Tag: oo

Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare oo goor dhow ka badbaaday isku day dil

Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Xuseen Cali Xaaji ayaa goor dhow ka bad baaday isku day dil, kaddib markii gaari uu saarnaa lagu rasaaseeyay degmada Hodan.

Cabdi Qeybdiid oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Labada Aqal

Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa maanta loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhaarinta Xildhibaanada labada Aqal oo lagu wado inuu dib u dhac ku yimaado

Iyadoo maanta ay ku beegan tahay 15-ka bisha December oo ah maalinta loo qorsheeyay in la dhaariyo Xildhibaanada cusub ee labada Aqal ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan in laga yaabo inuu dib u dhac ku yimaado.

Weerar ka dhacay Mareykanka oo lagu dilay 20 ruux oo ku sugnaa goob lagu caweeyo

Ku dhowaad 20-ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen toogasho ka dhacday goob lagu caweeyo oo ku yaal magaalada Orlando Gobolka Florida ee dalka Mareykanka.

Dowlada Turkiga oo bil walba siineysa dowlada Soomaaliya 2 Malyan oo Dollar

Golaha wasiirada cusub ee dalka Turkiga  ayaa ansixiyay lacag deeq ah oo bil walba dowlada Turkiga ay siinayso Somaliya ,taasoo gaaraysa $ 2-Milyan guud ahaanna isku darkeedu ay dhan tahay $ 24 Milyan.

DEG DEG: Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Avv. Ceydiid Ilka-Xanaf oo xillka laga qaaday

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Avv Ceydiid Cabdullaahi Ilka-Xanaf, kadib digreeto uu soo saaray.

Baarlamaanka oo maanta la horkeenayo hanaanka doorashada sanadkan 2016

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in la hor-keeno go’aankii doorashooyinka ee ay ku heshiiyeen Madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada, iyadoo la filayo in Xildhibaanada ay dood dheer ka yeeshaan qodobada qaar.

Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay in labo bil lagu kordhinayo waqtiga ay dhaceyso doorashada

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in isaga iyo Guddoonka Baarlamaanka ay ka wada hadleen in labo bil lagu kordhiyo waqtiga ay dhaceyso doorashada Soomaaliya oo ku beegneyd bisha September.

Wadanka Soomaaliya oo noqday dalka ugu farxada badan wadamada geeska Afrika

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay dalka Soomaaliya uu yahay dadka ugu farxada badan dalalka ku yaal geeska Afrika kadib qiimeyn lagu sameeyay 157 dal.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xalay casho sharaf u sameeyay ciyaartoydii 11-jirada(Sawiro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa xalay casho sharaf ugu sameeyay aqalka dowladda Hoose Ciyaartoydii 11-jirada ee ka qeyb galay Tartankii Jeem Cup ee lagu qabtay dalka Qadar. 

NATIIJO FIICAN: Wiilasha 11,jirada Soomaliya oo tartamka carruurta ee Jem Cup wacdaro ku dhigay Qatar

Xiddigaha 11-jirada soomalida ayaa soo laabashada qeybta labaad lasoo galay dar dar waxaana ay dhaliyeen goolka bar baraha,waxayna ciyaarta ka dhigeen 2-2.

Dowladda Federaalka oo joojineyso duulimadyadii Muqdisho iyo Hargeysa

Warqad qoraal ah oo ka soo baxday Xafiiska Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in si KMG loo joojinayo duulimaayadii diyaaradaha ee Muqdisho iyo Hargeysa.

Faah faahin: War murtiyeedka qaabka doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta 2016

Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay war-murtiyeed ay kaga hadleyso qaabka doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta sanadkan 2016-ka, kadib laba cisho oo wada tashiyo Muqdisho ugu socdey hoggaamiyayaasha maamullada dalka, dowladda Soomaaliya iyo bulshada caalamka.

22-Xisbi siyaasadeed oo dacwad ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyay Maxkamadda Sare (Akhriso)

 Illaa 22 xisbi siyaasadeed ka jira dalka ayaa maalintii shalay u gudbiyay Maxkamadda sare ee dalka dacwad ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa)

Dowlada Federalka oo ka hadashay weerarkii xalay ee Xeebta Liido

Wasiirka Amniga gudaha C/Risaaq Cumar Maxamed ayaa ka hadlay weerarkii xalay lagu qaaday  Baarka Liido Sea Food ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Jubbaland oo Cambaareeyay Socdaalka Guddoomiye Jawaari

Madaxweyneyaasha Maamulada Jubbaland iyo Galmudug  C/kariin Xuseen Guuleed iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo maanta Shir Jiraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado ayaa wada jir u Cambaareeyay socdaalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee uu ku tagay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka galgaduud.

Mareykanka oo joojiyay saldhigii uu u adeegsan jiray diyaaradaha Drones ee ku yaalay Itoobiya

Milateriga Mareykanka ayaa gebi ahaanba joojiyay saldhigii ay ka duuli jireen diyaaradaha aanay cidna wadin ee Drones ee ku yaallay Koofurta Itoobiya.

Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada oo maanta kulan gaar ah yeelanaya

Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxda dowlad goboleedyada ayaa maanta lagu wadaa inay kulan gaar ah ka yeeshaan hanaanka geedi socodka doorashooyinka 2016, kaasoo lagu kala aragti duwan yahay nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa.

AXMED XASAN CAWKE OO GEERIYOODAY

Weriye Axmed Xasan Cawke ayaa ku geeriyooday magaalada Jigjiga

Dhalinyaro Soomaali Mareykan ah oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta shirqool dil ah

Dhalinyaro Soomaali Mareykanka ah oo horay isku dayay inay ku biiraan Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira inay maleegayeen shirqoolo dil ah.

Guddoomiye Jawaari “Dib ayaa loo dhigay furitaanka kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa shaaciyey in dib loo dhigay furitaanka kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka oo markii hore loo asteeyey 21ka bishan October.

Harriet Mathews “Ciidamada Britain ee Soomaaliya la keenayo lama dagaalamayaan Al-Shabaab”

Safiirka Britain ee Soomaaliya Danjire Harriet Mathews oo shir jaraa’id saxaafadda ugu qabatay xarunta safaaradda ay ku leedahay Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ayay kaga hadashay qorshaha UK uga aadan sanadka soo socda arrimaha Soomaaliya,ciidamada Britain ay keenyso Soomaliya iyo arrimo kale.

Wasaaradda A. Gudaha oo sheegtay in dhowaan la dhisayo Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhowaan la guda geli doono howlaha maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo horay loogu heshiiyay in maamul loo sameeyo.

Wasiiraddii hore ee Batroolka Nigeria oo lagu xiray magaalada London

Wasiiraddii hore ee Batroolka Nigeria Alison-Madueke ayaa lagu xiray magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyadoo xarigan loo sababeeyay arrimo musuq maasuq ah oo hey’ad caalami ah oo la dagaalanta musuq maasuqa ku soo eedeysay.

Hub uu Mareykanka siiyay Mucaaradka Suuriya oo u gacan galay Al-Qaacida

Hub uu Mareykanka siiyay Mucaaradka Suuriya ee dhex dhexaadka ah ayaa waxaa uu u gacan galay Jabhadda Al-Nusra Front ee xiriirka la leh Ururka Al-Qaacida.

Bulshada Caasimadda Muqdisho oo taageeray waxqabadka Guddoomiye Muungaab (Sawirro)

Kulan weyn oo maanta ka dhacay Muqdisho oo uu soo qaban qaabiyay Malaaqa Xamar iyo Xamar daye Malaaq Cali Malaaq Maxamed Malaaq Hiloowle, laguna qabtay hoyga uu ku leeyahay degmada C/casiis ayaa waxaa ay bulshada ku dhaqan caasimadda ku taageereen Waxqabadka Maamulka Gobolka Banaadir oo uu hogaaamiyo Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Guddiga Dib u Heshiisiinta Qaranka oo kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid

Xubnaha Guddiga Fulinta ee Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka ayaa kulan la yeeshay 27-kii bishii hore Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, iyadoo kulankan uu ka dhacay Xafiiska Ra’iisul

Xiisad dagaal oo ka dhex taagan labada Kuuriya, markii madaafiic is dhaafsadeen

Xiisad dagaal ayaa ka dhex taagan dalalka Koofurta Kuuriya iyo Waqooyi Kuuriya, kuwaasoo aan in muddo ahba xiriirkooda wanaagsaneyn, iyadoo maalintii shalay ciidamada labadaas dal ay tiro madaafiic ah isku dhaafsadeen xuduuda.

Arsenal oo guuldaro ku bilaabatay horyaalka Premierka iyo Liverpool oo badisay (Sawiro)

Naadiga Arsenal ayaa guuldaro ku bilowday horyaalka Premier League kadib markii kooxda West Ham ay ugaga adkaatay 2-0.Guuldaradan ayaa ka timid qaladaad uu sameeyay goolhayahooda cusub ee Peter Cech oo kulankiisii ugu horeeyay ee horyaalka Premier League u qabtay kooxda Arsenal.

Wasiirka Maaliyadda oo heshiis lagu taageerayo Ciidanka Booliska la saxiixday dowladda Maraykanka

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti) ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Mareykanka u Fadhiya Soomaaliya, James P. McAnulty magaalada Muqdisho kula saxiixday heshiis ay dowlada Maraykanku ugu deeqday lacag dhan $1.5 malyan oo lagu taageerayo dib u habeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Maraykanka oo siinaya dowlada Masar diyaaradaha dagaalka ee F-16

 Dowlada Maraykanka ayaa geynaya 8 diyaaradaha dagaalka ee F-16 Block 52 labada maalmood ee soo socota sida lagu sheegay war ka soo baxay safaarada Maraykanka uu ku leeyahay magaalada Qahira.

Wasiirka Amniga ugu baaqay Baarlamaanka inuu dedejiyo ansixinta sharciga la dagaalanka Argagixisada

Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ugu baaqay Baarlamaanka Soomaaliya inuu meel mariyo sharciga la dagaalanka Argagixisada, kaasoo dhowaan la horgeeyay Baarlamaanka.

Deegaanada Ahlusuna maamusho ee Gobollada Dhexe oo maalintii koowaad maanta laga ciidayo

Deegaano ka tirsan Gobollada Dhexe ee Soomaaliya oo ay maamusho Ahlusuna Wal-jameeca ayaa maalintii koowaad ee Ciidul Fidriga laga ciidayaa, iyadoo dadka isugu soo baxeen fagaarayaasha iyo masaajidada, si ay salaada ciida ugu dukadaan.

Inta Badan dalalka Islaamka oo looga dhawaaqay inay berri Ciid tahay iyo bisha oo laga arkay meelo ka mid ah Soomaaliya

Dowlada Federalka ayaa ku dhowaaqday in ay berri oo ah Jimce ay tahay maalin ciid ah, halka wadamo ay ka mid yihiin Kuwait,Imaaraadka Carabta,Sacudi Carabiya,Qadar,Sudan iyo qaar kale ay sheegeen in Berri oo Jimce ah ay tahay ciid al-Fitriga, 

Akhriso: Warqad Wasaaradda A. Dibada Somalia uga dalbaneyso Turkiga inay aqbasho Safiirnimada Sanbaloolshe

Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibada ee dalka Turkiga warqad ay ku sharaxeyso magacaabista Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacawday dalka Turkiga.

AMISOM oo Raashin ah u Qaybisay Qoysas kala duwan oo ku nool Gobolka Banaadir (SAWIRRO)

AMISOM oo Kaashanaysa Hay'adaha Samafal ayaa gargaar cunto oo kala duwan ka Qaybisay Muqdisho, iyadoo sheegay inay ugu talo-galeen in shacabka Soomaaliyeed ay isticmaalaan inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ardayda Jaamacadaha Kenya oo lagu eedeeyay in ay lacag ka qaataan ururka Alshabaab

Agaasimaha xarunta ka hortagga argagaxisada dalka Kenya Isaac Ochieng ayaa ku eedeeyay ardayda waxbarashada sare dalka Kenya inay ku biirayaan ururada argagaxisada.

Imaaraadka Carabta oo Gaadiid ciidan ugu deeqday Ciidamada Booliska Soomaaliya (Sawirro)

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku wareejisay Wasaaradda Amniga Gudaha ee dowladda Soomaaliya Gaadiid ciidan, booyadaha biyaha qaada iyo qalab kale oo loogu tala galay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Prof. Dufle oo bulshada Soomaliyeed uga digay khatarta caafimaad ee cabista Sigaarka iyo cudurada ka dhasha

Iyadoo maanta oo ay bishu tahay 31-ka Maajo 2015 ay tahay maalinta loo asteeyey joojinta cabista sigaarka ee caalamka ayaa dhaqaatiirta Soomaaliyeed waxay bulshada uga digayaan qatarta uu leeyahay iyo cudurada halista ah ee ka dhasha.

C/salaan Hadliye “Wax la aqbali karo ma ahan in Somaliland ay celiso qaxooti Soomaali oo dhulkooda ku soo noqonaya”

Wasiirka Arrimaha Dowladda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay tallaabadii Somaliland ay ugu diiday in qaxooti Soomaali ah oo ka soo cararay colaada Yemen ka soo degaan Dekeda Berbera, iyadoo dadkaas oo haween iyo caruur ahaa dib loogu celiyay doontii ay saarnaayeen.

Sacudi Carabiya oo beenisay inay geysay ciidamo dhulka ka dagaalama dalka Yemen

Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa beenisay in ciidamo ka dagaalama dhulka ay geysay dalka Yemen si ay u xoojiso ciidamada daacada u ah madaxweynaha dalka Yemen.

Kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta furmaya iyo Amniga oo la adkeeyay

Kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u furmi doona, iyadoo qeybo badan oo ka mid ah magaalada amnigeeda si aad ah loo adkeeyay, gaar ahaan wadooyinka oo ciidamo kala duwan la dhigay.

Qaybo ka mid ah Waddooyinka Muhiimka ah ee Caasimadda oo Saaka la Xiray

Qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho ayaa saaka xiran; kaddib markii waddooyinkaasa la dhigay ciidan ka tirsan kuwa dowladda Somalia.

Wararkii ugu dambeeyay weerarka Jaamacadda Gaarisa iyo Al-Shabaab oo sheegatay

Ugu yaraan 14 ruux ayay Warbaahinta gudaha Kenya xaqiijiyeen inay ku dhinteen weerar saaka dabley hubeysan ku qaadeen Jaamacad ku taal magaalada Gaarisa, iyadoo weerarkan uu ilaa iyo hada socda in ka badan shan saacadood.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqasho saddex maalmood ah ugaga bilaabatay dalka Qadar

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray caasimada dalka Qadar ee Doha.

Arsenal oo ka hartay wareega 8-da Champions League, Monaco iyo Atletico Madrid oo soo baxay

Kooxda Arsenal ayaa mar kale ku fashilantay inay u soo baxdo wareega 8-da ee Champions League, kadib markii ay ku hartay sharciga goolasha.

Dowladda Soomaaliya oo markii u horeysay ka hadashay Saraakiil u xiran Qaraxii Hotel SYL

Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay baaritaanka qaraxii ismiidaaminta ee 22-kii bishii Janaayo lagu qaaday Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho iyo dadka u xir xiran weerarkaas oo ay ilaa iyo hadda baaritaano ku socdaan.

Wasiirada Waxbarashada Drs Khadra Bashiir oo la kulantay danjiraha dowlada Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare Drs Khadro Bashiir Cali oo ay wehelinayaa Wasiiru dowlaha Mudane Cabdullahe Bile, Wasiir ku xigeenka Mudane Xaamud Cali Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Tacliinta sare Mudane Ismaaciil Yuusf ayaa waxey maanta ku qaabishay Xafiiskeeda Safiirka Dowlada Chine u fadhiya Dalka Soomaaliya.

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyay Xukuumadda Cusub

Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xukuumadda cusub ee uu soo magacaaabay ra’iisul wasaare Cumar C/rshiid Cali Sharma’arke.   

Xulka Ghana oo u soo baxay Finalka Koobka Afrika iyo Rabshado hareeyay ciyaarta (Sawirro)

Xulka Ghana ee lagu naaneyso xidigaha madow ayaa u soo baxay Finalka Koobka Qaramada Afrika, kadib markii ciyaartii Sema Finalka aheyd ay uga adkaadeen dalkii marti gelinayay Koobkan ee Equatorial Guinea 3-0. 

Hanti dhowrka Guud ee Qaranka oo sheegay in baaris lagu sameeyay Xafiisyada Madaxda dowladda

Hanti dhowrka Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa sheegay in sanadkan ay xoojinayaan la dagaalanka Musuq maasuq iyo baarista Hey’adaha dowladda, si loo yareeyo musuq maasuqa ka jira Soomaaliya.

Meydka Xildhibaan Xaabsade oo maanta lagu aasayo magaalada Baydhabo

Meydka Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa maanta lagu wadaa in lagu aaso magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, kadib markii uu shalay subax ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada Muqdisho.

Ciidamada Ammaanka oo saaka ilaa xalay baaritaano ka wada qeybo ka tirsan degmada Wadajir

Ciidamada Ammaanka ayaa howl gallo ballaaran ka wada xaafado ka tirsan degmada Wadajir, iyadoo howl galka intiisa badan uu ka socdo xaafada Buulo Xuubey oo ku dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Valencia oo soo gaba gabeysay guulihii is daba jooga ahaa ee Real Madrid, markii ay 2-1 uga badisay (Sawirro)

Kooxda Real Madrid ee heysa hogaanka Horyaalka Spain ee La Liga ayaa guuldaro ku bilaabatay sanadkan cusub ee 2015, markii kooxda Valencia 2-1 ku garaacday.

RW Cumar C/rashiid oo Maanta Xilka kala wareegaya Ra’iisul Wasaarihii Hore

Xaflad uu xilka kula wareegayo RW-ha cusub ee Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ka socotaa qabanqaabadeeda magaalada Muqdisho, kaddib ansixintiisii shalay.

Kulan ammaanka looga hadlayay oo xalay ka dhacay Xarunta Nabadsugida

Kulan ammaanka looga hadlayay ayaa xalay ka dhacay xarunta Nabadsugida iyo Sirdoonka ee magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan diirada lagu saaray amniga caasimada iyo deegaanada ku dhow dhow.

M/weyne Xasan Sheikh oo Furay Shirkii Copenhagen”Sawiro”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud  ayaa Magaalada Copenhagen ka Furay Shirkii looga hadlayay Arrimaha Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay kulanka Baarlamaanka ee maanta lagu hor-keenayo mooshinka iyo cabsi laga qabo…

Kulamo iyo dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo xoog leh ayaa tan iyo xalay ka socday Madaxtooyada iyo Hotelada qaar ee magaalada Muqdisho, kadib markii uu Gudoonka Baarlamaanka ku dhawaaqay in maanta oo Talaado ah uu jiro shirkii Baarlamaanka, ajandahaha uu qeyb ka yahay mooshinka laga keenay Xukuumada.

Khilaafka Madaxda Somalia oo sii xoogeysanaya iyo Mooshin la diyaarinayo

Khilaafka u dhexeeya madaxda dalka ayaa sababay in kala qaybsanaan ay soo dhexgasho, xubnaha baarlamaanka Somalia, taasoo ahayd mid horay looga bartay, waxaana xildhibaannno taageersan yihiin madaxweynaha ay billaabeen inay mooshin ka dhan ah ra’iisul waasaraha Soomaaliya diyaariyaan.

Saraakiil Mareykan ah oo sheegay in duqeyntii xalay lagu dilay Amiirka Al-shabaab

Sarkaalkiil Mareykanka ah ayaa sheegay in lagu dilay duqeyntii xalay uu Mareykanku ka geystay deegaan ku dhow degmada Sabalaale ee gobolka Shabeellada Hoose hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane iyo saraakiil kale oo la socday.

War Deg Deg Ah Dagaalkii Godka Jilacow kasocday oo lasoo afjaray iyo Meydad badan oo halkaasi lagu arkayo

Waxaa goordhaw Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Gaashaan si buuxda ula wareegeen Xarunta Hay’ada Nabad Sugida Gobolka Banaadir ee kutaal Ex- Godka Jilacow halkaas ay manta gudaha u galeen Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab.

Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Xakamaynta Hubka Wax-dila

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa, waxaana Shir Guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed, iyadoo kulanka warbixin ku saabsan xaaladda ammaan ee dalka looga dhageystay Wasaaradda Amniga Qaranka, laguna meel-mariyay Hindise sharciyeedka Hubka wax-dila.

100 ruux oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay Malaysia Airlines oo ahaa shaqaale cudurka AIDSka

Illaa boqol ruux oo ka mid ahaa dadkii saarnaa dayuuradii Malaysia Airlines oo ku burburtay dalka Ukraine ayaa ahaa dad ku sii jeeday dalka Australia halkaa oo ay ugaga qeybgali lahaayeen kulan caalami ah oo loogaga hadlayo cudurka AIDSka.

Dabley hubeysan oo xalay ku dishay sarkaal ka tirsan ciidamada nabadsugida mid kalana dhaawacay

Koox ku hubeysan bastoolado ayaa xalay ku weeraray degmada Kaaraan saraakiil ka tirsan ciidamada nabadsugida ee gobolka Banaadir.

Allaha u naxariisto Fanaanka Maxamed Saleebaan Tubeec oo saakay ku geeriyooday dalka Jarmalka

Allaha u naxariistee waxaa saakay Isbitaal ku yaal dalka Jarmalka ku geeriyooday Fanaanka Maxamed Suleymaan Tubeec oo loo yaqaanay Boqorka Codka, oo in muddo ah ku xanuunsayay dalka Jarmalka.

Dowladda Japan Oo Qalab Xafiiseed Ku Wareejisay Taliska Booliska Soomaaliya “Sawirro”

Wafdi ka socda dowladda Japan ooo dalka soo gaaray ayaa maanta qalab xafiiseed ku wareejiyay taliska ciidanka booliska

Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen oo Aas qaran loogu sameeyey Muqdisho

Allaha unaxariistee waxaa maanta magaalada muqdisho duleedkeeda wuqooyi lagu aasay Meydka Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen oo ahaa ra’iisalwasaarihii labaad ee Somaliya kaasi oo dhawaan ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Daawo SAWIRRO)Safiirka Turkiga oo ka hadlay dhismaha isbitaalka Digfeer

Danjiraha Turkiga u fadhiya Somalia, Kamaaluddiin Kani Turan ayaa sheegay inay dhameystireen dhismaha isbitaalka Digfeer ee Muqdisho, kaddib markii ay sannadkii hore billaabeen dib u dhisaan isbitaalkaas oo burbur xooggan uu ka muuqday.

Tarsan: “Wasiirradu waa inay dagaan Degmooyinka Muqdisho oo dhan”

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ku boorriyay golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya inay dagaan degmooyinka gobolka Banaadir oo aysan ku ekaan madaxtooyada.

Ra'iisul Wasaaraha oo soo gabagabeeyey kulan looga hadlayay qorshaha xukuumada ee 2014 (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta soo gabagabeeyey kulankii labada cisho soconayay ee looga hadlayay qorshaha xukuumada ee sanadka 2014, waxaana kulankan maanta si gaar ah loogu casuumay xubno matalayay beesha caalamka, dalalka deeqbixiyeyaasha, iyo safaaraddo.

Dowladda Somalia oo soo dhaweysay in Itoobiya ay ku biirto AMISOM

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa soo dhaweeyay ka mid noqoshada ciidamada Itoobiya ay ka mid noqdeen kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, isgaoo xusay in tani ay isbedel weyn ku sameynayso dagaallada looga horjeedo kooxda Al-shabaab.

Munaasabad Lagu Maamuusayay Sanadguuradii Labaad Ee Maamulka Khatumo Oo Lagu Qabtey Minneapolis+Sawirro

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayay Sanad-guuradii Labaad ee ka soo wareegatay aas’aaskii maamulka Khaatuma State ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis. Waxaana ka soo qeyb galay madaxda jaaliyadda, Aqoonyahanno, waxgarad iyo dadweyne farabadan oo ka kala yimid gobolo badan oo ka tirsan Mareykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Oo U Hambalyeeyey Madaxweynaha Cusub Ee Puntland

Muqdisho, 08 Janaayo 2014 – Madaxweynaha Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa u hambalyeeyey Dr Abdiweli Mohammed Ali Gaas oo ku guuleystay xilka Madaxweynenimo ee Puntland, tasoo ah guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

Ra'iisul Wasaare C/wali Sheekh oo la kulmay Ergeyga Qaramada Midoobey Nicholas Kay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Ergayga gaarka ah ee Q.M u qaabilsan arimaha Soomaaliya, waxaana ay ka wada hadleen xiriirka adage ee u dhexeeya Q.M iyo Soomaaliya.

JAWAARI: “Xukuumadda cusub waxaa looga fadhiyaa inay abuurto Mashaariic fara badan si Shaqo la’aanta looga baxo”

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay in xukuumadda cusub looga fadhiyo inay abuurto mashaariic fara badan si dhallintu ay uga baxaan shaqo la’aanta haysata.

Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya oo ka mid ah Wasiiro IGAD ka socda oo booqanaya Koofurta

Sii hayaha xilka Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta u ambabaxay magaalada Jubba ee Caasimada Koofurta Sudan, iyadoo qeyb ka ah Shan Wasiiro Arrimo dibadeed ka socda IGAD oo ku baxay xiisadaha ka taagan Koofurta Sudan.

Ururka RSF oo Shaacisay Tirada Suxufiyiintii Sannadkan 2013-ka lagu dilay Caalamka oo dhan iyagoo Shaqooyinkooda wata

Sannadkan 2013 ayaa la sheegay in lagu dilay caalamka oo dhan 71 suxufi, kuwaasoo la toogtay xilli ay ku jireen howlahooda shaqo, sida lagu sheegay warbixin uu soo saartay  ururka suxufiyiinta aan xuduudda lahayn ee RSF.

Dhageyso:MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “oo markii ugu horeysay ka hadlay Dagaallo beeleedyada sheegayna in aan loo dul-qaadandoonin Qas-wadayaashana Tallaabo adag ayaa laga Qaadayaa”

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay colaadaha iyo dagaallada kasoo cusboonaaday deegaannada qaarkood, isagoo tacsi u diray dhammaan shacabkii ay waxyeelladu kasoo gaartay dagaallada.
Halkaan ka dhageyso

Isku Aadka Koobka Naadiyada Yurub oo Lagu Dhawaaqay iyo Kooxo Adag oo Isku Beegmay

Waxaa Goor dhow  magaalada Zurich ee xarunta xiriirka kubadda cagta ee yurub looga dhawaaqay sida ay u wada ciyaari doonaan 16ka kooxood ee u soo baxay wareega labaad ee koobka naadiyada yurub ee Champions League.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo La Kulmay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Ee Afrika

Gudoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wefdi ay hogaaminayso kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee arrimaha Afrika oo maanta soo gaartay magaalada Muqdisho.

Ra'iisul Wasaare Saacid "Go'aan kasta oo Baarlamaanka gaaro anagoo maqan waa mid ku dhisan malo

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa war saxaafadeed xafiiskiisa ka soo baxay ayaa sheegay in eedeymaha mooshinka ku xusan ee Xukuumadiisa loo soo jeediyay ay xaq u leedahay inay iska difaacdo.

Dhageyso:Muqdisho oo $270 kun ugu deeqday dhibbaneyaasha duufaanta iyo daadadka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta sheegay inay gacanta ku hayaan deeq dhan $270,822 oo lacagta Mareykanka ah, taas oo ay iska aruuriyeen shacabka Muqdisho, isla markaana loogu talagalay dadka daadadka iyo duufaanta Soomaaliya ku waxyeeloobay Olole  uu toddobaadkii hore ku dhowaaqay guddoomiyaha gobolka Banaadir, isla markaana ay ka qaybgaleen guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka iyo shacabka magaalada ayaa deeqda lagu aruuriyay, iyadoo la qorshaynayo in la gaarsiiyo dadka ay duufaanta ku dhibaataysay deegaannada Puntland iyo dadka ku waxyeelloobay daadka fatahaadda wabiga Shabeelle ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Qaramada Midoobay oo gaashaanka ku dhufatay in la xiro Xeryaha qoxootiga Dalka Kenya oo ay ku jiraan Soomaali badan

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in aysan ogolaanayn in la xiro xeryaha ku yaalla dalka Kenya oo ay ku jiraan qoxootiga Soomaaliyeed, kaddib markii wasiirka arrimaha gudaha Kenya uu dhawaan amar ku bixiyay in xeryaha qoxootiga la xiro.

Dhageyso:Qaramada midoobay oo ka warbixiyay fataahada webiga Shabeelle iyo roobabka duufaanta wata.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay madaxa hay’adda isku duba ridka gargaarka beni aadaninimada ee qaramada midoobay OCHA Justin Brady. Masuulkan ayaa waxaa uu shirkiisa jaraa’id kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaalada beni’aadanimo ee dalka ka jira, gaar ahaan dadka barakacyaasha ah ee ku nool dhamaan gobollada dalka, fatahaadihii webiga Shabeelle iyo dhibaatooyinkii ka dhashay roobabkii dabaylaha watay ee dhawaan ka da’ay deegaano ka tirsan maamulka Puntland..
HALKAAN KA DHAGEYSO

Safiirka Turkiga ee Somalia oo sheegay in ay ku Dadaalayaan sii socoshada Wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Cemalettin Kanu Turan iyo wefti uu hoggaaminayo oo ganacsato ah oo socdaal shaqo  ku yimid Somaliland ayaa sheegay in Turkigu uu ku dadaalayo sidii ay u sii socon lahaayeen wada-hadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland.

Nicholas Kay oo Magaalada Gaalkacyo kula kulmay Isimmo iyo qaar ka mid ah Musharraxiinta Doorashada Puntland

Wakiilka Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya, danjire Nicholas Kay ayaa kala kulmay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug madaxda dhaqanka iyo musharaxiinta u taagan hoggaanka Puntland ee ku sugan Gaalkacyo.

Mareykan ka oo Saldhigyo ay kula Dagaallamayaan Al-shabaab ka dhisaayo xadka ay wadaagaan Somalia, Jabuuti iyo Kenya

Dowladda Mareykanka ayaa wadda qorshe ay saldhigyo kaga dhisayso xuduudaha ay wadaagaan dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Jabuuti, kuwaasoo ay sheegtay inay kula dagalaamayso kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.  

Daawo sawirada:R/wasaare Saacid oo manta booqday dhaawacyadii laga keenay Hiiraan iyo wasaarada Gashan dhiga

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta booqday dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii shalay Al-Shabaab ku qaadeen saldhiga degmada Beledweyne kuwaasoo isla shalay dawladdu u dirtay diyaarado lagu soo daabulo si ay u helaan daweyn deg deg ah.

Isku dhaca madaxda Dowlada gaar ahaan Madaxweynaha iyo Raiisul wasaaraha oo meel xasaasi ah maraayo.

Xili uu circa isku si shareeray qilaafka Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud iyo R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa waxaa hada soo if baxay in manta dad iyaga taabacsanaa Saacid doonaayayna in ay isku soo bax ka dhginaa Muqdisho loo diiday.

Deeq Lacageed Oo La Guddoonsiiyay Waalidiintii Iyo Caruurtii Uu Ka Tegay Timacadde

Deeq Lacageed oo ay soo direen wariyaal ku dhaqan dalka Ingiriiska ayaa maanta la gaarsiiyay caruurtii iyo waalidiintii uu ka tegay Allaha u naxariistee Maxamed Maxamuud “Timacadde’’ oo dhawaan lagu dilay Muqdisho.

Fowsiya oo sheegay in ay soo dhaweyneyso Dowlada Soomaaliya ka mid noqoshada AMISOM ee itoobiya

Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa soo dhoweysay go'aanka Ra'iiusl Wasaaraha Itoobiya uu ku gaaray in ciidamadiisa ay ku biirayaan howl galka AMISOM.

Reer Muqdisho oo soo dhaweeyay 22 sano ka dib in maamulka uu hir giliyo adeega samaafarada.

Waxaa magaalada Muqdisho laga hir giliyay muda dheer ka dib leerarka samaafarada ee lagu kala hago gawaariga qeebahooda kala duwan ee isaga kala goosha Muqdisho qeebaheeda kala duwan

Xassan sheikh Soomaaliya ma ahan meel ay muslimiinta oo dhan isla leeyihii ee waxaa leh oo kali Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay xilligan diyaar u tahay in dhibaatooyinkii lagu yiqiin inay ka gudubto, kadib khudbad uu shalay ka jeediyay Munaasabad lagu soo xirayay Shir looga hadlayay Caafimaadka.

Saraakisha Amaanka oo ka hadlay Qarax ismidaamin ah oo Muqdisho kadhacay

Afhayeenka Booliska ahna Afhayeenka Laamaha Amniga Dawlada Janeral Maxamed Yuusuf Cumar (Madaale) oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho xalay ayaa waxa uu ka warbixiyey qaraxyo ka dhacay Hoteel dad badan ku sugnaayeen.

Diyaarad Helicopter ah oo sida deeq daawo ah oo ka degtay magaalada Jowhar (Sawirro)

Deeqdii u horeysay oo daawo ah oo ka socota dowladda Soomaaliya ayaa shalay la gaarsiiyay magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Gudoomiyihii Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Yusuf Abrar oo ka hadashay sababihii keenay in ay is casisho

Gudoomiyihii Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Yusuf Abrar ayaa markii u horeysay ka hadashay is casilaadeeda maalmo kadib markii warbaahinta gudaha iyo kuwa dibada ay si aad ah uga hadlayeen wararka ku saabsanaa is casilaadeeda.

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA: “Waxaan ku guuleysannay inaan 64 unug oo Al-shabaab ka tirsan ku burburinno muddo kooban”

Khamiis, Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in muddo 90-casho gudahood ah ay ku burburiyeen 64-unug oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo ka howlgalayay Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha DFS “Fatahaadaha Webi Shabeelle waa Musiibo Qaran, oo ay tahay in lala tacaalo”

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka ku wax yeeloobay fatahaada webi Shabeele ee sida ba’an u saameeyay shacbiga magaalada Jawhar iyo nawaaxigeda.  

Daawo sawiradda:Shirkii dib u Heshiisiinta Gobollada Jubbooyinka oo manta ka furmay Magaalada Muqdisho ee Xarunta Somalia

Shirkii dib u heshiisiinta gobollada Jubbooyinka ayaa maanta oo Axad ah ka furmay magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, iyadoo inta badan ergooyinkii ka qaybgeli lahaa uu ku sugan yihiin Muqdisho.

Dowladda Japan oo Maanta Jaakadaha La Isaga Difaaco Xabadda Guddoonsiiyay Booliska Soomaaliya

Qalabkan ay maanta dowlada Japan guddoonsiiyey ciidanka booliska soomaaliyeed ayaa ahaa mid loogu tala galay in la isaga difaaco wax yeelada xabadaha xiliyada uu ciidanku booliska sameynayo howlgalada amniga lagu sugayo.

Jan Eliasson oo Golaha Ammaanka ugu baaqay in tirada ciidanka AMISOM la kordhiyo, lana taageero Ciidamada Soomaaliya

Ku xigeenka xoghayaha guud ee QM, Jan Eliasson oo xalay ka hadlay kulan ay lahaayeen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay loogana hadlayay kordhinta ciidamada AMISOM iyo taageerada ciidamada Soomaaliya ayaa ku baaqay in tirada AMISOM si dhaqso ah loo kordhiyo.

QM oo dadaal ugu jira sidii lagu kordhin lahaa ciidamada AMISOM loona dhisi lahaa kuwa Somalia

Ban Ki-Moon Xogyahaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa dadaal xooggan ugu jiray in la kordhiyo ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, kaddib markii Al-shabaab ay sheegatay weerarkii bishii hore lagu qaaday suuqa ganacsiga Westgate Mall ee Nairobi, taasoo ay ku dhinteen 67-qof.

Ciidanka amaanka ee Magaalada Muqdisho oo manta xiray Idaacadii shabeele iyo shaqaalaheedii

Idaacadii shabeela ayaa gabi ahaaba waxa ay ka maqan tahay hawada ka dib marki ay manta gudaha u galeen ciidama ay ku soo amartay wasaarada Arimaha gudaha Soomaaliya in ay xiraan.

Dhageyso hanbalyada ku aadan munaasabada Ciida oo ay dirayaan wasiirada maaliyada iyo warfaafinta ee xukuumada Soomaaliya

Halkaan Ka dhageyso

Mareykanka oo muwaadiniintiisa uga digay inay u safraan Kenya

Warbixin kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa muwaadiniinta u dhalatay dalkaasi looga digay in ay u safaraan dalka Kenya oo dhaca Bariga Afrika.

Dhalinyaro Soomaali Ah Oo Lagu Xiray Dalka Namibiyo"Aqri Magacyada Dhalinyarada"

Soomaalida lagu dhibaateeyo dalalka Afrika oo sii badanaya iyo tiro dhalinyaro ah oo buux dhaafiyay xabsiyada wadamada marinka u ah Konfur Afrika.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS