Tag: kuxegeenka

Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo maanta booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho”

 Mudane Jan Eliasson Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa barqanimadii maanta booqasho rasmi ah ku yimid Magaalada Muqdisho,  iyado garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aaden Cabdulle si diirran ay ugu soo dhaweeyeen R/Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Fowsiya Yusuf Xaaji Aden, Wasiirka Gaashaandhigga C/Xakiim Maxamuud Xaaji Faqi, Saraakiil ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda uu kamid yahay xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda, Taliyaha Boliiska, Taliye ku xigeenka Nabad sugidda iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS