Tag: sOOMAALIYA

Madaxweyne Xasan Sheekh “Bangiga Dhexe waxa ka dhacay musuq maasuq ma ahan, ee waa Xatooyo”

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay ka hadlay lacagtii laga xaday Bangiga Dhexe, isagoo caddeeyay inay jiraan dad Mas’uuliyiin loo xiray oo su’aalo ay weydiinayaan Hey’adaha kala duwan ee Amniga.

Madaxweynaha oo xalay la kulmay Saraakiisha dowladda iyo AMISOM

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulan Casho Sharaf ah ugu sammeeyay Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM. 

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay xayiraada Xawaaladaha iyo dhibaatada ay keeni karto

War qoraal ah oo si wada jir ah u soo saareen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa looga digay xayiraada Xawaaladaha Soomaaliya, iyadoo walaac laga muujiyay dhibaatada ay ku keeni karto shacabka Soomaaliyeed.

Xukuumadda Soomaaliya oo Wadahadallo la furtay Xubno ka Tirsan Al-shabaab

Xukuumadda Somalia wadahadallo aan rasmi ahayn ayay la billowday xubnaha qun-yar-socodka ah ee kooxda Al-shabaab ka tirsan, kuwaasoo kasoo horjeeda siyaasadaha kooxda. Sidaa waxaa wargeyska The EastAfrican ee kasoo baxa Kenya u sheegay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya, danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko.

Xukuumadda Soomaaliya oo si hordhac ah u soo bandhigtay tirada guud ee Shacabka Soomaaliyeed (SAWIRRO)

 Munaasabad lagu soo bandhigayay tirokoobka aan rasmiga ahayn ee shacabka Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay madaxtooyada Somalia, waxaana goobjoog ka ahaa munaasabadda ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka diinta iyo awqaafta, Ridwaan Xirsi Maxamed, wasiirro, mas’uuliyiin k socday hay’adda UNFPA ee Qaramada Midoobay iyo marti sharaf kale.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS