Tag: raiisul

Ra’iisal Wasaare Sharma’arke iyo safiirka Maraykanka Schwartz oo ka wadahadlay doorashooyinka 2016

Ra’iisal wasaaraha dowlada federalka Soomaaliya Cumar Cabdrashiid Cali ayaa gelinkii dambe ee shalay la kulmay safiirka dowlada Maraykanka u qaabilsan dalka Soomaaliya Ambassador Stephen M. Schwartz iyagoo ka wadahadlay doorashooyinka dadban ee Soomaaliya.

22-Xisbi siyaasadeed oo dacwad ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyay Maxkamadda Sare (Akhriso)

 Illaa 22 xisbi siyaasadeed ka jira dalka ayaa maalintii shalay u gudbiyay Maxkamadda sare ee dalka dacwad ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa)

Guddiga Dib u Heshiisiinta Qaranka oo kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid

Xubnaha Guddiga Fulinta ee Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka ayaa kulan la yeeshay 27-kii bishii hore Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, iyadoo kulankan uu ka dhacay Xafiiska Ra’iisul

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay kulan looga hadlayay dar dar gelinta Hiigsiga cusub (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke ayaa saaka shir gudoomiyey kulan looga arinsanayey dar dargalinta barnaamijka Hiigsiga Cusub (New Deal) kaasoo soo bilowday bishii September 2013.

C/wali Sheekh “Dhamaan dhinacyada uu saameeyay khilaafka inay is cafiyaan, wadajirna shaqada qaranka loo qabto”

Sii hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed oo sabtidii Baarlamaanka Soomaaliya uu kalsoonida kala laabtay ayaa ugu baaqay dhinacyada uu saameeyay muranka siyaasadeed inay wanaag iyo is cafin ku bedelaan khilaafkooda, si wadajir ah loo dar dar geliyo howsha qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha oo ugu baaqay dalalka deriska inay ka feejignaadaan firxadka Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ayaa uga digay wadamada deriska ah inay ka feejignaadaan firxadka Al-Shabaab, isagoo qiray inay suura gal tahay in dagaalyahano ka tirsan inay gudaha u galaan dalalka deriska.

RW Cabdiweli Sheekh oo su'aalo laga weydiiyay Wareejinta Dekedda Muqdisho

Guddiga joogtada ah ee baarlamaanka Somalia ayaa su'aalo ka weydiiyay ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sh. Axmed iyo xubno wasiirro ah wareejinta shirka Al-Beyraat ee Turkiga ah lagu wareejiyay dekedda Muqdisho, iyadoo aan baarlamaanka la marin heshiiska lala galay shirkaddan.

R/wasaare Cabdiwali Oo Xalay Kulan Xog Waraysi Ah La Yeeshay Agaasimayaasha Warbaahinta Madaxa Banaan (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi-weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa xalay kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho.

R.W Cabdiweli oo kulan isagu yeeray guddiyada Amniga iyo Siyaasadda ee golaha Wasiirrada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa kulan deg-deg ah isugu yeeray guddiyada Amniga iyo Siyaasadda ee golaha Wasiirrada, waxaana ay ka hadleen xaaladihii u dambeyay ee dalka iyo go’aamadii uu qaatay Ra’iisul Wasaaruhu ee uu ku magacaabay Wasiirka amniga Qaranka iyo taliyayaasha Ciidamadda Booliska iyo Nabad-sugida.

Ra’iisul Wasaare C/wali iyo Ban Ki-moon oo kulan wada qaatay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa kulan gaar ah magaaladda Malabo kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo ka qayb galaya shirka Midowga Afrika iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu uga mahadceliyay kaalinta muuqata ee Qaramada Midoobay ay ka ciyaarayso dawlad dhisidda Soomaaliya, nabadda iyo xasiloonida.

R/Wasaaraha Somalia oo si kulul uga hadlay Dagaalka Sh/Hoose iyo Guddi Wasiiro ah oo deg deg ku tagaya Marka

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed oo saaka shir gudoominayey kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen gudiyadda Amniga iyo Siyaasadda ayaa ku baaqay in si deg deg loo joojiyo dagaallada u dhexeeya dadka walaalaha ah ee maalmihii u danbeeyey kasoo cusboonaaday gobolka Shabellaha Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha oo Shaaciyay inay Shacabka kala tashan doonaan Amniga

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegay inay shacabka Muqdisho ku nool kala tashan doonaan sidii lagu sugi lahaa ammaanka guud ee caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo si KMG ah u magacaabay Wasiirka Amniga Qaranka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa si KMG ah xilka wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya ugu magacaabay wasiirka gaashaandhigga, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo aqabalay Iscasilaadii Wasiirka Amniga Qaranka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa ka aqbalay wasiirkii amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed isagoo ku tilmaamay is-casilaaddan inay tahay tallaabo geesinimo leh.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo beeniyay in beelo gaar ah uu kula kulmay Shabeelaha Hoose

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ayaa beeniyay in beelo gaar ah uu kula kulmay Gobolka Shabeelaha Hoose, intii uu ku guda jiray booqashadiisa gobolkaas ee todobaadkii hore.

Raysul wasaaraha: Xukuumaddu waxay soo celineynaa nabadgelyada Sh/hoose

Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sheegay in ay xukuumaddu soo celinayso nabadgelyada iyo wada-noolaashaha bulshada gobolka Shabeellaha hoose.

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali: “waa wax aad looga xanuunsado in hooyada Soomaaliyeed aysan helin daryeel caafimaad xiliga dhalmada” :-War-Saxaafadeed+Sawirro

Muqdisho, 06, May, 2014..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa maanta ka qayb galay xafalad lagu daah furayey Barnaamijka Caafimaadka Asaasiga ah oo ay soo qaban qaabisay wasaarada Caafimaadka.  

C/weli Sheekh oo Weydiistay dalalka Dariska ah inay nabadda wax ka sugaan

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka dalbaday dalalka dariska la ah Soomaaliya inay gacan ka geystaan nabad kusoo celinta Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli: “ Falalka aragaxisonimo nagama hor istaagayaan xasilinta Soomaaliya”

Muqdisho, April 22, 2014 ----- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka tacsiyeeyey weerar argagaxisonimo oo maanta lagu dilay Xildhibaan Cabdicasiis Isaaq Mursal oo kooxo hubaysan ay toogteen isagoo ka soo baxayey gurigiisa oo ku yaallay xaafadda Madiina ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed oo ka Tacsiyey Dilkii Xildhibaan Riino

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiweli sheekh Axmed Maxamed ayaa ka tacisyeey dilkii loo geystay Allaha u naxariistee Xildhibaan Isaaq Maxamed Cali (Riino) oo maanta ku geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa. Mudane Cabdiweli ayaa uga tacsiyeeyey qoyskii, eheladii, asxaabtii, xildhibaanada iyo qaranka uu ka tegay xildhibaanku, isagoo Illaah uga baryey in uu jannadiisa ka waraabiyo.

R/wasaare C/weli Oo Ku Sii Wajahan Kismaayo Iyo Diyargarowga Soo Dhaweyntiisa Oo Halkaasi Ka Socota

R/wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka  ku sii jeeda magaalada Kismaayo halkaasi oo ay haatan ka socoto  qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta wafdiga R/wasaaraha dalka.

Cabdi Wali Shiikh oo safarkiisii ugu horeeyay manta ku gaaray deegaano ka mid ah Dalka

Raiidul wasaahaa Soomaaliya ayaa waxa uu manta safar shaqio ku gaaray Dagmada Buula Burte iyo deegaano kale oo ka mid ah Shabeelaha Dhaxe.

Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo sheegay xilliga ay baxayaan ciidanka AMISOM

Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa toddobaadkan sheegay in ciidamada AMISOM ay Somalia ka bixi doonaan marka dib loo dhiso ciidamada xoogga, isagoo ku sheegay wareysi uu siiyay Al-jazeera TV.

Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in uu tagi doono Magaalada Baydhabo ay ka jirto Xiisad Siyaasadeed

Ra’izul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed ayaa sheegay in dhawaan uu tagi doono Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ,si uu uga qeybqaato dadaalada lagu doonayo in lagu dajiyo Xiisada Siyaasadeed ee mudooyinkan ka taagaan Magaaladaasi.

Raiisul wasaraha soomaliya oo sheegay in safarkii Shaqo ee swezar uu ku soo dhamaaday guul

Raiisul wasaaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu guul ku soo dhamaaday Safarkii shaqo ee ay ku joogeen Dalka Switzerland isaga iyo wafdi uu hogaaminaayay.

Ra’iisul wasaaraha oo sheegay inay deegaanno badan qabsan doonaan

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/wali Sheekh Axmed ayaa sheegay in Al-shabaab ay dhawaan ka saari doonaan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobollada dalka, isagoo xusay in deegaannadaas markii ay kala wareegaan Al-shabaab ay ku qaban doonaan xaflado lagu dabaal-degayo ah.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo jeediyay Khudbad ku aaddan weerarkii madaxtooyada

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa jeediyay khudbad ku aaddan weerarkii Villa Somalia lagu qaaday Jimcihii lasoo dhaafay, taasoo uu kaga hadlay arrimo badan.

Raiisal wasaare Cabdi Shiikh oo kulan qaatay waxgarad somaliyeed.

Raiisal wasaaraha Soomaaliya ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka si kor loogu qaado is dhex galka bulshada dalka Soomaaliyeed.

DEG DEG Ra”iisul Wasaare C/weli oo Khudbad ka Hor Akhrinaya Barlamaanka soomaliya

Ra’isal wasaaraha Dalka Cabdi-Weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa hada bilaaway Qudbadiisa ku aadan Barnaamijka Xukuumada Cusub ee uu dhawaan soo dhisay iyo Waxyaabaha ay qaban doonto Xukuumadiisa Cusub hadii uu Xildhibaanada ka helo Codka Kalsonida ama ay Ansixiyaan.

Ra’iisul Wasaaraha Oo U Hambalyeeyey Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas

January 8, 2014—–Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee la doortay ee dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ra'iisul Wasaare C/wali Sheekh oo la kulmay Ergeyga Qaramada Midoobey Nicholas Kay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Ergayga gaarka ah ee Q.M u qaabilsan arimaha Soomaaliya, waxaana ay ka wada hadleen xiriirka adage ee u dhexeeya Q.M iyo Soomaaliya.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo bilaabayo wada tashiyo uu ku soo magacaabayo Golihiisa wasiirada

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa bilaaabay wada tashiyo ballaaran uu ku soo magacaabayo Golihiisa Wasiirada, iyadoo xalay kulamo gaar gaar ah uu Madaxtooyada kula qaatay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo beel beel uu ula kulmayay.

Raysul wasaaraha cusub oo sharraxay howlaha uu qaban doono

Raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegay in uu dhammaystiri doono howlihii hor yaallay xukuumaddii uu hoggaaminayay raysul wasaare Shirdoon

Ra'iisal Wasaaraha DFS "Ummaadda Soomaaliyeed iyo Caalamkaba waxaan ugu baaqayaa inay gargaar u fidiyaan shacbiga dabaylaha ‘cyclone’ maasheeyeen”

Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon "Saacid" ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka ku wax yeeloobay dabaylaha roobka wata ee ‘cyclone’ ee ka dhacay xeebaha Puntland. Waxaana uu u tacsiyeeyay qoysaskii ku waayay eheladooda iyo dhamaan intii waxyeeladu ka soo gaartay.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS