Tag: maxkamada

Maxkamadda Ciidamada oo u digtay Mas’uuliyiinta dowladda iyo Ilaaladooda

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa digniin u dirtay Mas’uuliyiinta dowladda iyo Ilaaladooda oo lagu eedeeyay inay qal qal gelin ku hayaan shacabka, xilliyada ay waddooyinka marayaan.

Maxkamada ciidamada Qalabka sida oo saakay dil toogasho ku fulisay Saddex ruux oo labo ay askari ahaayeen

 Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay saddex ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen askari ka tirsanaa ciidamada dowladda, kuwaasoo horay dilal u geystay, iyadoo maxkamada ay dil toogasho ku xukuntay, markii la sheegay in lagu helay dambigaas.

Daawo Sawirada Xukun Dil ah oo lagu riday Lix Nin oo lagu eedeeyay in ay katirsanaayeen Al-Shabaab

Maxkamada ciidanka qalabka sida ee Gobolada Bari, Karkar, Gardafuu, Sanaag iyo Heylaan ee Maamulka Puntiland ayaa xukun dil ah ku riday Lix nin oo lagu eedeeyay in ay katirsanaayeen Xarakada Al-Shabaab.

Deg Deg:- Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo Saaka Xukun Dil ah Fulisay

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Saaka Labo Ruux oo la sheegay in ay yihiin Al-shabaab Xukun Dil ah ku Fulisay,waxaana Labadaan Gacan ku dhiigle ay ahaayen Ragii dilay Wariye Maxamed Maxamuud”Timacade’

Maxkamada ciidamada oo dil ku xukuntay askar ka tirsan ciidanka Soomaaliya

Maxkamadda ciidamada xoogga dalka ayaa maanta xukun dil ah ku ridday saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Somalia, kuwaasoo lagu eedeeyay inay dad shacab ah dhac ugu geysteen waddada isku xirta Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Maxkamadda darajada koowaad oo xukunno dil iyo xabsi ah ku ridday 13 qof

Maxkamada ciidanka qalabka sida ayaa xukuno dil iyo xabsi daa’in ah ku ridday shalay13 qof oo dhallinyaro ah, kuwaasoo horay xukunno ay ugu ridday maxkamadda kuna xirnaa xabsiga dhexe ee Xamar, iyadoo lagu eedeeyay inay xabsiga ku dhex-dileen maxbuus kale.

Daawo Sawirada “ Sadax Nin uu ku jiro Ninkii Fududeeyay Weerarkii Madaxtooyada oo la toogtay

Maxkamada Ciidanka qalabka sida Dowlada Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah waxa ay ku fulisay Sadax nin oo katirsanaa Xarakada Al-Shabaab uu ku jiro ninkii fududeeyay Weerarkii dhawaan lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Maxkamadda Ciidamada oo Saaka Toogatay Xubno ay Horay Dil ugu Xukuntay

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay afar ruux oo ay horay xukunno dil ah ugu ridday, kuwaasoo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Maxkamada Ciidamada oo Toogatay laba ruux oo dilay Gabar Ardayad ahayd

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku fulisay saaka laba wiil oo degmada Yaaqshiid ku dilay bishii Abriil ee sannakan, Nafiso Cismaan Salaad oo 20-jir ahayd kana baxday mid ka mid ah jaamacadaha Muqdisho ku yaalla.

Maxkamadda Ciidamada oo Fulisay Xukun dil ah oo ka duwan kuwa ay horay u fulisay

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay shalay xukun deg-deg ah ku fulisay ruux la sheegay in uu ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu soo qabtay qori hoobiye ah.

Dhageyso:Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Maanta Xukunno ku ridday Wariyeyaal la eedeeyay iyo Milkiilaha Idaacadda Shabeelle

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa ku ridday maanta xukunno xabsi ah oo kala duwan wariye Maxamed Bashiir Xaashi oo ka tirsan idaacadda Shabelle, Faadumo C/qaadir oo ah suxufiyad sheegtay in la kufsaday iyo milkiilaha idaacadda Shabeelle C/maalik Yuusuf.
HALKAAN KA DHAGEYSO
Valid XHTML 1.0 Valid CSS