Tag: la

Ra’iisul Wasaaraha oo magacaabay Wasiiradii ka banaanaa Xukuumaddiisa (Akhriso Magacyada)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa magacaabay Wasiiradii ka banaanaa Golihiisa Wasiirada, iyadoo illaa lix Wasiir cusub la magacaabay, Labo Wasiiru dowle iyo Shan Wasiir kuxigeen. 

Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare oo goor dhow ka badbaaday isku day dil

Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Xuseen Cali Xaaji ayaa goor dhow ka bad baaday isku day dil, kaddib markii gaari uu saarnaa lagu rasaaseeyay degmada Hodan.

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay wiil dhalinyaro ah oo siweyn u qabsaday baraha bulshada

Wiilkan dhalinyarada ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Max’uud Cismaan oo siweyn uga soo muuqday baraha bulshada ayaa la kulmay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo caawa ka bad baaday isku day dil

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo lagu magacaabo Malaaq Ibraahim Aadan Dhaayow ayaa caawa fiidkii ka bad baaday weerar kooxo hubeysan ku qaadeen gurigiisa oo ku yaala degmada Hodan.

Ciidamada Booliska oo gacanta ku dhigay hub lagu qariyay Masaajid (Sawirro)

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa baaritaano ay ka sameeyeen masaajid ku yaal degmada Hodan waxay ku soo heleen hub iyo lacag lagu qariyay.

Doonyo gargaar lagu gaarsiiyay tuulooyinkii fatahaadaha saameeyeen ee Sh/Dhexe (Sawirro)

Hey’adda Gift of the Givers oo ka shaqeysa howlaha samafalka iyo Gurmadka Deg-dega ayaa gar-gaar kala duwan oo isugu jira mid caafimaad iyo agab kale waxay ay gaarsiiyeen Tuulooyin ka tirsan gobolka Shabeelada dhexe oo ay saameeyeen Fatahaadihii Wabiga Shabeelle.

Diyaaradaha dagaalka Israel oo duqeyn ka geystay Marinka Qaza

Diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa saaka duqeyn ka geystay Marinka Qaza ee dhulka Falastiniiyiinta, iyadoo duqeyntaas jawaab uga dhigay gantaal ay sheegeen in looga soo ganay, kaasoo ku dhacay gudaha Israel.

Guddiga Dib u Heshiisiinta Qaranka oo kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid

Xubnaha Guddiga Fulinta ee Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka ayaa kulan la yeeshay 27-kii bishii hore Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, iyadoo kulankan uu ka dhacay Xafiiska Ra’iisul

Wasiirada Waxbarashada Drs Khadra Bashiir oo la kulantay danjiraha dowlada Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare Drs Khadro Bashiir Cali oo ay wehelinayaa Wasiiru dowlaha Mudane Cabdullahe Bile, Wasiir ku xigeenka Mudane Xaamud Cali Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Tacliinta sare Mudane Ismaaciil Yuusf ayaa waxey maanta ku qaabishay Xafiiskeeda Safiirka Dowlada Chine u fadhiya Dalka Soomaaliya.

Ilaa shan wariye ay ku jiraan Wariyeyaashii Shabelle oo markii shanaad Maxkamad la soo taagayo

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta mar kale u balansan dhageysiga dacwada loo heysto Wariyeyaal ka tirsan Idaacadaha Shabelle, SKY FM iyo Radio Risaala, kuwaasoo bishii hore la horgeeyay Maxkamadda.

RW Cumar C/rashiid oo Maanta Xilka kala wareegaya Ra’iisul Wasaarihii Hore

Xaflad uu xilka kula wareegayo RW-ha cusub ee Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ka socotaa qabanqaabadeeda magaalada Muqdisho, kaddib ansixintiisii shalay.

Saraakiil Mareykan ah oo sheegay in duqeyntii xalay lagu dilay Amiirka Al-shabaab

Sarkaalkiil Mareykanka ah ayaa sheegay in lagu dilay duqeyntii xalay uu Mareykanku ka geystay deegaan ku dhow degmada Sabalaale ee gobolka Shabeellada Hoose hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane iyo saraakiil kale oo la socday.

100 ruux oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay Malaysia Airlines oo ahaa shaqaale cudurka AIDSka

Illaa boqol ruux oo ka mid ahaa dadkii saarnaa dayuuradii Malaysia Airlines oo ku burburtay dalka Ukraine ayaa ahaa dad ku sii jeeday dalka Australia halkaa oo ay ugaga qeybgali lahaayeen kulan caalami ah oo loogaga hadlayo cudurka AIDSka.

Qoyska Nafiiso Cismaan Salaad Oo Dowladda Ka Dalbaday In Sharciga La Horgeeyo Dhagar Qabayaashii Dilay Gabadhooda

Ehelada qoyskii ay ka geeriyootay gabar ardayad ah oo ay dileen maleeshiyaad ka tirsanaa Shabaab ayaa ka dalbaday dowladda in sharciga la horgeeyo kooxihii ka dambeeyay dilka gabadhooda.

Labo ka mid ah Baalayaasha ku shaqeeya Iftiinka Qoraxda ee degmada Hodan oo qarax lagu bur buriyay

Labo ka mid ah Baalayaasha ku shaqeeya iftiinka qoraxda ayaa saakay waabarigii hore lagu bur buriyay qaraxyo lagu xiray, iyadoo tani ay qeyb ka tahay weerarada lagu hayay baalayaaasha oo uu Maamulka Gobolka Banaadir ka hirgeliyay wadooyinka Muqdisho.

Kumannaan Qoysas Ah Oo Maanta Dib Ugu Laabtay Tuulooyinkii Ay Hore Uga Barakaceen Oo Dhaca Bariga Jowhar

Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Kumannaan qoysas ah oo colaado uga barakacay deegaannadoodii maanta dib ugu celiyay tuulooyinkii ay hore uga carareen.

Taliska ciidanka xooga dalka oo qalabeeyay ciidankii u horeeyay ee dalka lagu tababaray (Sawirro)

Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horeysay qalabeysay ciidamo lagu tababaray dalka gudihiisa, kuwaasoo ka qeyb qaadanaya howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolada dalka.

Haweeney dishay seygeeda oo ahaa sarkaal ka tirsan Ciidamada Nabadsugida qaranka

Haweeney ayaa xalay toogasho ku dishay seygeeda oo ahaasarkaal ka tirsan Ciidamada nabadsugida qaranka, iyadoo ciidamada booliska ay gacanta ku dhigeen haweeneydan oo su'aalo lagu weydiinayo mid ka mid ah saldhigyada ciidamada.

Ra'iisul Wasaare C/wali Sheekh oo la kulmay Ergeyga Qaramada Midoobey Nicholas Kay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Ergayga gaarka ah ee Q.M u qaabilsan arimaha Soomaaliya, waxaana ay ka wada hadleen xiriirka adage ee u dhexeeya Q.M iyo Soomaaliya.

Dhageyso:Faahfaahin ku saabsan dil afar dhakhtar iyo laba ruux oo kale loogu geystay Maanta duleedka Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil maanta barqadii afar dhaqatar iyo laba qof oo kale oo midkood uu ahaa darawalkii dhakhaatiirta iyo ruux ilaalo u ahaa loogu geystay deegaan lagu magacaabo Siinka dheer oo Muqdisho oo 15-km koonfureed kaga beegan.
Halkaan ka dhageys

Isku Aadka Koobka Naadiyada Yurub oo Lagu Dhawaaqay iyo Kooxo Adag oo Isku Beegmay

Waxaa Goor dhow  magaalada Zurich ee xarunta xiriirka kubadda cagta ee yurub looga dhawaaqay sida ay u wada ciyaari doonaan 16ka kooxood ee u soo baxay wareega labaad ee koobka naadiyada yurub ee Champions League.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo La Kulmay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Ee Afrika

Gudoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wefdi ay hogaaminayso kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee arrimaha Afrika oo maanta soo gaartay magaalada Muqdisho.

Dhageyso:R/wasaare Saacid, Xildhibaanno Iyo Mas’uuliyiin Kale Oo Ka Qeybgalay Aaski Marxuum Maxamed Warsame Feysal

R/wasaare Saacid, gudoomiye ku xigeenka Labaad  ee Barlamanka Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalay Aaska Allaha u naxariistee  marxuum Maxamed Warsame Feysal oo ahaa godoomiyihii gudiga arriamaha bulshada baralamanka Soomaaliya oo shalay ku geeriyooday Qarax ka dhacay Muqdisho.
Halkaan ka dhageyso

Maxamed Bashiir iyo dhibane faadumo oo sheegatay in ay kufsi u geysteen shaqaala ka tirsan wasaarada warfaafinta oo xabsi la dhigay manta.

Maxkamada Gobalka banaadir ayaa waxa ay goor dhawa xabsiga dhigtay gabar sheegtay in ay kufsi kula kaceen shaqaalo ka mid ah wasaarada warfaafinta Xukumada Soomaaliya iyo wariyihii wareystay.

Maleeshiyaad ka mid ahaa shabaab oo saakay lagu dilay duleedka B/weyn xili ay halkasi howl-gal ka sameeyeen Ciidamada is garabsanaayo ee Dowlada iyo AMISOM

Lix ka mid ah dagaalamayaasha  Al-Shabaab ayaa  saakay lagu dilay duleedka degmada Beledweyne kadib markii ay ciidamada dowlada Soomaaliya oo kaashanaya  ciidamada  Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM  ay howgal ka fuliyeen tuulooyin ku yaala galbeedka magaalada Beledweyne.

Roobab la Filayo inay Saddexda Casho ee soo Socota si xiriir ah uga da’aan Deegaannada Puntland iyo Somaliland

Roobab xiriir ah ayaa la filayaa inay ka da'aan saddexda casho ee soo socota deegaannada Puntland iyo Somaliland, iyadoo la sheegayo in roobabkan aysan ahayn kuwa khasaare geysanaya sidii kuwii dhawaan ka da'ay deegaannada bari ee Puntland.

Deeq Lacageed Oo La Guddoonsiiyay Waalidiintii Iyo Caruurtii Uu Ka Tegay Timacadde

Deeq Lacageed oo ay soo direen wariyaal ku dhaqan dalka Ingiriiska ayaa maanta la gaarsiiyay caruurtii iyo waalidiintii uu ka tegay Allaha u naxariistee Maxamed Maxamuud “Timacadde’’ oo dhawaan lagu dilay Muqdisho.

Diyaarad Helicopter ah oo sida deeq daawo ah oo ka degtay magaalada Jowhar (Sawirro)

Deeqdii u horeysay oo daawo ah oo ka socota dowladda Soomaaliya ayaa shalay la gaarsiiyay magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Jan Eliasson oo Golaha Ammaanka ugu baaqay in tirada ciidanka AMISOM la kordhiyo, lana taageero Ciidamada Soomaaliya

Ku xigeenka xoghayaha guud ee QM, Jan Eliasson oo xalay ka hadlay kulan ay lahaayeen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay loogana hadlayay kordhinta ciidamada AMISOM iyo taageerada ciidamada Soomaaliya ayaa ku baaqay in tirada AMISOM si dhaqso ah loo kordhiyo.

Ciidanka amaanka ee Magaalada Muqdisho oo manta xiray Idaacadii shabeele iyo shaqaalaheedii

Idaacadii shabeela ayaa gabi ahaaba waxa ay ka maqan tahay hawada ka dib marki ay manta gudaha u galeen ciidama ay ku soo amartay wasaarada Arimaha gudaha Soomaaliya in ay xiraan.

Ardayad u socotey Jaamacad ay dhiganeysay oo Muqdisho saaka lagu dilay

Gabar arday jaamacadeed ahayd oo wax ka baran jirtay jaamacadda Jasiira ee magaalada Muqdisho ayaa dhimatay kaddib markii barqadii maanta lagu toogtay agagaarka iskuulka Maxamuud Xarbi ee ku yaalla degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir, sida ay Bar-kulan u xaqiijiyeen dad ka tirsan deegaanka.

La heystayaal burcad badeed laga soo daayay oo ay dowladdu ka hadashay

Shir Jara’id oo uu galabta ku qabtay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya xafiiskiisa Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” ayaa wuxuu faafaahin ka bixiyey la haystayaal u kala dhashay wadamada Siiriya iyo Sirilaanka oo mudo ka badan labo sano afduub ay u haysteen Burcad badeed Soomaali ah.

Rag hubeysan oo Wajeer lagu xiray

Ciidamada ammaanka ee magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa soo xiray xalay afar ruux oo hubeysan, kuwaas oo saraakiisha ciidamada ay sheegeen inay baaritaano ku hayaan.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS