Tag: muqdisho
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho Agaasime goboleedka Hey’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM) xafiis goboleedkeeda Bariga iyo Geeska Afrika, Mudane Mohammed Abdiker, oo uu kala hadlay dhowr arrimood oo ahmiyad wadaag leh, oo ay ku jirto u fidinta taageerrada laga-maarmaanka ah ee muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan dhowr dal oo Afrika, Aasiya iyo Yurub , iyaga oo ku jira xerooyin ay kala kulmayaan xaalad daran oo nololeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay arrin saacadihii la soo dhaafay aad loo hadal hayay, kaasoo ahaa nin lagu magacaabo Ciise Tarbuun oo Booliska Kenya ay sheegeen inuu gudaha u soo galay dalkooda, iyadoo ninkan oo horay dowladda Federaalka u qabteen labo sano ka hor lagu tilmaamay inuu ahaa Madaxii Amniyaatka Al-Shabaab u qaabilsan Muqdisho.
Muqdisho, Khamiis, September 19, 2019—Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS). ayaa maanta guddoomiyay shir ay kasoo qayb galeen safiirrada wadamada amniga ka taageeraa Soomaaliya iyo wakiillada beesha caalamka, loogana hadlay amniga iyo xoreynta deegaannada argagaxisadu uga sugantahay dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in Garoonka Ciyaaraha ee Banaadir loogu magac daray Guddoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho, Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow), taas oo maamuus iyo xasuusin u ah doorkii waddaninimada ahaa ee uu ka soo qaatay dib u dhiska dowladnimada iyo horumarinta Caasimadda.
Xabsiga cusub ee laga dhisay magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxaa maanta la geeyay maxaabiis hore ugu xirneyd xabsiga dhexe ee Muqdisho. Xabsigani oo si casri ah loo dhisay, waxaana xabsigan nolol ahaan iyo dhinac waliba ka wanaagsan yahay xabsigii hore ee Xamar oo hadda lagu xiro maxaabiista dambiyada kala duwan gasha.
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku wargelisay Hey’addaha UN-ka, kuwa Deeq bixiyeyaasha iyo Iskaashiga Caalamiga in aanay ka qeyb geli doonin dhammaan shirarka, Siminaarada iyo Tababarada ee ka dhacaya Nairobi, waxaa ay ugu baaqday in shirarkaas iyo Siminaarada lagu qabto dalka gudihiisa ama loo bedelo dal kale, si Wakiiladda Wasaaradda ugu fududaato dhanka safarka.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Taliyihii, Abaanduulihii iyo askar ka tirsan Qaybta 12-ka Abriil ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo ay miino dhulka lagu aasay kula qaraxday meel u dhow deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay-ba xafiiska hanti-dhowrka guud ee dowladda Soomaaliya uu ku howlanaa daba-gal lagu sameynayo hay’addaha iyo mas’uuliyiinta dowladda oo qaarkood hadda xabsiga loo dhigay arrimo musuq-maasuq la xiriira ayaa sheegay in isla xisaabtanku gaari doono xafiis-yada madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha dalka.
Qaar ka mid ah dhallinyarada Magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Axad ah iskugu soo baxay waddooyinka, iyaga oo dowladda ka dalbanayay in ay ilaaliso nabadgelyadooda, xilli ay kordheen dilalka Magaalada oo lala beegsanayo dhallinyarada.
Isku soo baxaan ayaa ka dhacay Isgoyska KM5 ee Zope, waxaa uuna imaanayaa xilli maalintii Khamiista ...
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad u jeediyey kumannaan mutadawiciin ah oo hormuud u ah xoogagga waddaniyiinta ee laga hirgeliyey Gobolka Banaadir ayaa bogaadiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu heellan yihiin in ay ka qeyb qaataan difaaca iyo dib u dhiska dalka .
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kahyre oo ay wehliyeen Wasiirka Amniga, guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir, saraakiisha Booliska iyo Asluubta ayaa xalay kormeeray qaar ka mid ah saldhigyada degmooyinka Gobolka Banaadir iyo koontarooladda maagaaladda, iyagoo u kuur galayay xaaladda guud ee amniga caasimadda.
Shirkii Caadiga ahaa ee Gollaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta looga hadlay Hubinta Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda, Xaaladda kala guur ee ciidamada AMISOM. Sidoo kalena waxaa lagu ansixiyay Tubta Arrimaha Bulashada iyo xeer Mamnuucya jarista dhirta iyo dhoofinta Dhuxusha, iyada oo warbxino kala duwan laga dhagaystay qaar ka mid ah Wasiiradda.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhaw wareegto uu soo saaray u magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo horay u ahaa Wasiirka Warfaafinta, iyadoo dhamaan xilalka laga qaaday xubnihii hayay xilka Guddoomiye ku-xigeenada iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka.
Maanta oo kale 21-Janaayo ayaa ku beegan markii u horeysay oo uu soo baxo Wargeys lagu qoro Afsoomaaliga, iyadoo sidoo kale maanta ay tahay maalintii xuska Af Soomaaliga, waxaana la filayaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo munaasabado lagu weyneynayo maalinta la bilaabay qorista af Soomaaliga iyo soo bixidii wargeyskii u horeeyay ee Afsoomaali ah.
Waxaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho banaanbax ay soo abaabuleen shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho kaasi oo lagu taageeryay Hawlgalka Badweynta Hindiya ee ka dhanka ah Ururka al-Shabaab ee ay Ciidamada Dawladda Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika ay ka wadaan Gobollo badan oo dalka ah.
Taliyaha ciidammada Mareykanka ee dalalka Geeska Afrika Jeneral Well Crisp oo shalay Muqdisho soo gaaray ayaa booqday xarunta Villa Baydhaba iyo Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo uu soo indho indheeyay dhammaan qeybaha ciidammada iyo sida ay u shaqeeyaan, halkaasi oo uu war-bixinno ka dhageystay saraakiisha madaxda ka ah xarumahaasi uu maanta booqday.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta la shiray xubnaha kooxda G7+ oo ah deeq bixiyeyaasha ugu muhiimsan ee bixiya dhaqaalaha ku baxa barnaamijka New Deal (Hiigsiga cusub), waxaana Ra’iisul Wasaaruhu uu warbixin dheer ka siiyay horumarada howlgalada ka soconaya gobolada dalka oo ee looga xoreynayo kooxaha nabadiidka ee Shabaab goobaha ay weli ku harsan yihiin.
Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Wafdi uu hogaaminayo Danjiraha Switzerland u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Dominik Langenbacher oo ay ka wada hadleen Xoojinta Xiriirka labada dal , taageerida hey’adda dowladda Federaalka iyo caawinta maamulada gobolada kala duwan ee dalka Soomaaliya.
Fiidnimadii hore ee xalay Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed
ayaa fashiliyey weerar argigixisonimo oo ay Maleeshiyada kooxda
argigixisada ah ee Al-Shabaab ku damacsanaayeen iney kusoo qaadaan
hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ayadoo faah faahin dheeraad ah ay
kasoo baxeyso qaabka ay qaraxyadaasi u dhaceen.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta sheegay inay gacanta ku hayaan
deeq dhan $270,822 oo lacagta Mareykanka ah, taas oo ay iska aruuriyeen
shacabka Muqdisho, isla markaana loogu talagalay dadka daadadka iyo
duufaanta Soomaaliya ku waxyeeloobay Olole uu toddobaadkii hore
ku dhowaaqay guddoomiyaha gobolka Banaadir, isla markaana ay ka
qaybgaleen guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka iyo shacabka magaalada
ayaa deeqda lagu aruuriyay, iyadoo la qorshaynayo in la gaarsiiyo dadka
ay duufaanta ku dhibaataysay deegaannada Puntland iyo dadka ku
waxyeelloobay daadka fatahaadda wabiga Shabeelle ee gobolka Shabeelaha
Dhexe.