Tag: puntland

Madaxweyne Gaas oo xilalkii ka qaaday Agaasimayaashii Nabadsugida iyo Sirdoonka Puntland

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa xilka looga qaaday Agaasimayaashii Hey’addaha Nabadsugida iyo Amniga iyo Sirdoonka ee loo yaqaano PSS iyo PIA. 

C/weli Gaas “Muuse Biixi Hargeysa ayuu ka yimid, Tukaraq ayuu rabaa inuu Nabad ku joogo, suurta galna ma ahan

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali gaas oo maanta dib ugu laabtay magaalada Garowe ayaa ka hadlay dagaalka Tukaraq, duulaan uu sheegay in Somaliland ku soo qaaday maamulkiisa. 

Khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa oo soo ifbaxay

Khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo kuxigeenkiisa C/xakiin Camey ayaa soo ifbaxay, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Puntland, iyadoo kala aragti duwanaanta labada Mas’uul soo kala dhex gashay ay saameysay hey’adaha kala duwan ee maamulkaas.

Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay Shaqaalle Ajnabi ah iyo doontii ay Saarnaayeen

Ciidamada bada maamulka Puntland ayaa degmadda Eyl ee Gobolka Nugaal, sheegay in ay ku qabteen shaqaalle Ajnabi ah iyo doontii ay wateen.

Puntland hakad galisay doorashooyinkii xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka

War qoraal ah oo soo ka baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu amray guddiga doorashada heer dowlad gobolleed in ay joojiyaan ilaa amar danbe doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka cusub ee federaalka.

Puntland” Markabkii Barbara Hub ayuu Shabaab u waday

 Maamulka Puntland ayaa sheegay in Markabkii 24-kii Bishaan ku soo Xirtay Dekedda Magaalada Barbara ee waday Hubka iyo Gaadiidka Dagaalka  ay Hubkaasi  leeyihiin Dagaalameyaasha Al-shabaab.

War Maamulka Puntland kasoo yeeray oo la dhaliilay

Xalay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaaz ayaa Shirjiraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Garoowe waxaa uu ka soo horjeestay Heshiiskii ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya oo lagu Saxiixay in Maamul loo dhiso Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Sawiro:Sannad-guuradii 16aad ee dhismaha Maamulka Puntland oo si weyn loo xusay

Dhammaan deegaanada Puntland waxaa maanta si weyn looga xusay munaasabadda 1-da Agoosto, oo ku beegan sannad guuradii 16-aad ee kasoo wareegtey xilligii dhidibada loo taagay maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland sanadkii 1998.

Kaluumeysata Yemen oo loo ogolaaday inay ka jillaabtaan Xeebaha Puntland

Maamulka Puntland oo ka tirsan Soomaaliya iyo dowaldda Yemen ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah, kaasoo u ogolaanaya kalluumeysatada dalka Yemen inay ka jillaaban karaan xeebaha maamulkaas hoos-yimaada.

Madaxweynaha Puntland oo sheegay in uu isbadal ku sameenayo Maamulkiisa

Madaxweynaha  Maamul Goboleedka Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas oo Wareysi siinayey TV-ga Soomaalia Chanell ayaa sheegay in uu si badal ku sameenayo Maamulka,gaar ahaan Amaanka Dhaqaalaha ,Garsoorka iyo sidoo kale Dhimista Shaqaalaha Maamulka Puntland.

ISIMIDA PUNTLAND OO KASOO HORJEESTAY AQOONSIGII AY SHEEGEEN ODAYAAL KA TAGAY MUQDISHO INAY SIIYEEN SOMALILAND

Kadib markii Odayaal kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo ka qeybgalay Munaasabada 18-May markii Soomaaliland, ay sheegtay inay Soomaaliya inteeda kale ka go’day ay halkaasi kaga dhawaaqeen in Soomaaliland Dowlad madaxbanaan ay u aqoonsadeen, ayaa Salaadiin kasoo jeeda Deeganada Puntland waxa ay ka hadleen arintaasi. 

Puntland oo ku hanjabtay inay qaadeyso tallaab ay uga jawaabeyso qabsashadii Taleex

Maamulka Puntland ayaa ku hanjabay inay qaadi doonaan tallaab ay uga jawaabeyso la wareegitaankii Ciidamada Somaliland ee deegaanka Taleex ee Gobolka Sool, halkaasoo xiisado dagaal ay ka jiraan.

Madaxweynaha Puntland Oo Furay Kal-Fadhiga Baarlamaanka Oo Dib U Eegis Loogu Sameynayay Miisaaniyadda 2014-ka

Isniin 31, 03, 2014 Madaxweynaha Dawladda goboleedka Puntland Dr.Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa maanta si rasmi ah u furay Kal-fadhiga Baarlamanka kaasi oo dib u eegis loogu samaynayo miisaaniyadda Dawladdu ku shaqayn doonto sanadka 2014-ka, kaasi oo ay Baarlamaanka usoo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Puntland oo la diiwaan-gelinayo hantida madaxda maamulka

Mas’uuliyiinta maamulka Puntland ayaa markii ugu horreysay isku raacay diiwaan-gelinta handida madaxda dowlad goboleedka.

Sawiro:- Wasiirka Amniga Pl oo Garowe uga qayb Galay Kulan Amaanka loga hadlayeey

Caasimada Puntland ee Garowe waxaa maanta kadhacay kulan Balaaran oo loga hadlayeey Amaanka Caasimada Puntland,iyadoo kulankaas uu ka qayb galay Wasiirka Wasaarada Amniga Xasan Allore.

Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada

 Madaxweynaha Puntland, C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa xilkii ugu horreeyay magacaabay tan iyo markii uu noqday madaxweynaha Puntland, waxaana wareegtadiisii u horreysay uu ku magacaabay agaasimaha madaxtooyada Puntland, Deeq Suleymaan Yuusuf.

Madaxweynaha Cusub Ee Maamulka Puntland Oo La Filayo In Uu Maanta La Wareego Xilka

Munaasabad uu xilka kula wareegayo Madaxweynaha cusub ee Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta lagu wadaa inay ka dhacdo magaalada Garowe.

Wasiirka Ammaanka Puntland oo sheegay inaanay jirin hub la dhacay

Kaddib markii ay dhawaan soo baxeen warar sheegaya in hub lagala baxay madaxtooyada magaaloyinka Garoowe iyo Boosaaso ayaa arrintan waxaa waxba kama jiraan ku tilmaamay sii hayaha xilka wasiirka amniga Puntland, Khaliif Ciise Mudane.

Madaxweyne Gaas oo sheegay inuu si dhow uga shaqeynayo inuu soo laabto xiriirkii dowladda iyo Puntland

Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo Arbacadii ku guuleystay doorashada Madaxtinimada Puntland shanta sano ee soo socota ayaa sheegay in qorshihiisa yahay sidii uu si dhow ugu shaqeyn lahaa dib u soo laabashada xiriirkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya Oo U Hambalyeeyey Madaxweynaha Cusub Ee Puntland

Muqdisho, 08 Janaayo 2014 – Madaxweynaha Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa u hambalyeeyey Dr Abdiweli Mohammed Ali Gaas oo ku guuleystay xilka Madaxweynenimo ee Puntland, tasoo ah guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

Saciid Xasan Shire oo ku guuleystay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Is bedelka cusub oo bilowday (Sawirro)

Waxaa goor dhow soo dhamaaday doorashadii wareegii saddexaad ee tartanka Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, iyadoo ay isugu soo hareen labo musharax oo kala ahaa Saciid Xasan Shire iyo C/rashiid Maxamed Xirsi oo ahaa Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS