Tag: madaxweynaha

Madaxweyne Farmaajo oo Guddoomiye Cusub u magacaabay Maxakamadda Sare ee Dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee dalka Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan, waxa uuna xilkaas u magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

C/weli Gaas “Muuse Biixi Hargeysa ayuu ka yimid, Tukaraq ayuu rabaa inuu Nabad ku joogo, suurta galna ma ahan

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali gaas oo maanta dib ugu laabtay magaalada Garowe ayaa ka hadlay dagaalka Tukaraq, duulaan uu sheegay in Somaliland ku soo qaaday maamulkiisa. 

Madaxweynaha Turkiga oo booqasho rasmi ah ku tagaya afar dal oo Afrikaan ah

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa booqasho rasmi ah oo qaadan doonta shan cisho ku kala bixin doona afar dal oo Afrikaan ah, sida ay xaqiijisay Madaxtooyada.

Madaxweyne Farmaajo oo markii u horeysay ka hadlay arrintii dhiibidii Qalbi Dhagax

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markii u horeysay ka hadlay arrintii dhiibidii Salkaakii ka tirsanaa ONLF C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, kaasoo bishii August ee sanadkii hore loo gacan geliyay dowladda Itoobiya. 

Madaxweyne Farmaajo oo uga digay Ciidamada inay u fikiraan qaab qabiil (Dhageyso)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa uga digay Ciidamada inay u fikiraan qaab qabiil, isagoo ugu baaqay inay difaacaan qaranimada dalka. 

Xildhibaanada Soomaaliya oo isku dayaya inay mooshin ka geeyaan Madaxweynaha

Sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qorsheynaya inay mooshin xilka looga tuuray ka geeyaan Madaxweyne Farmaajo, iyadoo ay sii kordheyso qalqalka siyaasadeed ee ka jira dalka.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo saaka dib ugu soo laabtay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii magaalada Sharma Sheekh uga qeyb galay shir looga hadlayay Ganacsiga Qaaradda Afrika.

Madaxweyne Farmaajo “Dowladda waxaa ka go’an dhismaha Ciidan Qaran oo tayo leh”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay furitaanka Shirweynaha Amniga Soomaaliya ee ka furmay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay dhismaha ciidan qaran oo tiro iyo tayo ahaanba ku filan in ay amniga kala wareegaan Ciidanka Nabad Ilaalinta Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Warbixin: Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah uu safar ku tago dalka isutagga Imaaraadka Carabta, kaasoo noqon doona safarkii labaad, tan iyo marka xilka Madaxweynaha loo doortay bishii February ee sanadkan. 

Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Wajahan Dalalka Gobolka Qaarkood

Madaxweynaha dowladda fedaraalka soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa lagu wadaa in safar uu ku tago dalalka Gobalka qaarrkood, si uu taageero milatari uga helo.

Madaxweyne Farmaajo “Ciidanka Xoogga dalka waa Geesiyaal Sooma-jeestayaal ah”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kormeer ku tagay Dugsiga tababarka ciidamada ee Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo oo booqday maanta Xarunta Jaamacada Ummadda (Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta furay Shirka Guddiga Sare ee Jaamacadda Umadda oo ka dhacay Xarunta Gaheyr, isaga oo sidoo kale kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee xarunta. 

Madaxweynaha oo ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Xildhibaan Siciid Xasan Geeddi

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geerida xalay ku timid Jenaraal Siciid Xasan Geeddi oo ahaa xubin ka tiran Barlamaanka cusub, maalmahan dambena ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay wiil dhalinyaro ah oo siweyn u qabsaday baraha bulshada

Wiilkan dhalinyarada ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Max’uud Cismaan oo siweyn uga soo muuqday baraha bulshada ayaa la kulmay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Xasan Sheekh “Turkiga Waa saaxiib Istiraatiiji ah”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay wakaalada wararka dalka Turkiga Anadol ayaa ka hadlay taageerada dowlada Turkiga ay siisay shacabka iyo dowlada Soomaaliya. 

MADAXWEYNE XASAN : Hindiya Waxaan kala Hadlaynaa Hindiya dhallinyarada ay ku xukuntay dalkeeda

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda ay Sameyneyso Dadaal kasta oo lagu Xaqiijinayo in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku Xiran dalka India dib dalka loogu soo celiyo.

Madaxda Madasha oo soo fara geliyay loolan u dhaxeeya Faarax C/qaadir iyo Fahad Yaasiin (Akhriso)

 Loolan u dhaxeeya Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir iyo Fahad Yaasiin Xaaji ayaa maalmihii la soo dhaafay laga dareemay magaalada Muqdisho, iyadoo arrintan ay ka dhalatay markii labada nin oo isku beel ah ay isku qabsadeen kursiga Xildhibaanimo ee Beesha.

Madaxweynaha “Midowga Afrika kaalin weyn ayuu ka qaatay taageerada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Midowga Africa ay kaalintii looga baahnaa ka qaadatay taageerada Soomaaliya, waayihii adkaa ee waddanka uu soo maray.

DEG DEG: Madaxweynaha oo Xeer Madaxweyne ku ansixiyay heshiiskii hanaanka doorashooyinka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu xeer Madaxweyne ku meel mariyay heshiiskii Hanaanka doorashooyinka ee hor-yaalay Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ku baaqay in gargaar deg-deg lala gaaro dadka ay abaaruhu saameeyeen

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, hay’adaha gargaarka iyo beesha caalamka inay kaalmo deg-deg ah la soo gaaraan dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Madaxweynaha oo ka qeyb galaya shir looga hadlayo Amniga oo ka dhacaya dalka Jarmalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka degey magaalada Munich ee dalka Jamhuuriyadda Federaalka ee Jarmalka, isagoo ka qeybgalaya Shirka 52-aad amniga ee Munich (Munich Security Conference).Shirkan caalamiga ah ayaa waxaa ka soo qeybgalaya ilaa 30 hoggaamiye oo waddamada dunida ka socda, iyo ilaa 70 wasiirro dibadeed iyo difaaca.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay weerarkii Ceel-Cadde

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay weerarkii shalay Al-Shabaab la beegsatay saldhig Ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo, isagoo cadeeyay in weerarada Al-Shabaab aanay hakin doonin howl galada milateri ee dalka ka socda.

Madaxweynaha oo ka qeyb galaya shir madaxeedka 4aad ee Carabta iyo Latin America

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degay magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya, halkaasoo uu kaga qeybgeli doono Shir Madaxeedka 4-aad ee Carabta iyo Latin America.

Madaxweynaha “Qabsashada Al-Shabaab ee deegaanada yar yar wax macno ah ma lahan”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dib u qabsashada Al-Shabaab ay dib u qabsatay deegaanno ku yaaalla koonfurta Soomaaliya aanay wax macno ah ku fadhin. 

Madaxweynaha xalay oo afur u sameeyay danjirayaasha dalalka Islaamka ee Muqdisho ku sugan (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay aqalka Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho afur ugu sameeyay danjirayaasha dalalka Islaamka ee ku sugan dalka.

Madaxweynaha Yemen Hadi oo shuruud adag ku xirey ka qeybgalka shirka Geneva

Madaxweynaha dalka Yemen Mansour Hadi ayaa ku xirey shuruud ka qeybgalka shirka ay Qaramada Midoobay ku baaqeen in uu ka dhaco magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Madaxweynaha oo Ra’iisul Wasaaraha Britain ugu hambalyeeyay guusha doorashada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan guusha Xisbiga Conservative uu ka soo hoyay doorashada Britain u diray Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Mr David Cameron.

Madaxweynaha “Ma jiri doonto wax waqti kordhin ah, 2016 doorasho ayaa dhaceysa”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gelinkii dambe ee shalay wariyeyaasha kula hadlayay Xafiiskiisa ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay siyaasada iyo qorshaha hiigsiga sanadka 2016 oo la rajeynayo in Soomaaliya doorasho ka dhacdo.

Madaxweynaha oo soo dhoweeyay dhismaha Baarlamaanka Maamulka KMG ah ee Jubba

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay dhismaha baarlamanka maamulka ku meel gaarka ee Jubba oo dhowaan looga dhawaaqey magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha oo ka qeyb galaya xus loo sameynayo guulihii Turkiga ee dagaalkii 1aad ee Adduunka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Istanbul kaga qeybgalaya shir madaxeed lagu dhiira gelinayo nabadgelyada adduunka iyo xuska guushii ciidammadii Turkiga, xilligii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ay ka gaareen Dagaalkii 1aad ee Dunida.

Madaxweyne Xasan “Ururka Daacish waa dambiilayaal ka soo horjeeda ilbaxnimada”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay falkii Ururka Daacish ee dalka Libiya ku dileen in ka badan 20 qof oo Masiixiyiin ah oo u dhashey Ethiopia bishan April 19-keeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn u Bogaadiyay Geesinimada ay muujiyeen Ciidamada Amniga Soomaaliya

War Saxaafadeed: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa cambaareeyay weerarka ay kooxda Al-Shabaab shalay ku qaadday dhisme ay leedahay Wasaaradda Waxbarashadu.

XASAN SHEEKH: Shacabka gobolada dhexe waa inay xoojiyaan dib u Heshiisiinta iyo Nabadda

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminyo ayaa dib ugu soo laabtey Muqdisho, kaddib marki ay booqasho laba maalmood ah ku tageen xarunta gobolka Galguduud ee Dhuuso-mareeb.

Madaxweyne Xasan oo Midowga Afrika u sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta Hiigsiga 2016

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabbiley Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Maman Sidikou.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay go’aanka ay ku taageereen duqeymaha Yemen

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay mowqifka dowladdiisa ee ay ku taageereen duqeymaha ka dhanka ah Jabhadda Xuutiyiinta ee isku dayaya inay qabsadaan dalka Yemen oo dhan.

Madaxweynaha oo ku baaqay in loo diyaar garoobo dhismaha Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in loo diyaar garoobo sidii looga qeyb qaadan lahaa maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo hadal heyntiisu aheyd mid aad u sii xoogeysaneysay tan iyo sanadkii hore.

XASAN SHIIKH: Itoobiya iyo Soomaaliya waxaa u billowday xiriir taariikhi ah

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta kumanaan shacabka Itoobiya ah khudbad ugu jeediyay garoonka ciyaaraha ee magaalada Mekelle, halkaasoo ay ka dhacday munaasabad lagu xusayay 40-guuradii kasoo wareegtay markii la aasaasay ururka Tigray People’s Liberation Front (TPLF) oo qayb ka ah is-bahaysiga EPRDF ee haya talada dalka Itoobiya.  

Madaxweynaha Somalia oo baaris caafimaad kaddib kusoo laabtay Muqdisho

Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud oo dalka dibaddiisa ugu ambabaxay toddobaadkii lasoo dhaafay arrimo caafimaad ayaa dib ugu soo laabtay saaka Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta lagu wado in baaris caafimaad u aado dalka Jarmalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa lagu wadaa in maanta oo arbaco ah u kicitimo dalka Jarmalka ,halkaasoo Madaxweynuhu arrimo caafimaad u tagi doono.

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta lagu wado inuu tago magaalada Dhuusa Mareeb

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu booqasho ku tago magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, halkaasoo ay ka socoto qaban qaabo lagu soo dhoweynayo.  

Madaxweynaha “Wada tashiyada looga arinsanayo mustaqbalka dalka cid kasta ayaa ka qeyb geli doonto”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in la ballaarinayo wada tashiyada mustaqbalka dalka looga arinsanayo, isagoo xusay in aragtida dowladda dhexe ay tahay in dhamaan Soomaalida oo dhan ka wada qeyb qaataan wada tashiyada socda,

Madaxweynaha Soomaaliya oo u ambabaxay Sacuudiga, si uu uga qeyb galo aaska Boqor Cabdalla

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ka qaaday diyaarad gaar ah, iyadoo Madaxweynuhu ka qeyb geli doono Aaska Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Cabdalla bin C/casiis oo xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada Riyadh.

Madaxweynaha “Laga bilaabo maanta Xafiisyada dowladda maku wada xiriiri karaan luqado kale oo Ajnabi ah”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qeyb galay Munaasabada maalinta afka Soomaaliga la qoray, gaar ahaan maalintii u horeysay ee uu soo baxo Wargeys ku baxa Afka Soomaaliga ayaa sheegay in aanay Xafiisyada dowladda ku wada xiriiri karin luqad aan laheyn Afsoomaaliga. 

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Xalka mashaakilaadka dalka Soomaaliya waxa uu ku xiran yahay shacabka Soomaaliyeed.”

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya ayaa loogaga hadlay shirka maalinlaha ahaa ee ay wasiirada arrimaha dibada wadamada IGAD ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha “Madaxweynayaasha IGAD inta uusan sanadkan dhamaan ayay Muqdisho ku shiri doonaan”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa ugu horeyn shacabka Soomaaliyeed ugu mahaceliyay dulqaadka ay muujiyeen qabsoomidda shirka 53aad ee Wasiirada Arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD, waxaana uu si gaar ah ciidamada amniga ee dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ku bogaadiyay sida ay u xaqiijiyeen sugidda amniga caasimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku soo laabtay magaalada Muqdisho, ka dib markii uu booqasho rasmi ah ku tagay dalka Masar.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay suurta galnimada inay soo noqdaan qaar ka mid ah wasiiradii hore

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa si wada jir ah u sheegay in laga yaabo in qaar ka mid ah Wasiiradii Xukuumadii la riday inay dib u soo laabtaan.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Baarlamaanka uga mahadceliyey Ansixintii Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mudanyaaasha iyo Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya uga mahadceliyay ansixinta Ra’iisal Wasaare, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.

Madaxweynaha oo maanta tababar u soo xiray dufcadii labaad Ciidamo Kumaandoos ah (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar u soo xiray dufcadii labaad Ciidamo Kumaandos ah oo tababar u socday muddo 10-bilood ah, iyadoo Madaxweynaha uu shahaado gudoonsiiyay askartii dhameysatay Tababarka.

Madaxweynaha Somalia oo rajo ka muujiyay Midnimada Somalia oo soo laabata

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo wadahadallo kula yeeshay dalka Jabuuti madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabto in 2015-ka horumar wanaagsan laga gaaro wadahadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland.

M/weyne Xasan Sheikh oo ka qeyb galay Xalay Kulan Amaanka looga hadlayay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlayay amniga dalka oo xalay lagu qabtay Muqdisho.

Madaxweynaha oo la filayo in saacadaha soo socda uu Ra’iisul Wasaare u magacaabo Cumar Cabdirashiid

Waxaa soo xoogeysanaya hadal heynta ku aadan in Madaxweynuhu uu saacadaha soo socda qorsheynayo inuu magacaabo Ra’iisul Wasaare, waxaana ay u badan tahay in loo magacaabi doono Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo horay Ra’iisul Wasaare u soo noqday sanadkii 2009-kii.

Madaxweynaha oo xalay la kulmay Xildhibaanadii ka soo horjeeday mooshinkii lagu riday C/wali

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay xarunta Madaxtooyada kula kulmay Xildhibaanadii ka soo horjeeday mooshinkii lagu riday Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed, kaasoo Sabtidii la soo dhaafay uu Baarlamaanka kalsoonida kala laabtay.

Madaxweynaha oo bilaabay wada tashiyada uu ku doonayo inuu Ra’iisul Wasaare cusub ku soo magacaabo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay wada tashiyo cusub uu ku doonayo inuu Ra’iisul Wasaare ku soo magacaabo maalmaha soo socda, iyadoo la dhowrayo in Madaxweynuhu ku dhawaaqo Ra’iisul Wasaarihii bedeli lahaa C/wali Sheekh Axmed dhamaadka todobaadkan.

Madaxweynaha oo soo dhoweeyay go’aankii Baarlamaanka ee kalsoonida kala noqoshada Ra’iisul Wasaaraha

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay go’aankii Baarlamaanka ee uu codka kalsoonida kala laabtay Xukuumada Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh, isagoo ka dhawaajiyay inuu dhamaaday kala aragti duwanaanshihii jiray.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay Baydhabo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey weerar is-qarxin ah oo shalay gelinkii dambea lagu qaaday makhaayad ku taalla Baydhabo, halkaasoo ay ku dhinteen ilaa tobaneeyo ruux iyo dhaawaca sodon kale.

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ka qeyb galaya caleema-saarka Shariif Xasan

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafuud kale ayaa maanta ka qeyb geli doonta caleema saarka Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo ammaanka magaalada Baydhabo si aad ah loo adkeeyay.

Madaxweynaha oo ka hadlay baahida loo qabo isku dhafka ciidamada gobolada iyo kuwa qaranka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in isku dhafka ciidanka gobollada iyo kuwa Qaranka ay qeyb ka qaadaneyso dhisidda awoodda ciidanka iyo horumarinta federaalka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kula kulmay Kuxigeenka Gudoomiyaha Midowga Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kuxigeenka Gudoomiyaha Midowga Afrika ee dhinaca, Haweenka, Amniga iyo Xasilinta Haweeneyda lagu magacaabo Mrs Bineta Diop oo maanta soo gaartay mgalaada Muqdisho.

Madaxweynaha oo xalay kulamo gaar gaar ah la yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulamo gaar gaar ah la qaatay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, iyadoo kulamadan looga hadlay khilaafka iyo is mariga waaga siyaasadeed ee ka dhex taagan madaxda dowladda, kaasoo saameeyay hey’adaha ugu sareeya dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dalka ku soo laabtay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay,  iyadoo si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan “Xukuumada shaqadeeda waa socon weyday, Baarlamaanka waajibka saaran waa in….”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Xukuumada Soomaaliya shaqadii loo dhiibay ay socon weyday, isagoo ugu baaqay Baarlamaanka inuu keeno Xukuumad shaqeyneyso.

Madaxweynaha Somalia oo soo dhaweeyay Dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed

Madaxwaynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalaya shirka Copenhagen ee loo qabanayo Somalia ayaa soo dhaweeyay doora-shada madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya oo loo doortay xildhibaan Shariif Xasan Sh. Aadan iyo dhismaha maamulkaas.

Madaxweyne Xasan oo u dhoofay Denmark xilli uu cirka isku shareeray khilaafka kala dhaxeeya Ra’iisal Wasaare C/Weli

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde International Airport waxaa goor dhow ka dhoofay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku sii jeeda wadanka magaalada Cobenhegan ee dalka Denmark, safarkaan oo ka duwan safaradii uu Madaxweynaha ku tegi jiray dalalka caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Gilinkii danbe dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib shir madaxeedka Urur Gobolaadka IGAD oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.

War Deg Deg Ah Madaxweyne Xasan Sheekh Goordhaw ka dhoofay Muqdisho iyo R/Wasaaraha oo sii sagootiyay

Warar kusoo dhacay Warqabadka Shabakada Allbanaadir.com ayaa sheegaya in goordhaw Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ka dhoofeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud iyo Xubno la socda.

Ma Muuqataa In Madaxweyne Xasan Sheikh Uusan Aheyn Nin Ka Soo Bixi Kara Hoggaaminta Dalka Iyo Xaaladaha Cakiran Ee Somaaliya Ka Jira ?:

Ummadda Soomaaliyeed maantay waxaay taagan yihiin quus,niyad jab,jahawareer baahsan,iyagoo ku soo jirey muddo dheer haddana rajadii yareyd ay heysteen waxaa mugdi geliyey Madaxweyne Xasan Sheikh ahaana kii laga sugayey inuu xaliyo,nadaam dowladnimo iyo kala dambeyn u horseedo soomaalida kala fogaatey,fowdo ku noolka noqday,isla markaana maalaayiin soomaali ah ku maqan yihiin,maaliiyiin kale ay heysato halaagga aan Damqashada laheyn.

MADAXWEYNE XASAN: Waa in la Xaq-dhowro Madaxbannaanida Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh.Maxamuud ayaa qoraal uu kaga jawaabay hadalkii danjiraha QM ee Somalia Nicholas Kay wuxuu ku sheegay in xaq-dhowrka madax-bannaanida Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah.

Madaxda Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Wafdi uu Hoggaaminayo Ban Ki-Moon (SAWIRRO)

Madaxda Somalia, sida madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare C/weli Sh. Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan (Jawaari) ayaa maanta si wadajir ah kulan ula yeeshay xoghayaha guud ee QM, Ban Ki-Moon iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo booqasho saacado qaadatay ku yimid Muqdisho.

Madaxweynaha DFS oo ka horyimid Go’aankii Ra’iisul Wasaaraha ee Isku shaandheynta

Sida aad ka warqabtaan waxaan mar walba ku guubaabiyaa umadda soomaaliyeed iyo madaxda dawladaba, in ay u hoggaansamaan Dastuurka Ku Meel Gaar ka ah iyo shuruucda dawliga ahba.

M/weyne Xasan oo fariin u diray Ciidamada ku sugan Galgaduud

M/weynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud  xili uu la hadlayay  Dadka ku nool Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM Ee ku sugan Gobolka Galgaduud looga baahan yahay in ay qaadaan Tilaabooyin Deg Deg ah oo Al-shabaab looga saarayo Qeybaha ay ka joogaan Galgaduud.

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmaya Madaxweynaha Faransiiska

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa inuu magaalada Paris kula kulmo Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, kadib markii uu martiqaad uu ka helay.

Madaxda Dalka oo Hambalyo u diray Ummadda Soomaaliyeed

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo ka mid ah Sanadkaan Malaayiinta Muslimiintaa ee soo gudanaya Waajibaadka Xajka ayaa Hambalyo u diray Ummadda Soomaaliyeed,taas oo ku aadan Munaasabada Ciida.

MADAXWEYNE XASAN SHIIKH: Haddaanu Ammaan jirin Horumarna ma jiri karo

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Max’uud oo xalay ka qeybgalay xaflad ka dhacday degmada heliwaa goboolka Banaadir taasoo loogu magacday “Kulanka Madaxweeynaha iyo maamulka gobolka Banaadir”.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo maanta ka dhoofay Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Aaan Cadde ee Magaalada Muqdisho , waxa uuna Madaxweynaha u dhoofay Dalka Mareykanka.

M/weynaha Soomaaliya oo Beesha Caalamka baaq u diray

Xasan  Sheikh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Beesha Caalamka ka dalbaday in Dowladda Federaalka Soomaaliya Caalamka uu siiyo Taageero Fiican si Dowladdiisa ay ugaarto Hormar Buuxa oo ay kamid yihiin Amaanka iyo Dhaqaalaha Dalka oo dib u soo laabta.

Madaxweynaha oo kormeeray Terminal weyn oo laga hirgelinayo garoonka diyaaradaha Muqdisho (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tagey dhismaha ka socda garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan oo laga hirgelinayo Terminal weyn oo ka kooban qeybo kasta oo garoon uu leeyahay, islamarkaana loo dhisayo si casri ah oo uusan garoonka Muqdisho horay u laheyn.

Madaxweynaha Somalia oo shaaciyay inuu yahay Murashax ka qaybgalaya doorashada Madaxnimo ee Sannadka 2016-ka

Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya marka la gaaro 2016-ka.

M/weyne Xasan Sheikh”AMISOM Jawaab Deg Deg ah haka bixiso Kufsiga Haweenka Soomaaliyeed”

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo Xalay Su’aalo la Xariira Waxqabadkiisii Mudada uu Xilka hayay laga weydiinayay ayaa sheegay in AMISOM laga dalbaday in ay Jawaab Deg Deg ah ka bixiyaan hadal sheegayay in Dumar Soomaaliyeed ay Kufsadeen.

Madaxweynaha Somalia oo muda ka dib aqbalay xilka ka qaadistii lagu sameeyey Agaasimihii heyadda Nabad Sugida Qaranka

Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa aqbalay xilka ka qaadistii golaha wasiiradu ku sameeyeen agaasimihii heyadda nabad sugida iyo sirdoonka C/llaahi Sambaloolshe sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo aynu ka helnay madaxtooyada.

Madaxda Dalka oo Shacabka ugu laab qaboojiyay Geerida Axmed Godane

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare C/wali Sheikh Axmed oo Warbaahinta la hadlay ayaa Shacabka Soomaaliyeed u sheegay in uu Geeriyooday Hogaamiyihii Al-shabaab Axmed Cabdi Godane oo 1-dii Bishaan lagu dilay Weerar Diyaaradaha Mareykanka ay ka geeysteen Gobolka Shabellaha Hoose.

Madaxweynaha Soomaaliya oo la Kulmay ku-xigeenka Xoghayah Guud ee QM

Madaxweynaha Soomaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa madaxtooyada ku qaabilay shalay wafdi uu hoggaaminayo ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan nabadgalyada iyo ammaanka caalamka, Peter Drennan.

Xasan Sheikh oo Xalay la Kulmay Jaaliyada Soomaalida ee Minneapolis

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Xalay Jaaliyada Soomaalida ee ku nool Magaalada  Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka kula hadlay Jaamacad ku taala Magaaladaasi  Minneapolis.

Madaxweyne Xasan oo sheegay inay guulo kasoo hoyeen Shirkii Washington

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay guulo kasoo hoyeen shirkii Afrika iyo Mareykanka dhexmaray ee lagu qabtay Washington.

Xasan Sheikh”waxaan Diyaarinay wajigii Labaad ee Dagaalka Al-Shabaab”

Madaxweynaha Somalia Hassan Sheikh Mohamud  oo lahadlaye Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa sheegay iney Dowladiisu ay qorsheeneeso duulaan  Cusub ay ku qaadaan kooxda shabab islamarkaana somalia howlgalkaas looga saaro.

Madaxweynaha: Qabyaaladda waa caqabadda wax qabadka dowladda

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dib u dhac ku yimid Soomaaliya uu salka ku hayo  qabyaadda iyo waxyaabo aan u habbooneyn mustaqbalka Soomaaliya.

Madaxda Qaranka Oo Kumannaan Dadweyne Ah Salaada Ciidda Kula Tukatay Masjidka Isbaheysiga (Dhageyso)

Madaxda Qaranka oo uu ugu horreeyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, Ra’iisul wasaaraha, xubnaha G/wasiirrada,  mudanayaal ka tirsan baarlamaanka ayaa kummanaan dadweyne ah, salaadda ciidda kula tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.
Halkaan ka dhageyso

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa munaasabadda Ciidda hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed:-War-Saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u direy hambalyada ciidul fitriga oo maanta loo dabaaldegayo.

Madaxweynaha Soomaaliya oo cambaareeyay dilkii Xildhibaanad Saado Cali

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiyeeyey qoyska, ehelada, qarabada, xildhibaanada baarlmaanka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geerida Marxuumad Xildhibaan Saado Cali Warsame oo maanta Muqdisho lagu dilay.

Madaxweynaha oo QM u gudbiyey Qoraal ka hor imanaya Xeerkii Badda Soomaaliya ee Law no. 37

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobay u gudbiyey qoraal ku taariikhaysan June 30, 2014 kaas oo ku saabsan badda Soomaaliya, waxaana UN-ku faafisay July 3, 2014. Qoraalkaas oo si qayaxan uga hor imanayaa (ama si qayaxan uu baabi’inayaa) xeerkii badda Soomaaliya ee Law no. 37.

Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay Weerarkii Al-shabaab ee Madaxtooyada

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka hadlay weerarkii  Al-shabaab ay ku qaadday fiidkii caawa xarunta madaxtooyada Soomaaliya, isagoo sheegay in madaxtooyadu ay tahay ammaan, isaguna uu bad-qabo.

Daawo sawiradda:MADAXWEYNAHA: “Geed dheer iyo geed gaaban ayaan u fuleynaa adkeynta Minimada”

Madaxweynaha Somalia ayaa xalay khudbad ka jeediyey xaflad lagu maamuusayey 54-guuradii kasoo wareegtay markii gobollada Koonfureed ay ka qaateen xorriyadooda gumeystihii Talyaaniga iyo midowgii Koonfureed iyo Waqooyi dalka, taasoo ku beegnayd 01-dii Luuliyo, 1960-kii.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeyey dhalashada bisha Ramadaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dadka muslimiinta ah gaar ahaan umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeyey dhalashada bisha barakeysan ee Ramadan.

Madaxweynaha oo sheegay in dowladda ay diyaarisay barnaamij loogu magac daray nabad ku afur

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaarisay barnaamij loogu magac dara Nabad ku afur, kaasoo uu tilmaamay inuu yahay barnaamij amni.

Madaxweynaha Somalia oo hambalyo u diray Shacabka iyo Dowladda Jabuuti

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan sannad-guuradii 37-aad ee xorriyadda dalka Jabuuti wuxuu u diray shacabka iyo dowladda Jabuuti.

Xasan Sheikh”Dagaalada ka dhacaya Dalka waa kuwo lagu Taageerayo Al-shabaab

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud  oo dhowr jeer ka hadlay Dagaalada  ku soo laab laabtay Gobolada Dalka Qaarlood ee Salka ku haya Dhinaca Qabaa’ilka ayaa markaan waxaa uu oga hadlay si kulul,asagoona sheegay in dagaaladaasi Dowladdu ay u aragto kuwo lagu Taageerayo Al-shabaab oo Dowladda Soomaaliya ay dagaal kula jirto.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si kulul u dhaliilay hab dhaqanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay Khudbad dheer ka horjeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa usoo jeediyay dhaliil la xariirta in Baarlamaanku uusan u shaqeyn sidii la rabay.

Daawo Sawirada Madaxweynaha iyo Ra;iisul Wasaaraha oo saaran Markab dagaal Turkiga leeyahay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed, Wasiiro ka tirsan Xukuumada, Taliyeyaasha ciidamada ayaa Markab dushiis oo ku soo xirtay Dekeda Muqdisho kula kulmay Taliyaha Ciidamada Badda Turkiga iyo Saraakiil.

Soomaaliya oo soo dhoweysay magacaabista la filayo ee safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay qorshaha madaxweynaha dalka Mareykanka, Barrack Obama uu ku doonayo inuu dhowaan ku magacaabo safiirka dalkiisa u qaabilsanaan doona Soomaaliya.

XASAN SHIIKH: oo ka dalbaday laamaha Amaanka in ay kalsooni ka kasbadaan (Sawiro)

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray tababar socday muddo seddex toddobaad ah oo wasaarada arrimaha gudaha iyo federaalka ay soo qabanqaabisay laguna qabtay dugsiga tababarka booliiska Muqdisho ayaa ka dalbaday mas’uuliyiintii tababarkaas loosoo xiray inay kalsooni geliyaan shacabka ay maamulayaan.

Madaxweynaha oo Amaray in la baaro Kooxihii dilay Sarkaalkii Turkiga ahaa

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amar ku bixiyay in baaritaan lagu sameeyo kooxihii ka dambeeya dilka sarkaal u dhashay dalka Turkiga oo shalay lagu toogtay agagaarka isgoyska lambar afar.

Madaxweyne Xasan oo ka hadlay Is casilaadii Wasiirkii Amniga Cabdi kariin Guuleed

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Ee Somalia Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta Magaalada Muqdisho Dib ugu soo laabtay ayaa markii  uu soo laabtay Waxaa uu ka hadlay Arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Weerarkii Shalay al shabaab ku qaadeen Xarunta Golaha shacabka Muqdisho iyo is Casilaada Wasiirkii Amniga Qaranka cabdi kariin Xuseen Guuleed oo Xalay Xilka iskaga Dagay.

Madaxweynaha Soomaaliya oo mar Labaad Kormeer ku sameeyay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay mar kale kormeer ku sameeyay Muqdisho, isagoo tagay hoteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho, halkaaso uu kula kulmay mas’uuliyiin dowladda ka tirsan iyo dad shacab ah oo u badan qurbo-joog ka yimid dalka dibaddiisa.

Madaxweynaha oo sheegay in Ciidanka Itoobiya ay Muddo dalka joogayaan

 Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay ka duwan yihiin ciidamada AMISOM ee dalka ku sugan, isagoo xusay in ciidamadan ay joogayaan dalka muddo kooban.

Xassan Shiikh Maxamuud oo difaacay sababihii uu xabsiga kaga sii daayay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeesay waxa uu ka hadlay Sababta ka dambeysay cafis uu u fidiyay Taliyihii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jen.Cabdi Maxamed Ismaaciil oo lagu helay in uu Al-Shabaab xariir la lahaa uuna xabsiyada kasii daayay Rag katirsanaa Kooxdaasi.

MADAXWEYNAHA OO XALAY BOOQDAY SALDHIGYO BOOLIIS OO MUQDISHO KU YAALA

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay booqday Saldhigyo Booliis oo ku yaala Degmooyin ka tirsan Gobalka Banaadir. 

Xasan Sheekh oo ka hadlay Wararka Sheegaya in Dowlada Imaaraadka lacag ku siisay Xildhibaanada in ay isaga ridaan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeesay soo hadal qaaday Warar maalmahan soo baxayay oo sheegayay in Dowlada Imaaraadka carabta ay ku hoolantahay in Madaxweynaha xilka ay ka tuuraan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Madaxweynaha Somalia oo ku Wajahan Magaalada Kampala ee Dalka Uganda - See more at: http://www.hiiraan.com/news/2014/May/wararka_maanta11-46520.htm#sthash.1mNgoG3y.dpuf

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusii jeeda Kampala, halkaasoo uu kula kulmo doono madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, si ay uga wada tashadaan xaaladaha Soomaaliya, maadaama ay askar badan kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay lacagihii Calaamku ugu deeqay Somalia

Madaxweyanaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in deeqihii lacageed ee beesha calaamku ay ugu yaboohday Somalia aysan weli soo gaarin, balse ay filayaan in dhawaan la billaabo maareynta lacataas, kaddib markii iyaga iyo beesha caalamka ay iskua af-garteen habka lacagahaas loo bixinayo.

War Deg Deg Ah Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta looga yeeray Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho

Wararka aan ka heleyno Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Maanta Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud looga yeeray Xarunta Xalane ee Magaalada Mudisho halkaas oo saldhig u ah AMISOM iyo Hay’ado kale oo reer galbeed ah.

Xildhibaanno Qoraal rasmi ah u gudbiyay maanta Madaxweynaha Soomaaliya

Xildhibaannada baaramaanka Soomaaliya ee soo saaray dhawaan qoraalkii ay madaxweynaha kaga dalbanayeen inuu xilka ka dago ayaa maanta si rasmi ah ugu gudbiyay madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan "2016 doorasho ayaa dalkan ka dhaceyso, lagama noqonayo, barnaamij ayaa socda

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu socdo qorshe ku aadan sidii sanadka 2016 dalka looga hirgelin lahaa doorasho, isagoo cadeeyay inay socdaan dhaqan gelinta qorshahaas.

Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay Xarigii Qunsulka Soomaaliya ee Kenya

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horreysay ka hadlay xariggii ay ciidamada booliiska dalka Kenya u geysteen Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya, Siyaad Maxamuud Shire, xarigaas oo mugdi geliyay xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geeridii Isaaq Maxamed Cali (Rino)+WARSAXAAFADEED

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN Mogadishu, 21 April 2014- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa tacsi u diray qoyska, eheladda, asxaabta, baarlamaanka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Isaaq Maxamed Cali (Riino) oo maanta Qarax lala beegsaday isaga iyo gaarigiisa ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan “UK waxaan uga mahadcelineynaa ahmiyadda ay siinayaan Soomaaliya”+SAWIRRO

Mogadishu, 15 April 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Afrika ee Dowladda UK oo maanta booqasho ku yimid Muqdisho. Madaxweynaha ayaa yiri “UK waxaan uga mahadcelinaynaa ahmiyadda ay siinayaan Somalia.”

Madaxweynaha oo ka qeyb galay kulan loogu duceeyey dadkii ku dhintay sanad ka hor weerarkii xarunta Maxkamadaha dalka

14-kii April sanadkii 2013-kii ayaa waxa Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Xarunta Maxkamadaha dalka ay ku shaqeeyaan ee magaalada Muqdisho iyadoona munaasabad loogu baroordiiqayey dadkaasi maanta ay ka dhacday xaruntaasi.

Madaxweyne Xasan: "Waxaan ka digayaa in nidaamka Federaalka loo adeegsado qabiilkii laga gudbay"

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka hadlay nidaamka Federaalka ah ee dalka ka hirgelaya waxa uu yahay iyo ujeedada loo sameynayo in maamulada dalka ka jira ay ku dhaqmaan nidaamka Federaalka.

Madaxweynaha J. F. Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamuud oo gaaray dalka Burundi “Sawirro”

Madaxweynaha D.F Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo socdaal ku marayay qaar ka mid ah dalalka ay ciidamada ku howlgalaya magaca AMISOM ee joogo soomaaliya ayaa gaaray magaalada buujambuura ee caasimadda dalka Burundi.

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA; “Al-shabaab Cagta ayaan marin doonnaa“

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wacad ku maray in dowladdiisu ay cagta marin doono Xarakada Al-shabaab, isagoo xusay in beesha caalamka ay ka gacan-siinayso sidii Al-shabaab ay u soo af-jari lahaayeen.

Daawo sawiradda:Madaxweyne Xasan Shiikh oo xariga ka jaray safaaradda Somalia ee Belgium

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xariga ka jaray safaaradda Soomaaliya ee dalka Beligum oo dhawaanahan uu ka socday dayactir, waxaana ay noqonaysaa safaaraddii ugu horreysay oo Somali ay leedahay oo la dayactiro.

Madaxweyne Xasan & wafdigii dalka Kuwait uraacay oo Muqdisho kusoo laabtay

Madaxweynaha Dalka Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib safar ay ugu maqnaayeen maalmo kooban dalka Kuwait.

Madaxweynaha Somalia oo codsi udiray madaxda dalalka Carabta

Madaxweynaha Somalia oo ka qeyb galaya Shirka Madaxda Dalalka Carabta ayaa yiri “Madaxda Carabta waa inay xal u helaan mushkiladaha ka jira dalalka Carabta.”

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay si qab qabsi iyo khilaaf curyaamiya howlaha dalka ka socda

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ka hadlayay kalfadhigii afaraad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka digay is qab qabsi soo kala dhex gala dowladda, xilli ay soo baxayaan guux iyo hadal heyno la xiriira mooshin ay wadaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Madaxweynaha oo xilkii ka qaaday Kuxigeenadii gobolka Banaadir Xubno cusubna magacaabay

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxa wareegto kasoo baxday xafiiskiisa xilka uga qaaday kuxigeenadii gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyo Xoghayihii maamulkaasi isagoona magacaabay xubno cusub.

Daawo sawiradda: Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in ay uganda abaal badan u hayaan shacabka Soomaaliyeed

Maddaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay guddiga difaaca iyo arrimaha gudaha ee baarlamaanka Ugandha oo ay wehliyeen saraakiisha AMISOM, kuwaasoo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho

Madaxweyne Xasan “Howl walbo oo Somalida heyso hakad ka geliso si Al Shabaab loo ciribtiro

Madaxweynaha Somaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada muqdisho ayaa waxa uu ka warbixiyey safar uu ku tagey waddanka Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay wararkii been abuurka ahaa ee shalay ay warbaahinta qortay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay warar suuqa la soo geliyay oo sheegayay inuu geeriyooday, isagoo ku eedeeyay kooxo cadaw ah inay wararkan faafiyeen, kuwaasoo doonaya inay qal qal geliyaan dalka iyo siyaasadiisa.

MADAXWEYNAHA OO ARIMO CAAFIMAAD DALKA TURKIGA U AADAY

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa howlo caafimaad wuxuu u aaday dalka Turkiga, shalay gelinkii dambe sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Madaxweynaha Eng Yariisoow.

Madaxweyne Xasan Sheekh "Burundi Waa Wallaalo dhab ah oo naftooda noo huray" (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa ammaanay doorka Brundi oo uu sheegay inay yihiin Wallaalo dhab ah.

Dhagayso:- Madaxweyne Xasan sheekh oo Muqdisho ku laabtay Kana warbixiyeey shirkii Madaxda Qarada afrika

Madaxweynaha soomaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa kusoo laabtay Caasimada soomaliya ee Muqdisho kadib shir uu magaalada Addis ababa uga qayb galay kaas oo ay yesheen Madaxda Qaarada Afrika isla markasna looga hadlayeey Xaalada Sudaan iyo qodobo kale.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Xassan Shiikh Maxamuud oo sheegay in ay bilaabanayaan Howlgallada AMISOM dhawaan

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud oo ku sugan Addis Ababa ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku qaadi doonaan howlgallo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo ka talisa deegaanno ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Somalia.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika ee AU

Shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Addis Ababa ee Caasimada Itoobiya, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka qeyb gali doono shirkan, kadib markii uu xalay gaaray magaalada Addis Ababa.

Madaxweyne Xasan oo sheegay in dowladdiisu ay hub soo iibsanayso

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay markii ugu horreysay tan iyo markii golaha amniga ee Qaramada Midoobay ay cunnoqabateynta hubka ka qaadday Soomaaliya sannadkii hore inay hub kasoo iibsanayaan dalal aanu carrabaabin.

Madaxweynaha oo ka hadlay Ciidanka Itoobiya ee ku biiray AMISOM

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadlya markii ugu horreysay ku biirista ciidamada Itoobiya ay ku biireen howgalka AMISOM, isagoo sheegay inay tahay arrin uu soo dhaweynayo.

Madaxweynaha oo ka hadlay wadahadalka ay la leeyihiin Somaliland

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa ka hadlay wadahadallada u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Somaliland iyo weliba shirkadaha ammaanka ka shaqeeya ee ku sugan Muqdisho.

Madaxweyne Xasan oo ugu baaqay xukuumadda cusub xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in loo baahan yahay in dowladda ay Al-Shabaab ka xorrayso goobaha ay kaga sugan tahay dalka. 

Madaxweynaha oo ka Hadlay Jidadka Xiran iyo Is-Casilaaddii Tarsan

 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xirnaashaha waddooyinka Muqdisho qaarkood, isagoo ku tilmaamay xrinaashahan kuwo lagu bad-baadinayo nolosha shacabka Soomaaliyeed iyo ajaanibta dalka ku sugan.

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO KA HADLAY ARRIMO MUHIIM AH+DHAGEYSO

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo xalay ka qeyb galay barnaamijka dood Wadaag oo ka baxay Telefeshinka universal Xaruntiisa Muqdisho ayaa ka hadlay arimo badan ka dib su’aalo furan oo bulshada goobta ku sugneyd ay weydiiyeen Madaxweynaha. 
halkaan ka dhageyso

Madaxweynaha Somalia baaq u jeediyay Golaha cusub ee Wasiirrada

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamud ayaa aqbalay wasiirada cusub ee uu xalay magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed, isagoo xusay inay wasiirrada cusub yihiin kuwo khibrad iyo waayo-aragnimo leh.

Madaxweynaha J. F. Soomaaliya Oo Ka Hadlay Marxaladihii Ay Dowladdu Soo Martay Sanadkii Tegay (Dhageyso Wareysi)

Madaxweynaha dowlada Federalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar a siiyay TV-ga Qaranka ayaa waxa uu uga hadlay marxaladihii ay dowladdu soo martay sanadki tagey iyo yoolka ay hiigsaneyso sanadkan cusub ee 2014.
HALKAAN KA DHAGEYSO

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “Waxaa is-bar-bar yaalla in Dalkaan ay Al-Qaacida la wareegto ama aan ka adkaanno

Madaxweynaha Somalia, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ugu baaqay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya inay dardar-geliyaan dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab oo uu sheegay in ay khatar ku tahay ammaanka guud ee dalka iyo jiritaanka dowaldda.

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Kormeer Hawleed Ku Tagey Wasaaradda Gaashadhiga

Madaxweyne xasan sheikh Maxamuud oo ay wehliyaan saraakiil katirsan ciidamada qalabka sida ayaa maanta kormeer howleed ku tagey xarunta wasaaradda gaashandhiga e Soomaaliya, isla markaana  soo kormeeray qeybaha kala ay ka kooban tahay Wasaaradaasi kulamana la  la qaatay saraakiisha sar sare ee mileteriga Soomaaliya.

Madaxweynaha Somalia ayaa ku dhiiri geliyey shacabka inay Waraaqaha Aqoonsiga sameystaan

Muqdisho, 22 December 2013 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafladii Daah-Furka Baasaboorada cusub iyo waraaqaha aqoonsiga ka qeybgalay, isla markaasna ku dhiiri geliyey shacabka inay Waraaqaha Aqoonsiga sameystaan.

Madaxweynaha Soomaaliya "Kuwii ka danbeeyey dilka Dhakhaatiirta waa in sharciga la hor keenaa"

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa si kulul u cambaareeyey dilkii waxashnimada lahaa ee loo geystey Dhakhaatiirtii Suuriyaanka iyo kuwii Soomaalida ahaaba, oo maanta lagu dilay agagaarka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho

Dhageyso:MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “oo markii ugu horeysay ka hadlay Dagaallo beeleedyada sheegayna in aan loo dul-qaadandoonin Qas-wadayaashana Tallaabo adag ayaa laga Qaadayaa”

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay colaadaha iyo dagaallada kasoo cusboonaaday deegaannada qaarkood, isagoo tacsi u diray dhammaan shacabkii ay waxyeelladu kasoo gaartay dagaallada.
Halkaan ka dhageyso

Daawo sawiradda:Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Kuxigeenka Xoghayaha Arrimaha dibada Mareykanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xiriirka Mareykanka uu yahay mid xoogan, isagoo ka mahadceliyey booqashada ay Kuxigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Linda Thomas-Greenfield ay maanta ku timid Muqdisho.

Madaxweynaha Somalia oo ka baaqday safar uu ku iman lahaa Nairobi sababo la xiriira Magacaabista Ra’iisul Wasaaraha

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa ka baaqday booqasho uu ku imaan lahaa magaada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Daawo sawiradda:Madaxweyne Xasan Oo Safiirada Dalalka Jarmalka iyo Masar Ka Guddoomay Warqadahooda Safiirnimo Ee Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa manta ka aqbalay warqadaha aqoonsiga Ambassador Andreas Peschke oo noqonayo Safiirka cusub ee u qaabilsan dowladda Jarmalka dalka Soomaaliya, iyo Ambassador Mahmoud M. Auf oo ah Safiirka u fadhin doono dowladda Masar dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Somalia oo si adag u dhaleeceeyay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa Maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso

 Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa si adag u dhaleeceeyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada  Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, isagoo tacsi u diray dhammaan muwaadiniintii ku geeriyootay qaraxaas.

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo magacaabayo Ra'iisul Wasaare

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu ku soo magacaabayo Ra'iisul Wasaare cusub, kadib markii shalay Baarlamaanka Soomaaliya uu kalsoonida kala laabtay Xukuumadii Ra'iisul Wasaare Saacid.

Soomaaliya oo dib u soo nooleysay xiriirki kala dhaxeeyey Nigeria‏ (SAWIRO)

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamud ayaa maanta Xarunta Villa Somaaliya ku qaabilay  Safiirka Dowladda  Nigeria  Mudane Akin Oyateru.

Dhagwyso:Madaxweynaha iyo dalalka deeqaha bixiya oo ka wada hadlay arrinta is casilaadii Gudoomiyihii Bankiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kula kulmay Safiirada Deeq bixiyeyaasha caalamka oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, iyagoo ka wada hadlay is casilaadii Gudoomiyihii Bankiga Dhexe iyo mooshinka Baarlamaanka hor-yaala ee ka dhanka ah Ra'iisul Wasaaraha.
HALKAAN KA DHAGEYSO WASIIRKA MAALIYADA SOOMAALIYA

Madaxweynaha oo ka hadlay maalinta macallinka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta macallimiinta Soomaaliyeed ku ammaanay inay door geesinnimo leh ka soo qaateen sidii uu dalka uga dhici lahaa isbeddel dhanka nabadda ah oo looga soo kabanayo colaadihii dhacay.

Xassan Shiikh oo sheegay in ay Dowlada saxiixeyso hishiis wax u taraya Caruurka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey Iskuulka Xamar Jab-Jab oo uu sheegey in Soomaaliya ay saxiixi doonto Heshiiska Caalamiga ee Xaquuqda Carruurta, iyadoo maanta ay ku beegantahay maalinta Caalamiga ah ee Xaquuqda Carruurta Adduunka oo aheyd 20kii November 1989kii markii Qaramada Midoobey ay u aqoonsatay maalinta Xaquuqda Carruurta Adduunka. Soomaaliya, South Sudan iyo Mareykanka ayaan weli saxiixin heshiiskaas Caalamiga ah.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka baaqday shirkii Kuwait sababo la xiriira arrimaha khilaafka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqday shir madaxeedka Carabta iyo Afrika ee ka furmaya dalka Kuwait, iyadoo uu shirkaas ka qeyb galayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Madaxweynaha Soomaaliya oo kula kulmaya Xildhibaanada Baarlamaanka madaxtooyada kalana hadlay xaalada khilaafka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wali ku adkeysanaya in Ra'iisul Wasaaraha is casilo, kadib markii uu diiday talooyin iyo xal ay u geeyeen Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo mas'uuliyiin horay xilal u soo qabtay oo uu 24-kii saac ee la soo dhaafay kulamo gaar gaar ah la qaatay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay kulan la qaatay wasiiradii R/wasaare Saacid ka dalbaday inuu iscasilo, muxuu kala hadlay?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khilaa iyo kala aragtiduwaan xooggani u daxayso ra,iisulwasaaha xukumaadda Soomaaliya ayaa xalay waxaa uu kulan la yeeshay inta badan xubnaha Golaha Wasiirada,kuwaas oo sida la sheegay shalay shir gaar ah la yeeshay ra,iisulwasaaraha Cabdi faarax shirdoon,kuwaas oo warraka qaar ay sheegayeen inay Ra’isul wasaraha ka dalbadeen inuu is casilo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo shir jaraa'id uu qabtay kaga hadlay arrimo kala duwan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta shir jaraa'id uu ku qabtay Xarunta Madaxtooyada kaga hadlay colaadaha iyo fatahaadaha Gobolka Shabellaha Dhexe iyo duufaantii xeebaha bari ee Puntland.
HALKAAN KA DHAGEYSO HADALKA MADAXWEYNAHA

Madaxweynaha Soomaaliya oo Soo Dhaweeyay Horumarka Laga Gaaray Qorshaha Maamul u Sameynta Gobolka Hiiraan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa ku soo dhaweynayo qorshaha dhismaha maamulka gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh "Al-Shabaab nagama hor-istaagi karaan Horumarka"

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa si kulul u cambaareeyey Labo qarax oo xalay ka dhacay Hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, kaasoo dhaliyey dhimasho iyo dhaawac.

MADAXWEYNAHA SOOMALIA: “Waxaan Rabnaa Nabad iyo Maamul Wanaag ka hirgala Dhammaan Gobollada Somalia”

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud oo xalay casho sharaf ugu sameeyay xarunta madaxtooyada ergada ka qaybgalaysa shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka ayaa sheegay in hadafkooda uu yahay inay nabad iyo maamul wanaag ka hirgasho dhammaan gobollada Soomaaliya.

Daawo sawirro) Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo Muqdisho ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya

 Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa galabta si gooni-gooni ah ugu qaabilay Muqdisho wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya, Tedros Adhanom iyo wafdi uu horkacayo, iyagoo kala hadlay arrimaha horumarinta xariirka labada dowladood iyo sidii nabad loogu soo dabaali lahaa geeska Afrika.  

Madaxweyne Xasan Sheekh "Dalka in Federaal laga dhigo waa daawo lagu daweynayo Mushkilada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhawaajiyay in arrinta aanay wax is bedel ah dowladiisa ku sameyn karin, isla markaana ayy tahay wax ku qoran dastuurka oo aanay marnaba qaloocin karin, isagoo cadeeyay in Federalismka uu daawo u yahay mushkilada ka jirta Soomaaliya.

Madaxweeynaha Soomaaliya iyo wafdigiisi ayaa shalay gilinkii danbe bid ugu so laabtay caasimada Soomaaliya ee muqdisho.

Xassan Shiikh iyo xubna ka mid ah golaha wasiirada Dowlada iyo barlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay safar qaatay labo cisho waxa ay ku joogeen Magaalada kismaayo ee xarunta maanulka Juba.

xuska Jamhuuriyadda Turkey iyo daah furka Mashruuca Marmaray (Sawirro)

Hoggaamiyaal uu ka mid ahaa madaxweynaha Soomaliya Xasan Skeekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgalay xaflad weyn oo iskugu jirtay xuska Jamhuuriyadda Turkey oo 90-sano jirsatay iyo daah furka wadada tareenkii ugu horeeyay ee badda hoosteeda mara, isla markaana isku xira labada qaaradood ee Yurub iyo Asia.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirada Arrimaha dibada Holland (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Lilianne Ploumen oo ah Wasiiradda Arrimaha Dibedda, Ganacsiga iyo Horumarinta Caalamiga ee dalka Holland oo ay la socdeen Shirkado ganacsi oo waaweyn oo raba inay dalka maalgeshi ku sameeyaan.

Madaxweynaha oo Qaabilay Xubnaha Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika:-(War-saxaafadeed)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika isla markaana kula dar-daarmay in Ciidamada Soomaaliya loo helo tasiilaadkii iyo dhaqaalihii ay u baahnaayeen.

Madaxweyne Xasan “Waa in sharciga la horkeeno cidii isku daydey inay disho wariye Timocadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa si kulul u cambaareeyey falkii isku dayga dilka ee loo geystay Wariye Maxamed Maxamud Timacadde oo u shaqeynayey Universal TV, isla markaana hay’adaha amniga ku amray in sharciga la horkeeno cidii isku dayga dil u geystay Timacadde oo haatan isbitaal ugu jira dhaawacii ka soo gaaray falkaas arxan la’aanta ah.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: “Qaraxii Baladweyne waa mid lagu diiddan yahay horumarka uu dalku ku Tallaabsaday”

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku tilmaamay mid lagu diidan yahay horumarka lagu tallaabsaday.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: “Waa nalagu soo War-geliyay Weerarkii Mareykanku uu ku qaaday Degmada Baraawe”

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi uu siiyay wargeys wabaahinta caalamka qaarkeed ku sheegay ay ciidamada Mareykanku ku qaadeen toddobaad ka hor degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose lagu soo wargeliyay.

Madaxweynaha oo maanta ka qeyb galaya shir madaxeedka aan caadiga aheyn ee Midowga Afrika oo looga hadlaayo arima la xiriira Maxkamada danbiyada dagaalka ee Heeg

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah ka qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika ee maanta ka furmaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Xassan Shiikh Maxamuud oo umada Soomaaliyeed ugu hanbal yeeyay Sanad guuradii 59 ee ka soo wareegatay xiligii calanka Soomaaliya laga taagay meel kamid ah Dalka

Maanta oo kale 12-October sanadkii 1954 waa maalintii u horeysay ee dhul Soomaaliyeed laga taago Calanka Buluuga ah ee dhexda shanta xidig ku leh, iyadoo ka soo wareegatay 59-sano ah.

Xasan Sheekh oo Madaxtooyada kula kulmay Saraakiisha ciidamada Milateriga

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia kula kulmay Saraakiisha ciidamada xooga dalka, iyadoo kulankan ay qeyb ka ahaayeen Wasiirka Gaashaandhiga iyo Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS