Tag: qaraxii

Tirada dadkii ku dhintay qaraxii xooganaa ee Hotel SYL oo gaartay 26 ruux

Warar laga helay dhaqaatiirta Caafimaadka ayaa sheegaya in illaa 26 ruux ay ku dhinteen qaraxii weynaa ee maanta gil gilay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotelka SYL oo ku dhow Madaxtooyada. 

Diblomaasi Kenyan ah oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarkii Hotel Saxafi

Diblomaasi Kenyan ah ayaa la xaqiijiyay inuu ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday weerarkii shalay lagu qaaday Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Faah faahin ku aadan Weerarkii Hotelka Saxafi iyo khasaarihii ka dhashay (Sawirro)

In ka badan 15 ruux oo isugu jira mas’uuliyiin, saraakiil iyo shacab ayaa ku dhimatay, tiro labaatan ka badan waa ay ku dhaawacmeen, weerar saaka aroortii hore Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Saxafi oo ku dhow Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada Ammaanka dowladda oo soo afjaray howl galkii Hotel Saxadi

Ciidamada ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa soo afjaray howl galkii mudada saacadaha badan qaatay ee ka socday Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, kadib markii saaka waabarigii hore dabley ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u gashay.

Wasaaradda Amniga oo ka hadashay weerarkii Dhismaha Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare (Sawirro)

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa ka warbixiyay weerarkii duhurnimadii maanta dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen dhismaha Wasaaradda Hidaha iyo tacliinta sare oo ay ku howl galaan Wasaaraddaha Waxbarashada iyo Batroolka.

Daawo Sawirrada Qaraxii Ismiidaaminta ee lagu qaaday Hotelka SYL ee ku dhow Madaxtooyada

Labo weerar oo ismiidaamin ahaa ayaa duhurkii shalay lagu qaaday Hotelka SYL ee ku dhow Xarunta Madaxtooyada, iyadoo hotelka 10-kii bishan lagu qabtay Shirkii wasiiradda Arrimaha Dibada IGAD, waxaana hotelkan uu ahaa mid dhowaan dib loo dayactiray.

Daawo Sawirada: Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Agagaarka Garoonka Aadan Cadde

Faah Faahino Dheeraad ayaa kasoo baxaya Qarax Ismiidaamin ah oo maanta duhurkii ka dhacay meel wax yar u jirta iridka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Mgaaalada Muqdisho .

Saraakisha Amaanka oo ka hadlay Qarax ismidaamin ah oo Muqdisho kadhacay

Afhayeenka Booliska ahna Afhayeenka Laamaha Amniga Dawlada Janeral Maxamed Yuusuf Cumar (Madaale) oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho xalay ayaa waxa uu ka warbixiyey qaraxyo ka dhacay Hoteel dad badan ku sugnaayeen.

(Sawirro)Qasaaraha ka dhashay qaraxii xalay oo sii kordhay iyo Al-Shabaab oo sheegatay

Qasaaraha ka dhashay qaraxii xalay ka dhacay Hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho ayaa kordhay, iyadoo weerarkan ay sheegteen Xarakada Al-Shabaab.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS