Tag: mUQDISHO

R.W Ku xigeenka “Dhibaatooyinkii jiray waxay nabareen casharo nagu filan”SAWIRO”

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta ka qayb galay kalan lagu soo bandhigayay Xog laga soo aruuriyay ka qayb galayaashii shirkii Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya kaa soo ka dhacay caasimadda Muqdisho,  si loola wadaago dawladda iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshadda, waxaana soo qaban qaabiyay madaxda Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha oo ka qeybgalay xil wareejinta Wasaaradda Maaliyadda (Sawiro)

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa saaka ka qeybgalay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda mudane Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, kaasoo xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaarada Mudane Maxamed Aadan Fargeeti.

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho

 Madaxda Maamul goboleedyada dalka ayaa ku soo qul qulaya magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan shirka Madasha wadatashiga qaran ee looga hadlayo qaabka ay u dhici doonaan doorashooyinka sanadka.

Wasaaradda Amniga oo uga digtay shacabka inay guryahooda ka kireeyaan dad aanay soo wargelin

Wasaaradda Amniga Gudaha ee dowladda Soomaaliya ayaa uga digtay shacabka Muqdisho inay guryahooda ka kireeyaan dad aanay soo wargelin, kadib markii dhowaan dowladda la wareegtay guryo laga helay hub iyo walxaha qarxa.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS