Tag: shabaab

Dowladda Soomaaliya oo loogu baaqay inay wada hadal la furto Al-Shabaab

Wasiirkii hore ee Amniga dowladdii Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay wada hadal la furto Al-Shabaab, isagoo xusay in Shabaab aan kaliya dagaal lagu jebin karin. 

Al-Shabaab oo ku hanjabay inay ka hortagayaan qorshaha Itoobiya kula wareegeyso Dekedaha Soomaaliyeed

Al-Shabaab ayaa markii u horeysay war rasmi ah ka soo saaray heshiiskii bishii la soo dhaafay dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ee ku saabsanaa afar dekadood oo Itoobiya maalgashaneyso. 

Al-Shabaab oo xalay weeraray Saldhigga Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee Waajid

Wararka ka imaanaya degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in xalay uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda, kuwa Itoobiya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab. 

Al-Shabaab oo baahisay magaca mid ka mid ah raggii fuliyay qaraxyadii Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa baahisay magaca mid ka mid ah raggii ku lugta lahaa weeraradii maalintii jimcihii la soo dhaafay lagu qaaday agagaarka Madaxtooyada iyo Hotelka Doorbin oo ku dhow Xarunta Dhexe ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Alshabaab oo afar ruux oo ku diley deegaanka Lamu ee dalka Kenya

Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in afar ruux oo u dhashay dalka Kenya lagu diley deegaanka Lamu iyadoo dilkaana lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen ururka Alshabaab.

Ururka Alshabaab oo isaga baxaya deegaano ka mid ah gobolka Sh/hoose

Wararka ka imanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in ciidamada ururka Alshabaab ay bilaabeen inay ka baxaan deegaano ku yaal gobolka Sh/hoose gaar ahaan deegaanada ku yaal xeebta Badweynta Hindiya.

La-tuhunsaneyaal laga shakiyay inay Al-Shabaab ka tirsan yihiin oo Muqdisho lagu xiray

Ilaa 20 qof oo ah la-tuhunsaneyaal laga shakiyay inay Al-Shabaab ka tirsan yihiin ayaa waxaa ciidamada ammaanku ku xireen Muqdisho habeynkii Axadu soo galaysay.

Guddoomiyihii Al-Shabaab u qaabilsanaa Aw-dheegle oo la dilay

Taliska AMISOM ayaa sheegay in howl gal ay si wada jir u fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku dileen Guddoomiyihii Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Aw-dheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Al-Shabaab oo la sheegay inay bur buriyeen Anteeno Isgaarsiineed ku taal gudaha Kenya

Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in dagaalyahano looga shakisan yahay Al-Shabaab ay bur buriyeen Anteeno Isgaarsiin ku taal deegaan lagu magacaabo Dhamase oo ka tirsan Kenya, kuna dhow xuduuda Soomaaliya.

Al-Shabaab oo xilkii ka qaaday wakiilkii u qaabilsanaa Shabeellaha Hoose

Kooxda Al-Shabaab ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii u qaabilsanaa Gobolka Shabeellaha Hoose oo lagu magacaabayay Maxamed Abuu Cabdalla.

Labo sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Booliska Kenya oo lagu diley Kenya

Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in ugu yaraan labo askari oo ka tirsan ciidamada Booliska dalka Kenya  lagu diley meel u dhexeysa Mandhere iyo Ceel-Waaq.

Sirdoonka Soomaaliya oo gacanta ku haya Soomaali Mareykan ka tirsanaa Al-Shabaab

Sirdoonka Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay inay gacanta ku hayaan wiil Soomaali Mareykan ahaa oo muddo todobo sano ka hor ku biiray Al-Shabaab, kana yimid Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Alshabaab oo weeraray degmada Qoryooley gobolka Sh/hoose

Wararka ka imanaya degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in uu dagaal ku dhex maray degmada Qoryooley ciidamo ka tirsan dowlada iyo dagaalyahano ka tirsan ururka Alshabaab.

Daawo Sawirada “Al-Shabaab oo soo bandhigtay Meydadka AMISOM iyo qaabkii uu u dhacay Weerarkii Janaale

Xarakada Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay sawiro ay kasoo qaadeyn qaabkii uu u dhacay weerarkii dhawaan ku qaadeen xero ay Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda uga sugnaayeen Deegaanka Janaale ee Gobolka Sh/Hoose.

Al-Shabaab oo sii deysay labo askari Kenyan ah oo labo sano ka hor soo qafaasheen

 Al-Shabab ayaa sheegtay inay sii daayeen labo askari Kenyan ah, kadib markii ay qaateen Diinta Islaamka.  

Ardayda Jaamacadaha Kenya oo lagu eedeeyay in ay lacag ka qaataan ururka Alshabaab

Agaasimaha xarunta ka hortagga argagaxisada dalka Kenya Isaac Ochieng ayaa ku eedeeyay ardayda waxbarashada sare dalka Kenya inay ku biirayaan ururada argagaxisada.

Al-Shabaab oo werear culus ku qaaday saldhig Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Leego

Al-Shabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday saaka waabarigii deegaanka Leego, gaar ahaan saldhig ay degan yihiin Ciidamada AMISOM.

Al-Shabaab oo Odayaal ka qeyb geli lahaa shirka Cadaado ku xirtay Xarardheere

Wararka ka imaanaya degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay xir xireen odayaal dhaqameedyo ka mid ahaa ergooyinka ka qeyb galayay shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe ee ka furmay Cadaado.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu bartilmaameedsaday duqeyn ka dhacday Gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaarad kuwa aan duuliyaha laheyn ay bartilmaameedsatay baabuur uu la socday Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Al-Shabaab oo fagaare ku yaal degmada Diinsoor ku toogtay nin lagu eedeeyay inuu Sixiroole ahaa

Al-Shabaab ayaa shalay galab fagaare ku yaal degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ku dilay nin lagu eedeeyay inuu ahaa Sixiroole, kaasoo ay qabteen ciidamada loo yaqaano Xisbada ee u howl gala sida Booliska oo kale.  

Al-shabaab oo weerartay saldhigyo ay leeyihiin ciidanka dowladda & AMISOM

Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa xalay weerarro ku dhufo-oo-ka-dhaqaaq ah ku qaadday saldhigyo ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin duleedka degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Madaxii Sirdoonka Shabaab oo bixiyay Xog lagu qaban karo Samatha Lewthwaite

Wargayska The Mirror ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa qoray asagoo soo xiganaya saraakiil sirdoon in dawlada Britain ay diyaarinayso ciidamo gaar ah oo nolosha ku qabta haweeneyda sida weyn loo doon doonayo ee Ingiriiska u dhalatay ee la yiraahdo Samantha Lewthwaite ayadoo la tixraacayo xog uu bixiyay Zakariye Ismaciil Xirsi oo dhawaan Muqdisho kaga dhawaaqay inuu Al-Shabab iskaga baxay.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inuu isku soo dhiibay Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab uu isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo, iyadoo laamaha ammaanka dowladda ee fadhigooda yahay Muqdisho lagu soo wareejin doono.

Taliyihii ururka Alshabaab ee degmada Kuntuwaarey oo la diley

Wararka ka imanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in iska horimaad hubeysan oo ka dhacay deegaan ka tirsan degmada Kuntuwaarey lagu diley taliyihii ciidamada Alshabaab ee degmada Kuntuwaarey.

Al-Shabaab oo sheegay in Zakariye Ismaaciil uu muddo labo sano ka hor ka goostay

Al-Shabaab ayaa ka hadashay is dhiibidii Sarkaalkii ka tirsanaa oo lagu magacaabayay Zakariye Ismaaciil Xirsi, kana mid ahaa 7-dii Hogaamiye ee horay Mareykanka madaxooda lacago malaayiin doollar ah u dul dhigay.

Zakariye Ismaaciil oo ka mid ahaa raggii Mareykanka uu madaxooda lacago dul dhigay oo isku dhiibay dowladda Soomaaliya

Mid ka mid ah Hogaamiyeyaashii Al-Shabaab ee horay madaxooda malaayiin doolar uu dul dhigay Mareykanka Zakariye Ismaaciil Axmed Xirsi ayaa isku soo dhiibay Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo.

Al-Shabaab oo xalay weeraray fariisimo ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaanka Raage Ceelle

Wararka ka imaanaya deegaanka Raage Ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen fariisimo ay ciidanka milateriga deegaankaas ku lahaayeen.

Al-Shabaab oo markale weerar ka geystay Gudaha Kenya

Askari ka tirsan ciidamada Booliska ayaa la dilay labo kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray, kadib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen xili ay ku sugnaayeen deegaanka Kilifi ee dhanka xeebta dalka Kenya.

Al-Shabaab oo sheegay inay la wareegeen deegaanka Gadoon-Dhawe oo ku dhow xuduuda Kenya

Al-Shabaab ayaa sheegay inay dagaal kula wareegeen deegaanka Gadoon-Dhawe oo ka tirsan degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, halkaasoo ciidamada Kenya ay todobaadkii la soo dhaafay weerar ku qaadeen, ciidamo fara badana ay geeyeen.

Al-Shabaab oo sheegatay weerarkii dadka badan lagu dilay ee saarnaa Baskii ka baxay Mandhera

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkii dadka badan ku dhinteen oo saakay waabarigii hore ka dhacay duleedka magaalada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, markii dabley hubeysan ay leexsadeen Gaari bas ahaa oo ay saarnaayeen dad rakaab ahaa.

Al-shabaab oo sheegtay inay madafiic culus ku Weerartay Madaxtooyada Soomaaliya

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay fiidnimadii caawa madaafiic ku weerartay madaxtooyada Somalia, balse afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay inaysan jirin wax madaafiic oo kusoo dhacday gudaha madaxtooyada.

Al-shabaab oo dhakhaatiir ku Afduubay meel ku dhow degmada Balad-Xaawo

Kooxo taabacsan Xarakada Al-shabaab ayaa maanta ka afduubtay deegaanka Cas-caseey oo ku dhow degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo shan ruux oo saddex ka mid ah ay ahaayeen dhakhaatiir.

Jubbada Hoose: Al-shabaab oo lagala Wareegay Deegaan Muhiim ah

Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa sheegay inay saddex qof oo Al-Shabaab ahaa ku dileen dagaal ay saakay kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Biroole oo 50 km dhinaca galbeed uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Rag la sheegay in ay Shabaab yihiin oo Doolow lagu qabtay

Degmada Dooloow ee gobolka Gado ayaa  lagu qabtay Afar qof oo la rumeeysanyahay inay qorshaynayeen qaraxyo ay la beegsanayaan mas’uuliyiin iyo goobo muhiim ah oo ku yaalla degmadaas.

Al-shabaab oo sheegay in ay Dhagax ku dileen Wiil Dhalinyaro ah

Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa sheegay in qeyb ka mid ah Gobolka Shabellaha Hoose ay Dhagax ku dileen Wiil Dhalinyaro ah oo Dadiisa ay ku sheegeen 18-jir islamarkaana ay ku Eedeeyeen in uu Kufsaday Haweeneey kamid aheyd Dadka Gobolka Kunool.

Al-shabaab oo beenisay war ay baahiyeen dowladaha Maraykanka iyo Uganda

Ururka Al-shabaab ayaa  beeniyay war ka so yeeray dowladda Uganda oo la xiriiray in ciidamada dowladdaas  ay fashiliyeen weerar qorshaysan oo ay Al-shabaab soo abaabushay ,kaasi oo la sheegay in lala damacsnaaa magaalada Kampala.

Dilkii Axmed Godane ka dib inta badan Madaxda Al Shabaab oo ilaaladii qaaska u ahaa iska badalay (Top News) .

Qaar ka mid ah masuuliyiinta ugu sareeysa ururka Al Shabaab gaar ahaan kuwa madaxooda lagu doonayo Malaayiinta Dollar ayaa waxeey si toos ah iskaga badaleen horjoogayaashii iyo Dagaalyahanadii ilaalada u ahaa maadaama uu shaki balaaran ka dhex jiro kooxdaan waliba si fudud ay ku waayeen hogaamiyahoodii Axmed Godane oo ahaa shaqsi aad isku qariyo .

Waa kuma Hogaamiyaha Cusub ee Al-shabaab maxadse kala socotaa Taariikhdiisa.

Hogaamiyahan cusub ee Alshabab Ahmed Omar  Abucubeyd waxa uu kudhashay magaalada Qalaafe oo katirsan gobolada maamulka soomaalida ee bariga ethipia sanadkii 1970 waxaa kusoo barbaaray kuna soo qaatay waqtigiisa qeyb kamid ah isla magaalada uu kudhashay ee qalaafe.

Al-Shabaab oo iskaga baxay qeybo ka mid ah Galgaduud

Wararka laga helayo Deegaano hoosyimaada Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Al-shabaab ay iskaga baxeen halkaasi ka dib markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Culeys saareen.

Al-shabaab oo sheegtay inay beegsanayso diyaaradaha sahayda u sida AMISOM

Xarakada Al-shabaab ayaa ku gooddisay in ay beegsan doonto diyaaradaha sahayda u sida ciidamada AMISOM ee ku sugan gobollada Somalia.

Afar ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Hiiraan

Afar ka tirsaneyd maleeshiyada Al-Shabaab ayaa ku geeryootay iska horimaad xalay fiidkii ka dhacay deegaanka Sagaal-geed oo 9 Km u jira degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

Alshabaab oo jabsaday Twitterka Taliska Ciiddanka Difaaca Kenya iyo warar Jihaad khuseeya oo lagu soo daabacay

Dagaalka u dhexeeya Alshabaab iyo Milliteriga Kenya ayaa u muuqda inuu u xuubsiibsanayo dhinaca Warbaahinta, kadib, markii la shaaciyey in Kooxaha Burcadda Internedka inay jabsadeen Cinwaanka uu Afhayeenka Taliska Guud ee Ciiddanka Kenya, Major Emmanuel Chirchir ku lahaa Twitterka.

Faahfaahino dheeraad ah oo kasoo baxaayo Dagaal ka dhacay Magaalada Baydhabo iyo Khasaaro la sheegay

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaayo Weerar ay Kooxda Al-shabaab Habeenimadii xalay ku qaaday Magaalada Baydhabo, ayaa sheegaya inay ku dhinteen in kabadan 7-Ruux oo isugi jiray Ciidamada Dowlada,Alshabaab iyo dad shacab ah.

Al-shabaab oo sheegatay Mas’uuliyadda dil iyo dhaawac loo geystay Xildhibaanno

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay inay mas’uul ka tahay dilkii xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd loogu geystay maanta Xamar-weyne oo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Al-shabaab oo Ganacsato ku Dilay Gobolka Galgaduud

Wararka ka imaanaya  Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Al-shabaab Gaari Qaad siday halkaa ay ku  Gubeen islamarkaana ay Dileen Labo ka mid ah Dadkii Gaariga Saarnaa.  

Al-shabaab oo ka hadlay Duqeeyntii lagu Qaaday Jasiirada Gudhaa

Afhayeenka Al-shabaab ee Dhanka Dagaalka u qaabilsan Cabdi Casiis Abuu Muscab oo la hadlay Wakaalada Wararka ee AFP ayaa sheegay in Ciidamada Al-shabaab iyo kuwa Kenya ay ku dagaalameen Jasiirada Gudhaa iyo Caanoole ee Gobolka Jubbada Hoose.

Al-shabaab oo Muslimiinta Kenya ugu baaqday inay ka qaybgalaan dagaallada

Al-shabaab ayaa ugu baaqday muslimiinta ku nool dalka Kenya inay ka qaybgalaan dagaallada looga horjeedo xukuumadda dalkaas ee ay billaabeen, iyagoo sheegay in dunida oo dhan ay ka socdaan dagaallo muslimka iyo gaalada u dhexeeya.

Al-shabaab oo sheegtay inay isku soo dhiibeen Askar ka goostay Dowladda

Xarakada Al-shabaab ayaa shaacisay in ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay isku soo dhiibeen, kuwo kalen oo badanna ay ku jiraan duurarka, kuwaasoo ay u direen odayaan si ay u keenaan magaalooyinka aan ka talino.

Al-Shabaab oo ka hadashay sababta ka dambeysa Dagaalka kasoo cusboonaaday Gobolka Shabeelaha Hoose

Xarakada Al-Shabaab ayaa ka hadashay dagaal beeleed kasoo cusboonaaday Degmooyin iyo Deegaano katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose kaa oo u dhaxeeya labo beel oo walaalaha oo Gobolkaasi wada daga.

Al-Shabaab oo rag ay ku eedeysay Basaasnimo ku toogatay Buulo-Mareer

Maxkamadda Al-shabaab ee degmada Buulo-mareer ayaa xukun dil ah ku fulisay saddex qof oo la sheegay inay jaajuusiin u ahaayeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM.

Al Shabaab oo ku dilay Gobolka Bay mid ka mid ah Ajaanib ka bar bar dagaalameysay

Wararka aan ka helayno Degmada Buur hakaba ee Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in Ciidan katirsan Al Shabaab ay halkaasi ku dileen mid ka mid ah Ajaanibta ka bar bar dagaalameysay iyagoona dilka Sargaalkaasi u adeegsaday Tooreey qoortana ka jaray.

Sargaal sare oo katirsanaa Al-Shabaab iyo Ciidamo lasocday oo la xaqiijiyay in la dilay Meydadkoodana ay hayaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada

Wararka ka imaanaya Degmada Qoryooley ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in xalay Weerar qorsheesan ay duleedka Degmadaasi ku qaadeen Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku dileen Sargaal sare oo katirsanaa Al-Shabaab iyo qaar kamid ah ilaaladiisa.

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa la sheegay in ay Tababar u furtay dhalinyaro Soomaaliyeed oo laga soo tarxiilay Dalka Kenya

Wararka laga helaayo goobaha ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab ayaa la sheegay in xeryo gaar ah ay Ciidamada ku tababarto ay geesay dhalinyaro la sheegay in dhawaan Dalka Kenya laga soo tarxiilay kadib markii lagu qabtay raafkii ay sameenayeen Ciidamada Kenya.

Garabyo ka tirsan Al-Shabaab oo ku dagaallamay Saakow

Labo ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab ayaa ku dhimatay isku dhac galabta ka dhacay degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Al-Shabaab oo u hanjabay Gudoomiyeyaashii degmooyinka Gobolka Banaadir ee xilalka laga qaaday

Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay beegsanayaan Gudoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ee xilalka laga qaaday, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay dhib badan u geysteen shacabka.

Al-Shabaab oo sheegay inay wali go'doomin ku hayaan degmada Ceelbuur iyo dagaalo ka dhacay

Al-Shabaab ayaa sheegay inay wali go'doomin ku hayaan degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo bishii hore ay la wareegeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya ka socda.

Al-Shabaab oo sheegtay in gaadiid dagaal ay ku qabsadeen deegaanka Fiidow ee G/Sh/Dhexe

Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaal shalay ka dhacay deegaanka Fiidow ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo ku dhow xadka Gobolka Hiiraan, markii ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga oo kolonyo ahaa dhexda u galeen.

Sheekh Cali Dheere oo ka hadlay sababta ay u beegsanayaan Xildhibaanada

Iyadoo laba maalin oo isku xigta lagu dilay Muqdisho laba xildhibaan oo ka tirsanaa golaha baarlamaanka Soomaaliya ayna mas’uuliyadda dilkooda sheegatay Al-shabaab ayuu afhayeenka Al-shabaab wuxuu ka warbixiyay sababta ay u beegsanayaan xildhibaannada.

Ururka Alshabaab oo guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay gobolka Bakool

Ururka Al-Shabaab ayaa waxa ay guulo ka sheegteen dagaal ka dhacay deegaano ka tirsan gobalka Bakool oo dagaal xoogan uu ka dhacay.

-Shabaab oo Shaacisay in uu gacanta usoo galay Hub badan ay lahaayeen Ciidamada Itoobiya

Xarakada Al-Shabaab ayaa shaacisay in gacantooda uu soo galay hub badan ay lahaayeen Ciidamada Itoobiya ee dhawaan ku biiray Howlgalka AMISOM, kuwaa oo dhawaan guluf colaadeed ku qaaday Gobolka Galgaduud gaar ahaan Degmada Ceel Buur.

Ururka Alshabaab oo weeraray fariisimo ciidamada AMISOM ku leeyihiin degmada Mahaday

Wararka ka imanaya degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xalay uu dagaal xoog leh ka dhacay degmadaasi kadib markii ay ciidamo taabacsan Alshabaab ay saqdii dhexe weerar ku soo qaadeen.

Amiir ka tirsanaa ururka Alshabaab oo isu dhiibay dowlada Soomaaliya codsadayna cafis

Isaaq Maxamed Iidor oo ka mid ahaa amiirada ururka Alshabaab oo isu soo dhiibay ciidamada dowlada toddobaadkii la soo dhaafay ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in la cafiyo.

Al-Shabaab oo ka dalbaday beelaha ku dhaqan Shabeelaha Hoose in dagaalada kala qeyb qaataan

Al-Shabaab ayaa ka codsaday beelaha ku dhaqan Gobolka Shabeelaha Hoose inay kala qeyb qaatana dagaalka ay kula jiraan ciidamada dowladda iyo AMISOM oo maalmihii u dambeeyay la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka.

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo galay Buuraha Gal-gala iyo Puntland oo heegan gelisay ciidankeeda

Maamulka Puntland ayaa heegan geliyay ciidamada daraawiishta, kadib markii laga war helay warar sheegaya in dagaalyahano fara badan ka tirsan Shabaab, kana soo firxaday dagaalada ka socda Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay galeen Buuraha Gal-gala, halkaasoo saldhig u ah Shabaabka ka dagaalamaya Puntland.

Xarakada Al-shabaab oo Toogatay dhallinyaro ay ku eedeeyeen Jaajuusnimo

Xarakada Al-shabaab ayaa degmada Baraawe ku dilay saddex ruux oo ay ku eedeeyeen inay basaasiin ahaayeen ayna la shaqeynayeen hay'adda nabadsugida dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab oo lumisay magaaladii sagaalaad, Maxaas ayaa laga qabsaday

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Midowga Afrika ayaa Isniintii shalay ka qabsaday kooxda Al-Shabaab gacan ku haynta magaalada Maxaas oo 105 km dhinaca bari kaga beegan degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda

Al-Shabaab oo sheegtay Nin Soomaali Norwegian oo ka mid ahaa ragii fuliyay weerarkii Buulo Burde

Al-Shabaab ayaa baahisay nin Soomaali Norway ahaa uu ka mid ahaa kooxihii fuliyay weerarkii habeen hore lagu qaaday degmada Buulo Burde.

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo ka hadlay Dilkii loo geestay Col. Jaamac Siciid Warsame

Afhayeenka Guud ee Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ka hadlay Weerar Qorsheesan oo maalintii shalay Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ku dileen Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Aaga Galgala ee Maamulka Puntiland Col. Jaamac Siciid Warsame (Afguduud).

Al-shabaab oo sheegatay Ismiidaamin lagu Weeraray Gaadiidka AMISOM

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay inay mas’uul ka ahayd weerar ismiidaamin ah oo kolonyo gaadiidka AMISOM ka tirsan lagula beegsaday inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye gellinkii dambe ee shalay oo Isniin ahayd.

Dhalinyaro qirtay in Al-Shabaab yihiin iyo Hub ay wateen oo Muqdisho lagu soo bandhigay

Taliska Nabad Sugida Gobolka Banaadir ayaa Magaalada Muqdisho Howlgalo balaaran ay kasameeyeen waxa ay kusoo qabteen Dhalinyaro la sheegay in ay katirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab iyo Hub ay isticmaalayeen.

Wasiiro katirsan Xukuumada Somalia oo maanta kusii jeeda mid kamid ah Degmooyinkii dhawaan Al-Shabaab laga saaray

Waxaa Maanta lagu wadaa in Degmada Xudur ee Dhawaan la wareegeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM in ay gaaraan Wafdi Wasiiro ah oo katirsan Xukuumada Federaalka Soomaaliya .

Afhayeenka howl-galada Shabaab C/casii Abuu Muscab yaa sheegay in ay Amisom qasaare ka soo gaartay duulaanka Hiiraan

Afhayeenka howl galada Al-Shabaab Sheekh C/casii Abuu Muscab ayaa ka hadlay dagaal ka dhacay degmada Buulo Burde, halkaasoo maalinimadii khamiistii la wareegeen ciidamada wada jirka ah.

Dagaal yahoo ka tirsanaa shabaab oo la in lagu dilay Duqeymo

Maamulka gobolka Gedo ee Somalia ayaa u sheegay warbaahinta in 32-dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ay Kenyan u geystay saldhigay ay Al-shabaab ku lahayd gobolkaas.

Al-shabaab oo xalay weerartay degmada Baydhabo ee gobolka Bay

Kooxda Al-shabaab  ayaa saqdii dhexe ee xalay weerar kusoo qaaday degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo dagaalka uu ka dhacay dhowr goobood oo kala duwan.

Kooxa shabaab ayaa ka hadashay goobihii ay lumiyeen ee gobalada Bay Bakool iyo Gado

Afhayeenka Dhinaca howlgalada ururka Al shabaab Sh Cabdi Casiis Abuu Muscab war uu siiyey Warbahinta Afka Al Shabab Ku Hadasha Waxa uu Ka Hadalay Dagaalo al Shabab iyo ciidmada dowada oo is garabsanya kuwa AMISOM ku dhex maray Gobolda Gedo iyo Bakool Kuwasi oo Degaano looga Qabsaday Al Shabab.

Kooxda shabaab oo dagmada kali ee ay ka joogaan Gobalka Gado ka wada dhaq-dhaqaayo Ciidan

Sida ay sheegayaan wararka aan ka heleeyno  Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo, ayaa waxa ay sheegayaan in ay halkaasi shabaabka had aka wadaa dhaq-dhaqaayo ciidan kuwaasi oo ay ku damac san yihiin in ay ku difahaan magaalada kali ee hada kaga hartay gacantooda Gobalkaasi Gado

Afhayeenka guud ee Al-Shabaab Cali Dheere oo Baaq u diray shacabka Soomaaliyeed.

Afhayeenka Guud ee Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo ayaa baaq guud u diray shacabka Soomaaliyeed, kadib markii fariin cod ah oo soconeysay ilaa 20-daqiiqo uu soo diray, kaasoo uu kaga hadlayay xaaladaha dalka, gaar ahaan duulaanka Ciidamada Itoobiya.

Al-shabaab oo ku Hanjabtay inay Weerarayso Xarumaha Dowladda

Dagaal yahanada Al-shabaab ee Somalia ayaa ku goodisay in ay beegsan doonto xarumaha dowladda, iyagoo shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo xarumahooda.

Al-shabaab oo sheegtay weerarkii manta lagu qaaday goob ay dadka isugu yimadaan

Qaraxii manta ka dhacay Muqdisho oo ay ku geeriyoodeen dad ka badan 10 ruun ayaa waxa musuuliyadiisa sheegtay ururka Al-Shabaab eek a dagaalanta Soomaaliya.

Al-Shabaab oo ka warbixiyay qorshaha iyo ujeedka ay ka lahaayeen weerarkii Madaxtooyada

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa ka warbixiyay weerarkii shalay ay ku qaadeen xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, isagoo sheegay in ujeedkii laga lahaa weerarkaas la gaaray.

Al-Shabaab oo sheegtay in ay dileen Ciidan ka tirsan kuwa Itoobiya sheegayna in ay kuwa kale dhaawaceen

Xarakada AL-Shabaab ayaa sheegtay in ay dileen Ciidamo Itoobiyaan ah oo katirsan Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM kadib qarax miino oo lala eegtay gaadiid ay wateen Ciidankaasi.

Al-Shabaab oo ku hanjabay inay beegsan doonaan Mas'uuliyiin dalka ku soo hogaamisay AMISOM

Xarakada Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay beegsan doonaan mas'uuliyiin dalka ku soo hogaamisay Ciidamada shisheeye ee ka socda AMISOM, kuwaasoo xusay inay liis ugu qoran yihiin.

Al-Shabaab oo sheegatay dilkii Sarkaalkii ugu sareeyay dhinaca amaanka Maamulka Juba

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada dilkii xalay magaalada Kismaayo loogu geystay Taliyihii Nabadsugida Maamulka KMG ah ee Juba Ciise Kaambooni, iyadoo xaalad kacsanaan ah ay ka jirto magaalada, kadib howl gal dad lagu dilay oo ka dhacay.

Ciidamadii Milatariga ee la ruqseeyay oo la sheegay in qaarkood Shabaab ku biireen halka kuwa kalana ay Tuugnimo bilaabeen

Gaashaanle dhexe Geelle Faarax oo kamid ahaa Saraakiishii Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee dhawaan shaqada laga fariisiyay ayaa sheegay in qaar kamid ah Ciidamadii dhawaan la ruqseeyay in ay ku biireen Al-Shabaab.

Ciidanka AMISOM iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay degmada Mahadaay

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-Shabaab ayaa xalay ku dagaalamay degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellada dhexe, iyadoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan kuwaasoo laga maqlayay deegaano ka tirsan gobolka.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxii Muqdisho

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax gaari oo maanta ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Al Shabaab oo ku dhawaad 20 ruux ku xiray degmada Xarar dheere

Sida ay sheegayaan warar aan ka helayno degmada Xarar dheere ee gobolka Mudug ayaa waxa ciidamo katirsan Al Shabaab ay xabsiga utaxaabeen ku dhawaad 20 qof oo dadka deegaankaasi ahaa.

Horjoogayaasha Iyo Malleeshiyaadka Shabaab Oo Laga Mamnuucay Isticmaalka Talefonnada Smart Phones-ka

Waxaa sii kordhaya welwelka iyo baqdijnta soo wajahday Maleeshiyaadka Shabaab,  iyadoo horjoogaha ugu sareeya kooxda uu amar ku siiyay horjoogayaasha iyo maleeshiyadka in ay joojiyaan isticmaalka Telphonnada loo yaqaano Smart Phoneska iyo aalado kale.

Dowladda iyo Al-shabaab oo lagu eedeeyay Xadgudubyo Bani'aadam

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay soo saartay ku eedeysay dowladda Somalia iyo Al-shabaab inay mas'uul ka yihiin xadgudubyo ka dhan ah bani’aadamka sida: weerarro aan loo meel-dayin, xadgdubyo jinsi iyo dad si aan kaal sooc lahayn loo qabqabtay loona xiray.

Cali Dheere "Wasiiradan cusub ee Yurub iyo Mareykanka laga keenay waa ka doqonsan yihiin kuwii hore"

Afhayeenka guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa is bar bar dhig ku sameeyay Xukuumadihii hore iy Xukuumadan cusub, isagoo soo hadal qaaday tallaabadii Ciidamada Itoobiya loogu biiriyay howl galka AMISOM.

Mudadii Al-Shabaab u qabatay in lagu joojiyo Adeega Internetka oo saddex cisho ka harsan

Mudadii Xarakada Al-Shabaab u qabatay Shirkadaha Isgaarsiinta inay ku joojiyaan isticmaalka Adeega Internet-ka ee Fibre Optic iyo Internet Mobile ayaa waxaa ka harsan saddex maalmood, iyadoo aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay Shirkadaha.

Magacyada Ajaanib Ku Geeriyootay Duqeyn Dhawaan Ka Dhacday Gobolka Gedo Oo La Soo Bandhigay

Dowladda Kenya ayaa soo dhandhigtay magacyada horjoogayaal ajaanib ah oo ku geeriyoodey duqeyntii diyaaradaheeda ay dhowaan ka fuliyeen deegaanno katirsan Gobolka Gedo.

Al-shabaab oo u Digtay Shacabka Muqdisho iyo Kenyan la Afduubay

Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ayaa shacabka Muqdisho uga digtay inay u dhawaadaan xarumaha dowladda iyo kuwa hay’aduhu ay daggan yihiin. Iyadoo sidoo kale Muqdisho lagu afduubay laba ruux Kenyan ah.

Al-shabaab Oo Soo Saartay Bayaan Lagu Joojiyay adeegga Mobile Internet-ka

Idaacadda  Al-Andalus Page-keeda Facebook-ga ayaa lagu baahiyay bayaan kasoo baxay  Shabaab oo dalka looga mamnuucay  adeegga  Mobile Internet iyo Fiber Optic oo dhawaan dalka Soomaaliya laga hirgeliyay.

Al-shabaab oo sheegtay Mas’uuliyada qaraxyadii xalay ee Muqdisho Mar kalana ku celiyay in shacabku ay ka fogaadaan goobaha Ciidamada DF iyo Dhinacyada caawiya

Sarkaalka Al-shabaab ugu magacaaban Gobokaan Banaadir l Sheikh Ali Hussein, oo loo yaqaano  Abu Jabal, ayaa sheegay inay dagaalyahanadooda ka danbeeyaan weeraradii xalay ka dhacay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Xarakada Al-shabaab oo shacabka Muqdisho ugu baaqday inay ka fogaadaan Saldhigyada Ciidamada iyo Xarumaha Dowladda

Al-shabaab ayaa shacabka Muqdisho ugu baaqday inay ka fogaadaan saldhiyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Muqdisho iyo weliba xarumaha dowladda, iyagoo sheegtay inay goobahaas yihiin kuwa ay mar walba beegsanayaan.

Dagaallo Ciidammada Dowladda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab ku dhexmaray duleedka Degmada Garbahaarey

Ugu yaraan afar qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay dagaallo xalay duleedka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ku dhexmaray xoogag ka tirsan Al-shabaab iyo ciidammo dowladda Soomaaliya oo ay taageerayeen kuwa Itoobiya.

Shabaab oo ku dhawaaqday inay xabad joojin kala dhex dhigtay beelihii ku dagaalamay Sh/Hoose

Al-Shabaab ayaa ku dhawaaqday inay xabad joojin kala dhex dhigtay beelihii ku dagaalamay Gobolka Shabellaha Hoose, kadib markii ay shir nabadeed ugu qabatay degmada Buulo Mareer odayaal ka soo kala jeeda labada beel ee dagaalamayay.

Al Shabaab oo la sheegay inay lacago baad ah ka qaataan hay’adaha gar gaarka

Xarakada Al-shabab ayaa la ogaaday in lacago baad ah ay ka qaaden hay,adaha bixiya gar gaarka Bini aadanimo si ay hay,adahaasi gar gaarkooda u gaarsiyaan deganada Al-shabab ay maamulaan tan iyo sanadii 2011-kii oo abaaro xoogan ay ku dhuften gobolada Konfured waa sida lagu sheegay warbixin ay soo saaren laba hay,adood oo qaabilsan Fikirada iyo Raiyada.

Maleeshiyada Al Shabaab oo Ka Hadashay Geerida ku timid Nelson Mandela

Sheekh Aadan Sunna, oo taageera Ururka Al SHabaab ayaa ka hadlay, Taariikhda  dheer ee Nelson Mandela oo dhawaan geeriyooday.

Abuu Muscab "Ujeedka aan ka laheyn weeraradii B/weyn wuxuu ahaa in Jabuutiyaanka banaanka u soo

Afhayeenka howl galada Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa ka hadlay dhaq dhaqaaqyada Ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ay ka wadaan Gobolka Hiiraan, isagoo xusay inay sugayeen in ciidamada oo ka soo baxa difaacyadooda.

Maleeshiyaad ka mid ahaa shabaab oo saakay lagu dilay duleedka B/weyn xili ay halkasi howl-gal ka sameeyeen Ciidamada is garabsanaayo ee Dowlada iyo AMISOM

Lix ka mid ah dagaalamayaasha  Al-Shabaab ayaa  saakay lagu dilay duleedka degmada Beledweyne kadib markii ay ciidamada dowlada Soomaaliya oo kaashanaya  ciidamada  Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM  ay howgal ka fuliyeen tuulooyin ku yaala galbeedka magaalada Beledweyne.

Sheekh Cali Dheere oo Dadka Buulo Burde Hadal Qancis ah u sheegay

Afhayeenka Guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa u faanay dadka Buulo Burdo iyo dhaaman Shacabka Soomaaliyeed, isaga sheegay in guushooda ay goordhaw soo dhawdahay.

MADAXWEYNE GEELLE: “Al-shabaab Waxay ku Jirtaa Maalmihii Nolosheeda ugu dambeysay, Wayna dhiman doonaan”

 Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in Al-shabaab ay marayaan maalmihii ugu dambbeysay ee noloshooda ayna dhawaan dhiman doonaan, waxaana uu hadalkan sheegay mar uu ka hadlayay weerar askari Jabuutiyaan ah uu ku dhintay dhowr kelna ay kalena ay ku dhaawacmeen oo maalin ka hor ka dhacay magaalada Baladweyne.  

Al-shabaab oo gubtay gaari waday dhalooyin Qamri ah, kuna hanjabtay...

Wararka laga helayso degmada Diinsoor ee gobalka Bay ayaa waxay sheegayaan in ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay gudaha degmadaasi ku gubeen baabuur noociisa lagu sheegay inuu yahay Qooqan, kaas oo waday sida ay Al-shabaab sheegeen waxyaabaha maanta dooriya.

Maleeshiyaadka Shabaab oo tacadiya hor leh ku haya shacabka ku dhaqan meelaha ay wali ka taliyaan xili ay diideen in wax subac ah laga qaado Dugsiyada Qur,aanka

Malleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa sii xoojiyey cadaadiska ay ku hayaan dadka rayidka ah ee ku sugan deegaannada kooban ee ay ugu sugan yihiin gobolka Shabeellada Dhexe,  iyagoo si gaar ah u billaabay in ay joojiyaan Isticmaalka Taleefannada gacanta iyo sidoo kale akhrinta Qur’aanka Kariimka ah gaar ahaan Subaca.

Shabaab oo shacabka ku dhaqan meelaha ay ka taliyaan u diiday in laga wato moobeelada casriga ah.

Maleeshiyaad ka Al-Shabaab ayaa waxa ay ka mamnuuceen meelaha ay gacanta ku hayaa taleefanad casriga ah sidaSmart phones.

Somali Links Allsomalimusic.com Contact Us Photo Gallery Search BBC Somali - VOA BBC Somali 07:00 BBC Somali 11:00 BBC Somali 14:00 BBC Somali 18:00 VOA Somali 06:30 VOA Somali 16:00 VOA Somali 20:00 Al-Shabaab oo dib ula wareegtay Jaziirada Kudhaa ee Gobolka Jubada Hoose

Xoogaga Al-Shabaab ayaa dib ula wareegtay Jaziirada Kudhaa ee Gobolka Jubada Hoose, halkaasoo maalmo ka hor ay la wareegeen Ciidamada Maamulka KMG ah ee Jubba iyo Ciidamada Kenya ee ka midka ah AMISOM.

Shabaab oo digniin u dirtay malkiilayaasha Hoteelada Muqdisho shegayna in ay weerarayaan hadii laga kireeyo Ajnabi iyo Dowladaba.

Afhayeenka Howl galada Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa ku wargeliyay Milkiilayaasha Hotelada inay ka fogaadaan saraakiisha dowladda iyo mas'uuliyiintaa, isla markaana hantidooda ay ka dheereystaan.

(Dhageeyso): Al-Shabaab oo sheegay in Madax weyne Xasan Sh ay halis galiyeen

Afhayeenka Dhanka howlgalka u qaabilsan Xarakada Al-shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in Weerar shalay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismayo  ay ku qaadeen uu Faracidiyaleh uu ku fikaday Madax weynaha Soomaalia Xasan sh Maxamuud.
Dhageyso shabaab oo sheegay in ay sigeen M/weeynaha Soomaaliya

Cali Dheere "Ciidanka uu leeyahay Ban Ki-moon hala soo kordhinayo waxay bedel u yihiin kuwii baaba'ay"

Afhayeenka guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ka hadlay ciidamada dheeraadka ah ee lagu kordhinayo ciidanka AMISOM ee Soomaaliya, isagoo sheegay in ciidankaas aanay waxba soo kordhin doono.

Cali dheere Afhayeenka guud ee Al-shabaab oo Shaaciyay inaysan xiriir la lahayn Col. Barre Hiiraale, sheegayna inaysan u hanjabin Sheekh Umal

Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) Afhayeenka Al-shabaab, ayaa sheegay inaysan jirin wax xiriir ah oo kala dhexeeya Col. Barre Hiiraale oo ku sugan deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Al-Shabaab oo dhoolatus milateri oo ku socda Kenya ku soo bandhigay Buulo Burde.

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa dhoolatus milateri ku soo bandhigay degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, iyadoo dhoolatuskan ay ka qeyb qaateen gaadiid dagaal iyo mootooyin.

Al-shabaab"Nairobi waxay ku dhowaatay inay ka mid noqoto Wilaayaadka Islaamiga

Sheekh Cali Dheere Afhayeenka guud ee Al-Shabaab oo shalay salaadii ciida kadib boqolaal qof kula hadlay degmada Baraawe ayaa sheegay in magaalada Nairobi ay ku dhawaaqat inay ka mid noqoto wilaayaadka Islaamiga ah ee ay ka taliyaan.

Al-Shabaab ayaa waxa ay markale hanjabaad hawada u mariyeen wadamada Uganda iyo Kenya oo ay Ciidama ka joogaan Soomaaliya.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa mar kale ku hanjabtay inay weeraro ka geysaneyso dalalka Uganda iyo Kenya oo horay weeraro ugu qaaday.

Al-shabaab oo ka warbixisay weerar lala beegsaday Guri ku yaalla Dgemada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose

Xarakada Al-shabaab ayaa ka hadashay weerar ay ciidammo ajnabi ah ku qaadeen xalay gellinkii dambe guri ku yaalla degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Sarkaal Ka Tirsan Shabaab Oo Lagu Dhaawacay Bosaaso

Sarkaalka tirsan maleeshiyad argagixisada ah ee kooxda shabaab ayaa galabta lagu dhaawacay magaalada Bosaaso kadib markii uu isku dayay in uu ka baxsado ciidamada amaanka maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS