Tag: loo

Guddigii loo saaray baaritaanka dilkii Xildhibaan Dirir oo baaritaan horu dhac soo bandhigay

Guddigii loo xil saaray baaritaanka dilkii Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir loogu geystay magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay baaritaan horu dhac ah oo ku aadan qaabkii uu u dhacay dilkaas oo ay geysteen Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya.

Tababar 5 cisho soconayey oo loo xiray Guddiga Isku dhafka Ciidamadda Xoogga dalka

Guddiga Isku dhafka Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta loosoo xiray siminaar soconayay muddo 5 cisho ah, kaas oo looga hadlayay qaabka ugu habboon ee si wadajir looga qeyb qaadan karo isku dhafka Ciidamadda. Waxana munaasabadaas goob-joog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane C.qaadir Sheekh Cali Diini, Taliyaha Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed S/G Daahir Aaden Cilmi Indha-qarshe iyo xubno kale oo ka socday Wasaaradda.

Dowladda Soomaaliya oo markii u horeysay ka hadashay Saraakiil u xiran Qaraxii Hotel SYL

Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay baaritaanka qaraxii ismiidaaminta ee 22-kii bishii Janaayo lagu qaaday Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho iyo dadka u xir xiran weerarkaas oo ay ilaa iyo hadda baaritaano ku socdaan.

Minnesota: Soomaali lagu soo oogay dacwad ah inuu taageero u fidiyo Ururka ISIS

Labo nin oo Soomaali ah ayaa lagu soo oogay dacwad ku aadan inay taageero u fidiyaan Ururka ISIS ee ka dagaalama dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Daawo Sawirada sida Xalay Muqdisho looga xusay Munaasabada 26-ka Juun iyo Madaxweynaha oo Khudbad xasaasi ah ka jeediyay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayey 54 guuradii ka soo wareegatay maalintii ay xurroobeen gobollada waqooyi isl-markaana ciida Soomaaliyeed laga taago calanakeenna Soomaaliya.

Suxufiyad lagu kufsaday Muqdisho oo ka warrantay dhibkii loo geystay

Faadumo C/qaadir Xasan oo ahayd gabar ka mid ah suxufiyiinta Soomaaliyeed oo lagu kufsaday Muqdisho sannadkii hore, iyadoo haatan joogta magaalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga ayaa waxay HOL uga sheekeysay dhibkii loo geystay.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS