Tag: midowga

Dowladda Soomaaliya oo maamuli doonta mashaariicda hormarineed ee midowga Yurub

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maamuli doonta mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub uu siiyo Soomaaliya, kaddib markii wafdi ka socda Midowga Yurub la kulmeen Madaxweynaha iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda.

Midowga Afrika oo ergey cusub u soo magacaabay dalka Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Africa Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma, ayaa u soo magacawday Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira oo u dhashay dalka Mozambique inuu noqdo wakiilkeeda gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa howlgalka AMISOM.

Midowga Yurub oo ka shiraya qul qulka dadka muhaajiriinta ee Badda Mediterranean-ka

Hogaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa lagu wadaa in maanta gelinka dambe ay shir deg deg ah isugu yimaadaan magaalada Brussels, iyagoo ka wada hadlaya qul qulka dadka muhaajiriinta ee naftooda ku soo biimeya Badda Mediterranean-ka, si ay Yurub u gaaraan.

Midowga Yurub oo soo dhoweeyay ansixintii Baarlamaanka ee Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid

Ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso iyo Madaxda Ergada Midowga Yurub ayaa soo dhoweeyay ansixintii Baarlamaanka ee Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Midowga Yurub oo War kasoo saaray Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha baaqna u diray labada Masuul

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub ugaga mas’uul ah dalka Soomaaliya Alexander Rondos iyo safiirka Midowga Yurub Micheele Cervone D’Urso arrimaha siyaasada dalka Soomaaliya ayaa waxa ay si wadajir ah u soo saareen warmurtiyeed ay ku cabirayaan aragtidooda ku aadan khilaafka ka dhexeeya mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka.

Midawga Yurub oo Kenya ka taageeray la dagaalanka Al Shabaab

Warbixin kasoo baxday midowga yurub ayaa lagu sheegay in midowgu uu kataageerayo dowlada Kenya sidii ay kaga hortagi lahayd weerarada ugaga yimaada xarakada Al-shabaab .

Midawga Yurub oo $3.8-Milyan ku bixiyay Badbaadinta Carruurta Soomaaliya

Ururka Midowga Yurub, waaxdiisa bani’aadamnimada iyo dhowridda shacabka ee ECHO ayaa ku bixisay lacag deeq ah oo dhan $3.8 milyan si looga hortago heerka dhimashada carruurta Soomaaliyeed ee ay sababaan nafaqo-darrida iyo shubanka.

Midowga Africa “Weerarada Xildhibaanada loo geysto lama aqbali karo”

War kooban oo laga soo saaray xafiiska wakiilka ururka Midawga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya sidoo kalena ah madaxa ugu sareeya ciidamada AMISOM Max’ed Saalix Annadifi ayaa waxaa uu si kulul ugu cambaareeyay qaraxii maanta lagu dilay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya mid kalena lagu dhaawacay.

Howl galka Midowga Yurub ee Tababarka milateri oo laga soo rarayo Uganda, loona soo wareejjinayo Soomaaliya

Barnaamijka Howl galka Tababarka Milateri ee Midowga Yurub ayaa horaanta sanadka cusub loo soo wareejinayaa Soomaaliya, iyadoo laga soo rari doono dalka Uganda oo sanadihii u dambeeyay lagu tababaray Askar Soomaaliyeed.

Midowga Afrika oo go'aan ka gaaray tirada rasmiga ah Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka howlgalaya

Magaalada Adis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya waxaa kulan ku yeeshay Golaha amaanka iyo Nabad Galyada Midowga Afrika waxa ayna go'aamiyeen in la kordhiyo tirada Ciidamada AMISOM ee ka howlgala gudaha Dalka Soomaaliya.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS