Tag: kheere

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib safarkii Sucuudiga

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib booqasho qaadatay labo cisho oo ay ku tageen dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya. 

Khayre Oo Shir Guddomiyey Shir La isku Raacay in wax laga badalo qaabka Wada Shaqeened Garsoorka iyo Booliska

Ra’iisul Wasaaraha Xukumamadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shir gudoomiyey kulankaan oo ay ka qayb galeen Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashe Yusuf Ahmed , madaxda laamaha Cadaaladda , Garsoorka iyo Booliska, waxaana looga dooday Hirgalinta Hanaanka ku dhisan cadaaladda iyo dar-dar galinta  fulinta go’aanadda maxkmadda oo ay u xilsaaran yihiin ciidanka Booliska, si loo  xoojiiyo  kalsoonida Bulshada ay ku qabto Garsoorka.

Raiisul wasaare Khayre oo u amba baxay dalka Suudaan

Wafdigan uu hoggaaminayo raisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta u amba baxay dalka Suudaan,iyadoo mas’uuliyiin ay ku sii sagootiyeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan kula qaatay magaalada Oslo Wasiirka arimaha dibadda Norway Ine Marie Eriksen Søreide, iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dal, ka wada shaqaynta arrimaha amniga, kobaca dhaqaalaha iyo horumarka guud. 

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kormeeray Xarunta Ciidamada Booliska Soomaaliyeed

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa Xalay kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay ku sugnaayeen Wasiirka Amniga, Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Saraakiisha Ammaanka iyo Masuuliyiin kale. 

Guddi uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha oo shir ku saaban arrimaha doorashada 2020 uga socda Nairobi

Guddi farsamo oo ka kooban 10 xubnood oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa shir uga socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasoo ay uga hadlayaan nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sanadka 2020. 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay dhalinyaro dhowaan ka soo laabatay Libya (Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan soo dhawayn iyo dhiirigalin ah hooygiisa ugu sameeyay dad tahriibayaal ah oo go’aan saday in ay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo, Kuwaas oo ay xukuumaddu ka soo qaaday dalka Liibiya. 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo 3 Wasiir xilkii ka qaaday, isla markaasna magacaabay 3 Wasiir cusub

Muqdisho, 04 January 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa 3 wasiir xilalkii ka qaaday, isla markaasna 3 wasiir oo cusub uu u magacaabay xilalkaas bannaanaaday.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kormeeray Wasaaradda Maaliyadda, una hambalyeeyay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa galabta kormeer ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda oo ku taal degmada Shingaani, halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen, Wasiirka, Wasiir kuxigeenka,  Wasiir dowlaha iyo Mas’uuliyiin kale.

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo booqday dhalinyaradii laga soo daayay xabsiyada Ethiopia (Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Golahiisa Wasiirada, Xildhibaanno iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya, ayaa booqday 114 dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa magaalada Jigjiga,  kuwaas oo dib-u-helay xoriyaddoodii, haatanna ay gacanta ku hayso Dawladda Soomaaliya.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo sameeyay Email loogu soo diro Fariimaha (Akhriso)

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sameeyay cinwaan Email ah oo fariimaha loogu soo diro, iyadoo olole ku saabsan fariimaha lagu bilaabay Baraha Bulshada ee Facebook iyo Twitter-ka.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS