Tag: kulankii

Maxaa kasoo baxay Kulan Madaxtooyada kuwada qaateen Barre Hiiraale iyo R/Wasaaraha Somalia?(Sawirada)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa xalay Xarunta Madxatooyada Villa Soomaaliya waxa uu kulan kula yeeshay Waftiga Wasiirada ahaa iyo Bare Hiiraale, waxa uuna warbixin ka siiyey heerarkii ay soo martay wada xaajoodkii lagu soo afmeerayey in si nabad ah lagu soo xareeyo ciidamadii ku sugnaa goobweyn.

Sawiro:Xukuumadda oo soo saaray War-murtiyeed ku aadan Amniga & Warbaahinta

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo shalay isugu yimid shir aan caadi ahayn kaasoo uu ka qayb-galay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud.

Golaha wasiirada oo meel-mariyay dib u habeyn lagu sameynayo safaaradaha

Shir aan caadi ahayn oo ay maanta Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliyaayaa looga hadlay dib u habbeynta safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay caalamka.

Dowlada Soomaaliya oo magacawday guddiga abaaraha uguna deeqday lacag dadka abaaruhu ay saameeyeen

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed. Waxaana goluhu ku dhawaaqay in dalka ay ka jiraan abaaro daran, iyagoo guddi wasiiro ah u saaray wax ka qabashada abaaraha.

Daawo sawiradda:Golaha Wasiirada oo ansixiyey guddoomiyaha bangiga dhexe iyo ku-xigeenkiisa, dood dheerna ka yeeshay samaynta maamulada dalka

Muqdisho, April 24, 2014----- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka joogtada ah ee golaha wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo looga hadlay ansixinta guddoomiyaha bangiga dhexe iyo ku-xigeenkiisa. Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay maamul u samaynta gobolada iyo degmooyinka dalka, iyadoo arrintaasi go’aan laga gaaray.

Cabdiwali Sheekh Axmed oo kulan xalay Madaxtooyada kula qaatay saraakiisha AMISOM iyo Kuwa Dowlada.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa xalay kulan ballaaran la qaatay saraakiisha ciidanka Qalabka sida, iyo kuwa ciidanka nabad illaalinta ee AMISOM, isagoo ugu hambalyeeyey guulaha ay ka soo hooyeen howlgalada ka soconaya qeybo ka tirsan gobolada Bakool iyo Gedo.

Cabdiwali Sheekh Axmed oo kulan xalay Madaxtooyada kula qaatay saraakiisha AMISOM iyo Kuwa Dowlada.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa xalay kulan ballaaran la qaatay saraakiisha ciidanka Qalabka sida, iyo kuwa ciidanka nabad illaalinta ee AMISOM, isagoo ugu hambalyeeyey guulaha ay ka soo hooyeen howlgalada ka soconaya qeybo ka tirsan gobolada Bakool iyo Gedo.

Madaxweyne Xasan Sheekh "Burundi Waa Wallaalo dhab ah oo naftooda noo huray" (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa ammaanay doorka Brundi oo uu sheegay inay yihiin Wallaalo dhab ah.

Daawo sawiradda:Ra'iisul Wasaaraha oo ku amray Hey'adaha Amniga inay jawaab cad ka bixiyaan duqeymihii ka dhacay muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa la kulmay hay’addaha ku shaqada leh amniga, sida Wasiirka Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleediyo ku-xigeenadiisa, Taliyaha ciidanka Boliiska Gen. Saacid, guddoomiyaha gobolka Mudane Tarzan iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka dhamaan degmooyinka gobolka, Taliyayaasha saldhigyada iyo kuwa nabadsugida.

Ra'iisul Wasaaraha xilka ka degaya Saacid oo soo dhoweeyay go'aankii Baarlamaanka Soomaaliya

Ra'iisul Wasaaraha xilka ka degaya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa soo dhoweeyay go'aankii Baarlamaanka Soomaaliya uu kalsoonida kala laabtay Xukuumada, kadib shir maanta Golaha Wasiirada ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Golaha Wasiirada Ayaa Maanta Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda Sanada 2014 Iyo Gudoomiyaha KMG Ah Ee Bangiga Dhexe

Muqdisho, Khamiis, 28, Nove, 2013-----Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodi caadiga, kaasoo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, iyadoo looga dooday qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen Miisaaniyadda sanada 2014, Gudoomiyaha KMG ah ee Bangiga dhexe, iyo arrimaha amniga.

Baarlamaanka oo Soo Gabagabeeyay akhrinta Labaad ee hindise Sharciyeedka Bankiga Horumarinta Dalka

Kulanka Baarlamaanka ee maanta waxaa shir Gudoominayey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,ayadoo goobjoogna ay ahaayeen Gudoomiye ku xigeenka Koobaad Mudane Jeeylaani Nuur Iikar iyo Gudoomiye Ku xigeenka Labaad ee Golaha Mudane Mahad Cabdalla ayadoo fadhiga Baarlamaankana ay soo xaadireen 195Xildhibaan,bilowgiina waxaa la dhaariyey Laba Xildhibaan oo cusub.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS