Tag: kulan

Sheekh Shariif, C/qaadir Cosoble iyo Tarsan oo kulan gaar ah Muqdisho ku yeeshay (Sawiro)

Kulan saacado qaatay ayaa dhexmaray qaar kamid ah musharixiinta ugu cad cad sanadkaan, waxaana kulanka uu ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. 

Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada oo maanta kulan gaar ah yeelanaya

Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxda dowlad goboleedyada ayaa maanta lagu wadaa inay kulan gaar ah ka yeeshaan hanaanka geedi socodka doorashooyinka 2016, kaasoo lagu kala aragti duwan yahay nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa.

Wasiirada Waxbarashada Drs Khadra Bashiir oo la kulantay danjiraha dowlada Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare Drs Khadro Bashiir Cali oo ay wehelinayaa Wasiiru dowlaha Mudane Cabdullahe Bile, Wasiir ku xigeenka Mudane Xaamud Cali Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Tacliinta sare Mudane Ismaaciil Yuusf ayaa waxey maanta ku qaabishay Xafiiskeeda Safiirka Dowlada Chine u fadhiya Dalka Soomaaliya.

Kulan ammaanka looga hadlayay oo xalay ka dhacay Xarunta Nabadsugida

Kulan ammaanka looga hadlayay ayaa xalay ka dhacay xarunta Nabadsugida iyo Sirdoonka ee magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan diirada lagu saaray amniga caasimada iyo deegaanada ku dhow dhow.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta loo qeybinayo mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul Wasaaraha

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in loo qeybiyo mooshinka ka dhanka ah Xukuumada, iyadoo labada garab ee Xildhibaanada ay xalay oo dhan shirar gaar-gaar ah ku lahaayeen Hotelada iyo xarumha dowladda.

Daawo Sawirada" R/Wasaaraha oo kulan sagootin ah u sameeyay Guddiga maamul-u sameynta maamulka Koonfur Galbeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa kulan sagootin ah la yeeshay Guddiga Maamul-u-Samaynta Koonfur Galbeed. 

Ra'iisul Wasaaraha oo xalay la kulmay Hobollada Waaberi (SAWIRRO)

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo Wasiirka Warfaafinta  Mustaf Sh. Cali Dhuxulow, ayaa kulan casho-sharaf ahaa xalay magaalada Muqdisho kula qaatay fannaaniin ka tirsan Hooballadii Waaberi.

R/wasaare Saacid Oo Kulan Looga Hadlayay Ammaanka La Qaatay laamaha kala duwan ee Dowlada ee ku shaqada leh amaanka.

Kulanka ayaa waxa uu haa mid aad u balaaran waxaana diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa amaanka caasimada soomaaliya waxaana inta badan joogay hay,adaha ku shaqada leh sida Booliska iyo nabad sugida iyo maamulka Gobalka Banaadie iyo saraakiil Ciidan oo dhamaan kulanka looga yeeray waxaana kulanka shir gudoominaayay R/wasaare Saacid.

Xukuumadda Soomaaliya oo ansixisay sharciga maamul u sameynta gobollada

Shir ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda oo uu shir gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” ayaa looga hadlay sharciga maamul-u-samaynta Gobollada, Sarifka Lacagaha Qalaad iyo Warbixin kooban oo laga dhageystay Wasiirka Horumarinta iyo Adeegga Bulshada Drs Maryam Qaasim.

Raysal wasaare Saacid oo qaabilay danjiraha Italy ee Soomaaliya

Raysal wasaaraha Soomaaliya Md. Cabdi Faarax Shirdoon, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay maanta danjiraha Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Md. Andrea Mazella.

Saraakiil ka socday QM iyo maamulka Gobolka Galgaduud oo kulmay

Maamulka Gobolka Galgaduud ee dowladda Soomaaliya iyo culimada Ahlu Sunnah ee gobolkaasi, ayaa shalay kulan kula qaatay degmada Guriceel ee gobolkaasi saraakiil ka socdey barnaamijka cunnada adduunka ee WFP.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khamiista Clinton la kulmaya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maalinta Khamiista la kulmo Xog-hayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Maraykanka, Hillary Clinton.

Britain iyo Soomaaliya oo isla gartay xilliga la qabanayo shir arrimaha Soomaaliya looga hadlayo

Dowladda Ingiriiska, ayaa shaaca ka qaadday in iyaga iyo dowladda Soomaaliya isla garteen qabashada shir arrimaha Soomaaliya looga hadlaayo, kaas oo dowladda Britain ay mari galineyso.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS