Tag: maamul

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe oo ka hadlay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe

 Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen oo maanta dib ugu laabtay magaalada Jowhar ayaa meel fagaare ah ka sheegay in uusan jirin illaa iyo hadda heshiis laga gaaray maamul u sameynta labada gobol marka laga reebo saxiixa heshiiska maamul u sameynta labada gobol.

Faahfaahin ku saabsan qorshaha maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan

Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Federalka Cabdraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa soo bandhigay qorshaha maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan iyadoo socon doonta geedisocodka maamul u sameynta muddo afar bilood ah. Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in tallaabada u horeysa ee maamul u sameynta labada gobol ay tahay kadib marka la saxiixo in maamul loo sameeyo labada gobol in la sameeyo guddi farsamo.

RASMI: Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho oo loo magacaabay Xasan Maxamed Xuseen

War deg deg ah oo goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho loo magacaabay Saareeye Guuto Xasan Maxamed Xuseen Mungaab, kaasoo maalmahan la hadalayay in xilkaas loo magacaabayo.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS