Tag: kuxigeen

H.E. Fawzia Yusuf oo ka qeybgaleysa Shirka Golaha ammaanka ee looga hadlayo kordhinta ciidanka AMISOM iyo qalabeynta ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.‏

Ra'iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam ayaa maanta ka ambabaxday Caasimadda Muqdisho , iyadoo ku sii jeeda Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York , si ay uga qeyb gasho shir dhamaadka bishan October u furmi doona Xubnaha golaha ammaanka, kaasoo looga arinsan doono kordhinta ciidanka AMISOM iyo taageeridda Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, si ay u helaan taageero maaliyadeed iyo mid milatari oo la mid ah kaalmada loogu yabooho ciidanka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ka howlgala Soomaaliya ( AMISOM).
Valid XHTML 1.0 Valid CSS