Tag: shabeelaha

Faah faahin ka soo baxaya duqeyn ka dhacday deegaan hoos-taga degmada Afgooye

 Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ayaa sheegaya in diyaarado kuwa qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helicopter ay shalay duqeyn ka geysteen deegaanka Furuqley oo 25KM dhinaca waqooyi kaga beegan Afgooye.

Wasaaradda A. Gudaha oo rajo ka muujisay in odayaasha ka maqan shirka Jowhar inay ku soo biiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay Odayaasha dhaqanka ee wali ka maqan shirka Jowhar ee maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe inay dhowaan ku soo biiraan.

Gudoomiyaha Sh/Dhexe oo booqday Tuulooyinkii lagu gubay dagaal beeleedyadii ka dhacay bariga Jowhar

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa booqasho ku tagay tuulooyinkii ku gubtay dagaal beeleedyadii sanadkii hore ka dhacay bariga magaalada Jowhar.

Faah-faahin dheeraad ah oo ka soo baxeyso Duqeyntii Cirka ee Shabellaha Hoose

Pentegonka mareykanka ayaa laga soo xiganayaa in mareykanku duqeyn xaga cirka ah uu kafuliyay gobolka shabelada hoose goobo ay kaga suganyihiin hugaamiyaasha Al-shabab ,balse pentagon-ka mareykanku ma’uusan cadeenin in howlgalkan uu guuleystay ama uu fashilmay.

Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose oo Dowlada ka dalbaday in ay cadeyso Gobolka Sh/Hoose halka uu raacsanyahay

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlada Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa ka hadlay aqoonsigii Dowlada Soomaaliya u fidisay Maamulka Koonfur Galbeed oo tirsaday Gobolka Shabeelaha Hoose.

Maamulka Shabeelaha Hoose oo ka hadlay deegaanno ay Ciidamada Dowladda dib uga soo baxeen.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya Cumar Max’ud Cilmi Carabeey ayaa ka hadlay warar sheegaya in Ciidamada dowladda deegaanno gobolka ka tirsan ay dib uga soo baxeen fariisimayaal ay ku lahaayeen.

Beero lagu Beeray Maandooriyaha Xashiishadda oo lagu gubay Bariga Jowhar

Dhulbeereed uu ka baxayay maan-dooriyaha loo yaqaan xashiishka ayaa dab lagu qabadsiiyay bariga degmada Jowhar ee gobolka Shabeelada dhexe, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolkaas, Cabdi Jiinoow Calasow.

Maamulka Gobolka Sh/Dhexe oo soo dhoweeyay is bedelka lagu sameeyay Ciidamada Uganda

Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa soo dhoweeyay is bedelka lagu sameeyay Ciidamada AMISOM ee ku sugnaa Gobolka, iyagoo rajo ka muujiyay in xilligan deegaanada ka maqan gacantooda ay la wareegaan.

Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaano ka tirsan Sh/Hoose, iskuna furay jidka Xeebta ee Muqdisho iyo Marka

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa saakay la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose, kadib dagaal xalay ka dhacay deegaanada Gendershe iyo Jilib Marka oo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab.

Dhaq-dhaqaaq Ciidan oo laga Dareemayo Gobolka Shabeelada dhexe

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gobolka Shabeellada dhexe ayaa billaabay dhaqdhaqaaqyo ciidan, iyadoo maamulka gobolkaas uu sheegay in dhawaan ay billaabanayaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

Dagaal xoogan oo ka socda deegaanka Muuri oo ku dhaw lambar Konton

Dagaal udhaxeeya maleeshiyaad hubeysan oo qaab beeleed u abaabulan ayaa waxa uu saaka mar kale ka socdaa deegaanka Muuri ee gobolka Shabellaha hoose.

Ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo si nabad kula wareegay deegaanka Nambar 50

Wararka ka imaanaya deegaanka Nambar 50 ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ku hubeysan 11-gaadiidka dagaalka ay saakay waabarigii hore gaareen deegaankaas, iyadoo maleeshiyadii deegaanka ee horay ugu sugnaa ay isaga baxeen.

Dagaallo u dhexeeya Ciidammo ka Tirsan Dowladda Somalia oo hab beeleed u abaabulan oo ka Qarxay Gobolka Shabeellada Hoose

Dagaallo u dhexeeya ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo hab beeleed u abaabulan ayaa saakay ka qarxay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, dagaalkan ayaa daba socda dagaallo horay uga dhacay gobolkaas.

Doowa sawirrada:Kulan looga tashanaayay aayaha G/Shabeelaha Hoose oo ka dhacay No 50

Kulan ballaaran oo looga hadlayay Nabada iyo aayaha bulshada ku nool Gobolka Shabellaha Hoose ayaa lagu qabtay deegaanka NO: 50, halkaasoo dhowaan uu ka dhacay dagaal sababay qasaare naf iyo maalba leh.

Dagaalo u dhaxeeyo Ciidammo ka tirsan Dowladda Somalia oo ka dhacay Gobolka Shabeellada Hoose

Ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa waxay dagaallo culus maanta ku dhexmareen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo lasoo sheegayo inay khasaare xooggan ka dhasheen dagaalladaas.

Shabaab oo gaari ay ku edeeyeen in uu waday qaad ku gubay Sh/dhaxe

Wararka ka imaanayo Gobalka Sh/dhaxe ayaa waxa ay sheegayaa in ay shabaab Dagmada Cadale ay ku Gubeen gaari halkaasi ku sii jeeday.

Qaraxya ayaa xalay waxa ay siyaaba kala duwan ugu kala dhaceen qeeba ka mid ah G/Sh/Hoose

Xili ay magaalooyinka marka iyo Afgooye ay isaga soo baxaan Ciidamadii amaanka ee Booliska iyo nabad Sugida ayaa hada waxaa inta badan ka dhacaya Qaraxyo ay geysanayaan maleeshiyaad sida la tuhun sanyahay gacan saar la leh Al-shabaab

Ciidanka Dowlada ee shabeelaha dhaxe oo xabsi ku yaala Dagmada Jowhar dhigay tira idayaal ah

Waxaa sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/Dhaxe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay Ciidamo katirsan Dowlada ay xabsiga dhigeen tiro odayaal dhaqmeed ah oo kusugnaa Magaalada Jowhar.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS