Tag: sheegay

Hanti dhowrka Guud ee Qaranka oo sheegay in baaris lagu sameeyay Xafiisyada Madaxda dowladda

Hanti dhowrka Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa sheegay in sanadkan ay xoojinayaan la dagaalanka Musuq maasuq iyo baarista Hey’adaha dowladda, si loo yareeyo musuq maasuqa ka jira Soomaaliya.

Saraakiil Mareykan ah oo sheegay in duqeyntii xalay lagu dilay Amiirka Al-shabaab

Sarkaalkiil Mareykanka ah ayaa sheegay in lagu dilay duqeyntii xalay uu Mareykanku ka geystay deegaan ku dhow degmada Sabalaale ee gobolka Shabeellada Hoose hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane iyo saraakiil kale oo la socday.

100 ruux oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay Malaysia Airlines oo ahaa shaqaale cudurka AIDSka

Illaa boqol ruux oo ka mid ahaa dadkii saarnaa dayuuradii Malaysia Airlines oo ku burburtay dalka Ukraine ayaa ahaa dad ku sii jeeday dalka Australia halkaa oo ay ugaga qeybgali lahaayeen kulan caalami ah oo loogaga hadlayo cudurka AIDSka.

Tarsan: “Wasiirradu waa inay dagaan Degmooyinka Muqdisho oo dhan”

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ku boorriyay golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya inay dagaan degmooyinka gobolka Banaadir oo aysan ku ekaan madaxtooyada.

Xildhibaan Cabdi Raxmaan Xoosh Jibriil oo shaaciyay in Dalka uu leeyahay Labo Madaxweyne ku xigeen

Xildhibaan Cabdi Raxmaan Xoosh oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul u dhaliilay Siyaasada Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha uu ku eedeeyay in uu fara galin ku sameeyay Xukuumada dhawaan lasoo dhisay.

JAWAARI: “Xukuumadda cusub waxaa looga fadhiyaa inay abuurto Mashaariic fara badan si Shaqo la’aanta looga baxo”

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay in xukuumadda cusub looga fadhiyo inay abuurto mashaariic fara badan si dhallintu ay uga baxaan shaqo la’aanta haysata.

Ra'iisul Wasaare Saacid "Go'aan kasta oo Baarlamaanka gaaro anagoo maqan waa mid ku dhisan malo

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa war saxaafadeed xafiiskiisa ka soo baxay ayaa sheegay in eedeymaha mooshinka ku xusan ee Xukuumadiisa loo soo jeediyay ay xaq u leedahay inay iska difaacdo.

Mareykan ka oo Saldhigyo ay kula Dagaallamayaan Al-shabaab ka dhisaayo xadka ay wadaagaan Somalia, Jabuuti iyo Kenya

Dowladda Mareykanka ayaa wadda qorshe ay saldhigyo kaga dhisayso xuduudaha ay wadaagaan dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Jabuuti, kuwaasoo ay sheegtay inay kula dagalaamayso kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.  

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA: “Waxaan ku guuleysannay inaan 64 unug oo Al-shabaab ka tirsan ku burburinno muddo kooban”

Khamiis, Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in muddo 90-casho gudahood ah ay ku burburiyeen 64-unug oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo ka howlgalayay Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha DFS “Fatahaadaha Webi Shabeelle waa Musiibo Qaran, oo ay tahay in lala tacaalo”

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka ku wax yeeloobay fatahaada webi Shabeele ee sida ba’an u saameeyay shacbiga magaalada Jawhar iyo nawaaxigeda.  
Valid XHTML 1.0 Valid CSS