Tag: mareykanka

Mareykanka oo ku hanjabay in uu isaga baxayo ururka ganacsiga adduunka

Madaxweyne Trump ayaa heshiiskii sanadkii 1994 lagu aasaasay ururka ganacsiga adduunka ee WTO ku tilmaamay heshiis ganacsi kii ugu xumaa taariikhda, waxa uuna ku hanjabay in dalkiisa uu isaga bixi doono ururkaasi.

Taliyihii u horeeyay ee Ciidanka Booliska Soomaaliya oo xalay ku geeriyooday Mareykanka

Allaha u naxariistee Taliyihii u horeeyay ee Ciidamada Booliska Soomaaliya Jen. Maxamed Abshir Muuse ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Tiro ka mid ah Ciidamada Gaarka ee Mareykanka oo Soomaaliya loo diray

Mareykanka ayaa ciidamo kooban u diray Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, si ay tababar u siiyaan Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Mareykanka oo ka digay weeraro Al-shabaab la damacsan yihiin dalka Kenya

Dowladda Mareykanka ayaa Kenya kaga digtay suura galnimada weeraro Al-shabaab qorsheynayaan inay ka geystaan gudaha dalka Kenya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Mareykanka. 

Taageerayaasha Hillary Clinton oo la yaaban natiijada cododka iyo sida ay wax walba isu bedeleen (Sawirro)

Taageerayaasha Hillary Clinton ayaa soo wajahay moraal dilaac aad u weyn, kaddib markii natiijooyin aan la fileyn ay ka soo korodhay cododka Gobolada Mareykanka ee shalay ka dhacday doorashada Madaxweynaha. 

Daawo Sawiradda:Habka ay u socoto Doorasha Dalka Mareykanka.

Dadweynaha Mareykanka ayaa maanta u dareeray goobaha cod-bixinta, si ay u doortaan Madaxweynaha cusub ee dalka hoggaaminaya afarta sano ee soo socota.

Mareykanka oo ugu deeqay lacago lagula dagaalamayo argagixisada 6 urur oo Soomaali ah oo ka dhisan Minnesota

Lix urur oo ka shaqeeya arrimaha bulshada gaar ahaan dhalinyarada Soomaalida ee ku nool gobolka Mennesota ee dalka Mareykanka ayaa helay lacago gaaraya ku dhawaad nus millyan doolarka Mareykanka ah.

Xawaaladaha Soomaalida ee Mareykanka oo dib loo furayo

Xawaaladaha Soomaalida ee dalka Mareykanka ayaa maalinta berri oo Taariikhdu tahay 1-da bisha Maarso dib loo furi doonaa, kadib markii horaantii bishan ay xirmeen.  

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay deegaan u dhow degmada Saakow

Mareykanka ayaa sheegay in weerar cirka ah oo loo adeegsaday diyaarado uu ka fuliyay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaan ku dhow degmada Saakow ee Gobolka Jubada Dhexe.

Mareykanka oo walaac ka muujiyay xiisada siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay xiisada siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya, kadib qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada Mareykanka oo looga hadlay xaalada siyaasadeed iyo khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Mareykanka oo bilaabay duqeyntii u horeysay oo ka dhan ah kooxda

Mareykanka iyo dalal ka tirsan Carabta oo isbaheysi ku ah dagaalka ka dhanka ah kooxda ISIS ayaa qaaday weerarkii u horeeyay oo dhinac cirka ah goobo kooxdaas kaga sugan yihiin dalka Suuriya.

Saraakiil Mareykan ah oo sheegay in duqeyntii xalay lagu dilay Amiirka Al-shabaab

Sarkaalkiil Mareykanka ah ayaa sheegay in lagu dilay duqeyntii xalay uu Mareykanku ka geystay deegaan ku dhow degmada Sabalaale ee gobolka Shabeellada Hoose hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane iyo saraakiil kale oo la socday.

Maraykanka oo sheegtay duqeyn xalay ka dhacday gobolka Shabeellada Hoose

Maraykanka ayaa sheegtay inuu ka dambeeyey duqeyn xalay ka dhacday meel u dhexeysa deegaannada Hawaay iyo Sablaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Mareykanka oo markale sheegay in Dhalinyaro Soamlia ah oo Dalkiisa ka tagay ay ku Biireen Dagaalka Siiriya

Hay’adda FBI,da Maraykanka ayaa  mar kale sheegtay in in ka badan 10 dhalinyaro Soomaali ah oo Maraykanka ku noolaa inay u safreen wadanka Syria iyaguu ku biiray kooxaha u dagaalama Al-Qacidada dagaalka kula jirta dawlada Syria ee uu hogaamiyo M/weyne Bishar Al-Asad.

Mareykanka oo ka qeyb-qaadanaya tayaynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay labo jibbaari doonto kaalinteeda ku aaddan tayaynta iyo dhisidda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Mareykanka oo bisha soo socota la kulmaya Madaxweynaha Jabuuti

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa bisha soo socota ee May wada hadalo kula qaadan doona Aqalka Cad Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlaya xiriirka labada dal, la dagaalanka argagixisada iyo ganacsiga.

Askari Mareykan ah oo Saldhig ku yaal Gobolka Texas ku dilay tiro askar ah

Toogasho ayaa ka dhacday Saldhiga Fort Hood ee Gobolka Texas, halkaasoo saldhig ciidan ku leeyihiin Ciidamo Mareykan ah, iyadoo isla xeradan sanadkii 2009-kii ay ka dhacday toogasho ceynkan oo kale ah.

Mareykanka oo Kenya ka Caawinaya Sugidda Amniga Soohdinta Soomaaliya

Xukuumadda Washington ayaa Kenya ka caawinaysa sugidda amniga soohdinta ay la leedahay Somalia, kaddib codsi ka yimid madaxwaynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo safiirka Maraykanka ee Kenya Robert Godec.

Mareykanka oo Taageeray Howlgallada ka socda Koonfurta Somalia

Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay howl-gallada wadajira ah ee ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay sida wadajirka ah uga wadaan gobollada Koonfurta Soomaaliya.

Mareykanka oo Qiray inay Ciidammo ka joogaan gudaha Soomaaliya

Saraakiil Mareykan ah oo u wareysiyo siiyay wargeyska Washitgong Post ayaa sheegay in ciidammo Mareykan ah ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya, waana markii ugu horreysay oo Mareykanku uu sheego inay ciidammo kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Maxkamadda Federaalka Mareykanka oo Xabsi daa’in ku Xukuntay Soomaali loo haysto dilka Afar qof oo Mareykan ah

Maxkamadda federaalka Mareykanka ayaa xukun madaxaa-ha-ku-furto ah ku ridday saddex qof oo Soomaali ah, kuwaasoo ka mid ahaa 19-qof oo loo haysto inay ka dambeeyeen dilka afar qof oo Mareykan ah oo lagu dilay badweynta Hindiya.

Dowlada Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay ka qeeb qaadaneyso dhismaha Ciidamka Soomaaliya

Abaanduulaha ciidanka ururka ay ku mideysan yihiin Mareykanka iyo Afrika ee AFRICOM, Jeneral David  Rodrigues iyo kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika, Lind Thomas-Greenfield oo si wadajir ah shirjaraa.id ugu qabtay online maqal iyo muuqaal ah ayaa sheegay in Mareykanka uu waddo qorshayaal uu dowladda Soomaaliya uga caawin doono sidii loo tayeyn lahaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Barack Obama ayaa difaacay go,aankii ay Ciidanka Mareykanka ku weerareen Baraawe

M/weynaha wadanka Maraykanka Barack Obama oo shir jaraa’id oo uu ku difaacayay weeraradii ciidamada Maraykanku dhawaan ka fuliyay dalalka Soomaaliya iyo Libya ayaa waxaa uu sheegay in dawladiisu ay si gaar ah indhaha ugu heynayso ururada iyo shaqsiyaadka Al-Qacida xiriirka la leh ee Africa ku sugan .

Mareykanka ayaa sheegtay in uu lahaa musuuliyada weerarkii shalay ka dhacay Baraawe

Ciidamada Kumandoska Mareykanka ee sida gaarka ah u tababaray Navy Seal ayaa qaaday howl galkii habeen hore ka dhacay degmada Baraawe, ee Sh/Hoose kaasoo bartilmaameedkiisa ahaa guri uu degenaa sarkaal ka tirsan Al-Qaacida oo la shaqeeya Shabaab.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS