha ee magaalada Mekelle, halkaasoo ay ka dhacday munaasabad lagu xusayay 40-guuradii kasoo wareegtay markii la aasaasay ururka Tigray People’s Liberation Front (TPLF) oo qayb ka ah is-bahaysiga EPRDF ee haya talada dalka Itoobiya.  

Qaadkii la keeni jiray Somalia oo hakad la geliyay iyo Ganacsato ka Hadashay

Ganacsatada Qaadka Soomaaliya u soo rari jiray ayaa sheegay inay hakad geliyeen ganacsigooda, iyagoo sababta ku sheegay in lacagaha can-shuuraha ah ee Somalia looga qaado ay sare loo qaaday, sidoo kalena uu jaadku qaali ka noqday Kenya.

War Deg Deg ah:Kenya oo Dowladda Soomaaliya u soo gacan gelisay Xasan Xanafi oo ku eedeysan dilka Wariyeyaal

Dowladda Kenya ayaa dhawaan ku wareejisay Dowladda Soomaaliya Xasan Xanafi Xaaji oo ka tirsanaa Al-Shabaab, iyadoo maanta Hey’adda Nabadsugida Qaranka ay ku soo bandhigtay magaalada Muqdisho.

Soomaaliya oo kaalinta hoose ka gashay dalalka ugu musuq maasuqa badan caalamka (Akhriso)

Warbixin cusub ee ay sanadkan soo saartay Ururka Transparency International ayaa looga hadlay heerka musuq maasuqa caalamka, iyadoo Soomaaliya ay ka gashay meesha ugu hooseeysa liiskan.

Taliska Booliiska oo sheegay in Muqdisho ay ka sameeyaan Howlgal gaar ah

Taliyaha booliiska Soomaaliya, Jen. C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa shaaciyay inay kordhin doonaan howl-gallada Muqdisho ay ka wadaan si ay ammaanka u xaqiijiyaan, isagoo sheegay inay billaabayaan howlgallo gaar ah oo 10 maalin oo xiriir ah socon doona.

Ra'iisul Wasaaraha oo ka mahad celiyay agab ciidan oo Talyaaniga ugu deeqday Ciidamada (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Talyaaniga taageerada ay u fidiyeen ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay ifafaalaha dib u soo laabashada xiriirkii soo jireenka ahaa ee ka dhaxeeyey dawladdaha Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Shirka maal gashiga oo si rasmi ah kaga furmay Magaalada Dubai

Waxaa maalintii labaad galay shirka bandhigga wax-soo-saarka iyo maal-gashiga Soomaaliya oo ka furmay xarunta ganacsiga adduunka ee Dubai (Dubai World Trade Center).

Dawladaha Somaliya iyo Sudan oo heshiis iskaashi ah kala saxiixday (Daawo Sawirada)

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay socdaal shaqo ku joogaan dalka Iran ayaa heshiis iskaashi kula saxiixday magaalada Tehran dhigiisa Dalka Sudan Dr Al-Faatix Cizadiin Mansoor.

Cunno-qabateynta Hubka Soomaaliya oo la Dalbaday in la Adkeeyo

Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka cunno-qabteynta hubka ee Soomaaliya iyo Eratria ayaa ka dalbaday Golaha Ammaanka in si buuxda loogu soo rogay Soomaaliya cunnoi-qabateynta hubka ee sannadkii hore laga qafiifiyay, kaddib markii dhawaan ay soo shaac baxday in dowladda Somalia ay hub kala duwan ka iibisay Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in Saraakiil Mareykanka ku sugan yihiin Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horeysay xaqiijisay in Saraakiil Mareykan oo ah La Taliyeyaal ay ku sugan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho kadib markii dowladda Mareykanka ay qiratay in Saraakiil tiro yar ay u dirtay Soomaaliya, si ay u caawiyaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda.

Waxaa dib u dhac uu ku yimid wada hadaladii u dhaxeeyay Dowlada dhaxe iyo maamulka Soomaaland ee Istan buul

Waxaa dib u dhac muddo bil ah uu ku yimid wajiga labaad ee wada hadalada u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya ee ay garwadeenka ka aheyd dowladda Turkiga, iyadoo lagu waday in 8-bishan uu qabsoomo.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS