Tag: ruushka

Ruushka oo codka qayaxan ku diiday qaraar laga keenay Suuriya

Ruushka ayaa codka qayaxan ee diidmada ah ah ku hor-joogsaday qaraar qabyo ah oo laga keenay Suuriya, kaasoo ay soo diyaariyeen Mareykanka, Britain iyo Faransiiska.

Turkiga oo ku eedeeyay Ruushka inuu ku soo xadgudubay hawadooda

Dowladda Turkiga ayaa mar kale ku eedeysay Ruushka in Jimcihii la soo dhaafay ku soo xadgudubtay Hawadooda, markii diyaarad dagaal ay soo gashay hawada meel ku dhow Xuduuda Suuriya.

Ra’iisal wasaaare ku xigeenkii hore ee Ruushka Boris Nemtsov oo lagu diley bartamaha magaalada Moscow

Mid ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ahaa dowlada Ruushka isla markaana hore u soo noqday ra’iisal wasaare ku xigeen Boris Nemtsov ayaa lagu diley xalay bartamaha magaalada Moscow ee caasimada dalka Ruushka.  

Ciidamada Ruushka oo la wareegay Saldhigyo ciidan ay lahaayeen Ciidamada Ukraine

Ciidamada dalka Ruushka oo wata dabaabadaha dagaalka, ayaa xoog ku galay xarun milatari oo ay ciidamada cirka ee Ukraine ku leeyihiin meel u dhow magaalada Sevastopol ee gobolka Crimea.

Madaxweynaha Ruushka oo saxiixay wareegtada uu ku aqoonsanayo madax banaanida Crimea

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa saxiixay wareegtada uu ku aqoonsanayo madax banaanida Gobolka Crimea. kadib aftidii maalin ka hor dhacday ay dadweynaha gobolkaas ku ogolaadeen inay u go'aan Ruushka.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS