Tag: shikii

Madaxweyne Xasan “Dhaqanka fowdada ee 23kii sano na dilay waa uu sii dhammaanayaa” SAWIRRO

Muqdisho, 20 April 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta furay Shirweynaha Qaran ee Amniga. Shirkan oo ay Dowladdu qabanqaabisay kana soo qeybgaleen aqoonyahanno, khubaro dhanka amniga iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada, ujeedadiisuna tahay in arrimaha amniga la gorfeeyo oo talo ka timid shacabka Soomaaliyeed ay noo horseedo sidii aan u sii xoojin laheyn amniga iyo nabadeynta Somalia.

Daawo Sawirada Shir weyne qaran oo looga hadlayo amaanka Dalka oo goordhaw ka furmay Magaalada Muqdisho

Waxaa Goordhaw Hotelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho ,ka furmay Shirweyne looga hadlayo amaanka Dalka ,shirkaa ay ka qeyb galayaan Madax katirsan Dowlada Soomaaliya iyo saraakiil ka kala socota Maamul Goboleedyada Dalka.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS