Tag: manta

Dhaarinta Xildhibaanada labada Aqal oo lagu wado inuu dib u dhac ku yimaado

Iyadoo maanta ay ku beegan tahay 15-ka bisha December oo ah maalinta loo qorsheeyay in la dhaariyo Xildhibaanada cusub ee labada Aqal ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan in laga yaabo inuu dib u dhac ku yimaado.

Baarlamaanka oo maanta la horkeenayo hanaanka doorashada sanadkan 2016

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in la hor-keeno go’aankii doorashooyinka ee ay ku heshiiyeen Madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada, iyadoo la filayo in Xildhibaanada ay dood dheer ka yeeshaan qodobada qaar.

Deegaanada Ahlusuna maamusho ee Gobollada Dhexe oo maalintii koowaad maanta laga ciidayo

Deegaano ka tirsan Gobollada Dhexe ee Soomaaliya oo ay maamusho Ahlusuna Wal-jameeca ayaa maalintii koowaad ee Ciidul Fidriga laga ciidayaa, iyadoo dadka isugu soo baxeen fagaarayaasha iyo masaajidada, si ay salaada ciida ugu dukadaan.

Kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta furmaya iyo Amniga oo la adkeeyay

Kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u furmi doona, iyadoo qeybo badan oo ka mid ah magaalada amnigeeda si aad ah loo adkeeyay, gaar ahaan wadooyinka oo ciidamo kala duwan la dhigay.

Ilaa shan wariye ay ku jiraan Wariyeyaashii Shabelle oo markii shanaad Maxkamad la soo taagayo

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta mar kale u balansan dhageysiga dacwada loo heysto Wariyeyaal ka tirsan Idaacadaha Shabelle, SKY FM iyo Radio Risaala, kuwaasoo bishii hore la horgeeyay Maxkamadda.

Meydka Xildhibaan Xaabsade oo maanta lagu aasayo magaalada Baydhabo

Meydka Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa maanta lagu wadaa in lagu aaso magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, kadib markii uu shalay subax ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada Muqdisho.

RW Cumar C/rashiid oo Maanta Xilka kala wareegaya Ra’iisul Wasaarihii Hore

Xaflad uu xilka kula wareegayo RW-ha cusub ee Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ka socotaa qabanqaabadeeda magaalada Muqdisho, kaddib ansixintiisii shalay.

Xildhibaanada oo bilaabay ka doodista mooshinka iyo Ra’iisul Wasaaraha oo kulanka ka baaqday

Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya ee looga doodayo mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul Wasaaraha ayaa goor dhow furmay, iyadoo ilaa labo boqol Xildhibaano ka soo qeyb galeen fadhiga.

Wararkii ugu dambeeyay kulanka Baarlamaanka ee maanta lagu hor-keenayo mooshinka iyo cabsi laga qabo…

Kulamo iyo dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo xoog leh ayaa tan iyo xalay ka socday Madaxtooyada iyo Hotelada qaar ee magaalada Muqdisho, kadib markii uu Gudoonka Baarlamaanka ku dhawaaqay in maanta oo Talaado ah uu jiro shirkii Baarlamaanka, ajandahaha uu qeyb ka yahay mooshinka laga keenay Xukuumada.

Deegaanno ka mid ah gobollada Mudug iyo Galguduud oo Maanta laga ciidayo

Deegaanno ka tirsn gobollada Galguduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa maanta laga ciidayaa maalintii koowaad ee ciidda-soon-fur, iyadoo dadka ku nool deegaannadaas ay soomanaayeen maalintii 30-aad ee Ramadaanka, xilli dunida Islaamka oo dhan laga ciidayay.

Wasiiro katirsan Xukuumada Somalia oo maanta kusii jeeda mid kamid ah Degmooyinkii dhawaan Al-Shabaab laga saaray

Waxaa Maanta lagu wadaa in Degmada Xudur ee Dhawaan la wareegeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM in ay gaaraan Wafdi Wasiiro ah oo katirsan Xukuumada Federaalka Soomaaliya .

Daawo Sawirada: Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Agagaarka Garoonka Aadan Cadde

Faah Faahino Dheeraad ayaa kasoo baxaya Qarax Ismiidaamin ah oo maanta duhurkii ka dhacay meel wax yar u jirta iridka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Mgaaalada Muqdisho .

Dhagayso+Sawiro:- Ra”iisul Wasaare C/weli oo Xilka Maanta kala Wareegay Cabdi Faarax shirdoon

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa manta xilka ku wareejiyay Ra’iisul Wasaraha cusub ee dalka C/wali Sheekh, kadib xaflad ka dhacday aqalka Madaxtooyada Soomaaliya.
Halkaan ka dhageyso
Valid XHTML 1.0 Valid CSS