Tag: key

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo la bedelayo

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholas Kay ayaa lagu wadaa in bisha soo socoto la bedelo, waxaana Danjiruhu uu dhameystay labo sano oo uu wakiil uga ahaa Soomaaliya Qaramada Midoobey.

Nicholas Kay oo ka hadlay xaalada Soomaaliya iyo rajada laga qabo in doorasho dhacdo 2016

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa warbixin uu siiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey kaga hadlay xaalada guud ee Soomaaliya.

Nicholas Kay oo walaac ka muujiyay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo dib u dhacyada jira

Ergeyga gaarka ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo ka hadlayay kulan gaar ah oo Qaramada Midoobey ka yeelatay Soomaaliya ayaa ka hadlay xaalada guud, sida siyaasada, ammaanka iyo qorshaha hiigsiga sanadka 2016.

Nicholas Kay oo sheegay in aanay jirin sabab uu raalin gelin uga bixiyo hadalkii Baarlamaanka

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ka hadlay waxyaabihii ka soo baxay shirka Copenhagen ee looga hadlayay Hiigsiga Soomaaiya iyo sida ay tahay in loo fuliyo qorshayaasha u harsan dowladda, si sanadka 2016 loo gaaro doorasho.

Ergeyga QM ee Somalia oo ka hadlay shirka wax wadaqabsiga ee Copenhagen

Wakiilka QM ee Soomaaliya, danjire Nicholas Kay ayaa ka hadlay shirka wax wada-qabsiga ee Copenhagen ee HLPF oo furmi doona maanta, ayaa muujiyay sida uug ugu rajo-weyn yahay inay kasoo baxaan natiijooyin wax ku ool u ah Soomaaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia oo looga digay in lacago ku qaataan Mooshin ka dhan ah R/Wasaaraha Somalia

Muqdisho, 2 November 2014 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa mujiyay inuu aad uga walaacsanyahay xasaradda siyaasadeed ee ka dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, oo khatar gelinaya dadaalka dalku ugu jiro inuu gaaro ujeeddooyinka siyaasadeed ee muhimka ah ee lagu qeexay Barnaamijka Aragtida 2016.

UN Special Representative for Somalia condemns car bomb attack in Mogadishu

The Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia (SRSG), Nicholas Kay, condemned last night's car bomb attack in Mogadishu that resulted in the death and injury of many people. The President of Somalia has confirmed at least thirteen people were killed.

Dan-jire Nicholas Kay iyo madaxda dhaqanka ee Puntland oo maanta kulmaya

Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliye Nicholas Kay oo shalay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland soo gaarey, ayaa maanta la kulmaya madaxda dhaqanka ee deegaannada Puntland.

KAY: Qorshaha Maamul u dhisidda gobollada dhexe ma saamaynayo Puntland

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inuusan qorshaha maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galguduud uu yahay mid aan wax saameyn ah ku yeelan doonin maamulka Puntland.

Qaramada Midoobay & AMISOM oo ka hadlay Maalinta Xorriyadda Soomaaliya

Qaramada Midoobay iyo AMISOM ayaa si kala gooni-gooni ah uga hadlay maalinta xorriyadda Soomaaliya oo ku beegan maanta oo ah 01-da Luuliyo, iyagoo hambalyo u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

KAY: “Nidaamka Federaalka wuu Anfacayaa Somalia Haddii laga Faa’iideysto”

Danjire Nicholas Kay oo Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay hoggaamiyaasha Soomaalida inay ka faa’ideystaan hannaanka federaalka ee la doonayo in laga hirgeliyo Soomaliya.

Nicholas Kay oo Cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Xarunta Baarlamaanka

Muqdisho, 24 Maajo 2014- Ergayga Gaarka ah ee Xoghayha Guud ee Qaramada Middobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa combaareeyay weerarka lagu qaaday Baarlamaanka Federaalka Soomaalia maanta Kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac Gaari ay ka buuxaan waxyaalaha Qarxa ayaa lagu qarxiyay Albaabka wayn ee laga soo galo dhismaha Baarlamaanka. Sidoo kalena, waxaa laga maqlay baarlamaanka dhexdiisa is- rasaasayn saakadii hore.

QM oo ka digtay dhibaato ka dhalata Siyaasada Somalia

Wakiilka gaarka ah ee Q,M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Nicholas Kay oo asagoo Muqdisho jooga ka qeyb galay shirkii golaha amaanka ee Q,M ayaa waxaa uu sheegay in in kastoo 12 bilood ee lasoo dhaafay hor mar laga gaaray qeyb ahaan siyaasadda, amaanka iyo dhaqaalaha haddana ay jirto walaac uu ka qabo in siyaasadda Soomaaliya ay dhibaato ka dhacdo.

Kay oo amaanay warbaahinta kuna baaqay in la ilaaliyo xoriyada saxaafada

Iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalinta looga dabaal-dago calaamka oo dhan maalinta xoriyadda saxaafadda ayaa ergeyga Qaramada Midoobay, danjire Nicholas Kay wuxuu ammaan u jeediyay saxafiyiinta Soomaaliyeed ee naftooda ku waayay iyagoo waajibaadkooda gudanaya. Wuxuu ku baaqay in la wada ilaaliyo lana dhowro xoriyadda saxaafadda, isagoo ammaanay warbaahinta Soomaaliya oo sii kobcaysa.

Nicholas Kay oo cambaareeyay dilalka xubnaha Baarlamaanka ka tirsan iyo wariyaasha:- War-saxaafadeed

Ergyaga Gaarka ah ee Qaramadda Middobay u Qaabilsan Arrimaha  Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa cambaareeyay dilka loo gaystay Abdiasiss Issaq Mural oo ka tirsanaa  Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed iyo Marxuum Isaaq oo saaka lagu dilay magaalada Muqdisho.

Nicolas Key oo rajo xumo ka muujiyey in doorasho 2016-ka Somaliya ka dhacdo

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo wareysi siiyay BBCDa ayaa sheegay in tubta lagu gaarayo doorashooyin dimuquraadi ah in Soomaaliya ay ka qabsoomaan sanadka 2016- ay jiraan caqabada hor taagan dowladda fedaraalka islamarkaana Dowladda laga doonayo ka hor waqtigaasi ay maareyso caqabdaha jira

Qaramada Midoobay oo Cambaareeysay Weerarkii Madaxtooyada

Wakiilka gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia, Nicholas Kay ayaa cambaareeyay weerarkii maanta lagu qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Danjire Nicholas Kay oo ka digay in la carqaladeeyo Amniga Puntland

Ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa sheegay in doorashadii Puntland ay ahayd mid ku dayasho mudan oo ku dhacday si nabadgalyo ah, isagoo ka dalbaday madaxweynaha cusub ee la doortay inuu qaado tallaabooyin lagu xaqiijinayo ammaanka Puntland.

Nickolas Kay Oo Sheegay In Beesha Caalamku Ay Soo Dhaweyneyso Isbadalka Cusub Ee Puntland

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nickolas Kay oo munaasaadda ka hadlay ayaa shacabka Puntland ugu hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee maanta la doortay iyo doorashada sida ay ku dhacday.

Ra'iisul Wasaare C/wali Sheekh oo la kulmay Ergeyga Qaramada Midoobey Nicholas Kay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Ergayga gaarka ah ee Q.M u qaabilsan arimaha Soomaaliya, waxaana ay ka wada hadleen xiriirka adage ee u dhexeeya Q.M iyo Soomaaliya.

NICHOLAS KAY: “Waxaa socda Qorshayaal lagu Weerarayo Goobaha ay Al-shabaab kaga sugan tahay Soomaaliya”

Madaxa xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobay ay ku leedahay Soomaaliya, Danjire Nicholas Kay ayaa sheegay in ay socdaan qorshayaal lagu weerarayo deegaannada ay Al-shabaab kaga sugan tahay gudaha dalka Soomaaliya.

NICHOLAS KAY OO KU BAAQAY IN SI DEGDEG AH LOO MAGACAABO RA’IISAL WASAARE CUSUB

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa maanta ammaan u soo jeediyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ee jagada ka degaya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, wuxuuna tilmaamay kaalinta mas’uulnimada leh ee Baarlamaanka Federaalka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari ay u maareeyeen mooshinka “kalsooni ka qaadidda”.

Nicholas Kay oo Magaalada Gaalkacyo kula kulmay Isimmo iyo qaar ka mid ah Musharraxiinta Doorashada Puntland

Wakiilka Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya, danjire Nicholas Kay ayaa kala kulmay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug madaxda dhaqanka iyo musharaxiinta u taagan hoggaanka Puntland ee ku sugan Gaalkacyo.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS